Ra'iisulwasaaraha New Zealand oo ka shalayday "ka sheekaynta Trump"

Xigashada Sawirka, EPA
Ra'iisulwasaraaha New Zealand, Jacinda Ardern ayaa sheegtay in ay ka shalayday in ay saaxiibbadeed la wadaagtay sheekada ku saabsan kulankii ay dhawaan la yeelatay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Ardern ayaa Trump kula kulantay shirkii Apec ee Vietnam ka dhacay horraantii bishan.
Axaddii ayuu nin shactiroole ah saxafiyiinta u sheegay in Ardern ay tiri Trump ayaa igu khalday in aan ahay xaaska hogaamiyaha Canada Justin Trudeau.
Ardern ayaa diiday arrintaas waxayna sheegtay in ay ka hadashay oo kali ah sidii uu wax u arkay qof kale oo goobjooge ahaa.
Tom Sainsbury oo ay saaxiibbo yihiin Ardern ayaa idaacad New Zealand ku taalla u sheegtay "Ma hubo in ay munaasab tahay in aan ka hadlo arrintan, laakiin waxay tiri "Trump ayaa ku wareeray muddo oo ka fikiray in ay tahay xaaska Justin Trudeau.
Waraysigaas ayaa horseeday in warbaahinta New Zealand ay ciwaan ka dhigtaan Trump ma yaqaanno cidda ay tahay Ardern.
Ardern ayaase intaas ka dib diiday arrintaas. Iyada oo waraysi siinaysa telefishinka NZTV ee New Zealand ayayna Isniintii tiri "qof kale ayaa sheegay in ay la noqotay in arrintaasi dhacday, laakiin dhammaan xiriiradii aan la sameeyay Trump uma muuqanin qof ku wareersan cidda aan ahay, balse qof kale ayay sidaas la noqotay."
Qofka uu yahay ma aysan sheegin, laakiin waxay qirtay in intaas ka dib ay dhawr saaxiibadeeda ka mid ah ay la wadaagtay dhacdadaas.
Waxay sheegtay in ay ahayd dhacdo yar oo iska shactiro ah, aysanna rabin in ay horseeddo arrin dublamaasiyadeed, waxayna intaas ku dartay "Waxay ila tahay ma aysan ahayn in aan dhacdadaas soo hadal qaado markii laga gudbay.










