Trump: Jarmalka wuu ku khaldanaa qaabilaada muhaajiriinta

trump

Xigashada Sawirka, The Times

Qoraalka sawirka, Donald Trump

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ay sameysay '' khalad masiibo ah'' markii ay dalkeeda u oggaalatay inay soo galaan hal milyan oo muhaajiriin ah.

Waxa uu sheegay in Mrs Markel ay tahay hoggaamiyaha ugu muhimsan Yurub, isagoo intaasi ku daray in Midowga Yurub uu noqday gaarigii jarmalka.

Trump oo wareysi siinayay wargeysyo ka soo baxa dalalka Britain iyo Jarmalka ayaa wuxuu fahafaahin ka bixinayay siyaasadiisa arrimah dibedda.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump ayaa dhinaca kale khalad ku tilmaamay dagaalkii lagu qaaday dalka Ciraaq ee xukunka looga tuuray Saadaam Xuseen, waxa uuna sheegay in dagaalkaasi uu ahaa go'aankii ugu xumaa ee soo mara taariikhda dalka Mareykanka.

Wuxuu ku dooday inay habboonayd in aag nabdoon laga sameeyo gudaha dalka Ciraaq, kharashka arrintaasi ku baxayana ay bixiyaan waddamada Khaliijka Carabta oo uu sheegay in ay haystaan dhaqaale aad u badan oo aysan jirin cid kale oo haysata.

Dhanka kale, Trump waxa uu sheegay in uu doonayo in uu wax ka badalo heshiisyada ganacsiga ku saabsan ee Mareykanka la leeyahay waddamada caalamka, si buu yiri ganacsiga loogu sinnaado.

Waxa uu intaasi ku daray in uu diyaar u yahay in uu heshiis la galo Ruushka, kaa oo lagu yareynayo hubka niyuukleerka, taa badalkeedana Mareykanka uu xayiraadaha ka qaadi doono xukuumadda Moscow.

Mar uu ka hadlayay arrinta gaashaanbuurta NATO, ayaa Trump waxa uu sheegay in waddamada kale ee xubinta ka ah NATO ay tahay inay dhaqaalo badan ku bixiyaan gaashaanbuurtani.