Uganda: ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhimatay Buurta Elgon oo ku soo duntay tuulooyin ku dhawaa

Qoraalka Muuqaalka, Muuqaal muujinayo dhibaatada ka dhacday Uganda

Roobab ma hiigaan ah oo ka da'ay bariga Uganda oo sababay iney buurta Elgon soo dunto ayaa sababay dhimasho ka badan 40 qof, iyada oo laga cabsi qabo tirada dhimahada iney intaa ka sii korodho.

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa baadi goob ugu jira sidi ay dadka ku aasmay dhoobada ay u soo saari lahaayeen iyada oo dad badanna la la'yahay.

Dhibaatada tuulooyinkaasi ka dhacday waxaa sii huriyey dadku ku mashquulsan soo saaridda dadka aasmay waxaa haddana ku dhuftay daad xoog leh oo tuulooyinka xagg buurta Elgon uga yimid.

Muuqaallada masiibadaasi laga soo duubay ayaa waxay muujinayaan meydad laga soo qufayo dhoobada iyo guriyaha dhexdooda.

Dhoobada iyo Daadkuba waxau burburiyeen guriyihi ku yaallay tuulooyinka

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dhoobada iyo Daadkuba waxau burburiyeen guriyihi ku yaallay tuulooyinka

Deegaanka ay masiibadu ka dhacday oo ay marar badan ka qaraxdo Folkaanaha ciiddeedu waa mid aad ugu nugul iney si fudud daadad uga dhashaan.

Shacabka tuulooyinkaasi deggan oo looga digay roobabka da'aya iney dhibaatooyin ka dhalan karaan ayna ka fogaadaan agagaaraha buurta Elgon haddana wey ka madax adeeygeen iney guriyahooda ka baxaan.

Mid ka mid ah tuulooyinka ay dhibaatadu ka dhacday

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah tuulooyinka ay dhibaatadu ka dhacday

Ururka laanqeyrta cas ee Uganda ayaa wuxuu sheegay ilaa iyo hadda iney soo saareen 36 qof meydkood halka mas'uuliyiinta deegaanku ay sheegayaan tirada dhimashada iney gaareyso 40 qof.

Khariidad muujineyso buurta Elgon halka ay Uganda kaga taallo
Qoraalka sawirka, Khariidad muujineyso buurta Elgon halka ay Uganda kaga taallo