Gurmadkii Godka Thailand oo xaalad 'geeri ah' galay

Shaqaalaha gurmadka ayaa waxay ka welwel qabaan waxa dhacaya haddii ay roobab halkaa ka da'aan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Shaqaalaha gurmadka ayaa waxay ka welwel qabaan waxa dhacaya haddii ay roobab halkaa ka da'aan

Waxaa geeriyooday askari ka mid ah kuwii qeybta ka ahaa gurmadka loo fidinayo 12-ka da' yarta ah ee ku go'doonsan godka hoostiisa ee dalka Thailand, xilli ay sii socota mashaakilka haleelay dalkaas.

Ninkan oo horey uga tirsanaan jirey ciidamada quusa ee Thailand, laguna magacaabo Saman Gunan ayaa la sheegay in uu dhintay kadib markii suuxay, shaqadiisana waxa ay ahayd in uu shaqaalaha gargaarka iyo carruurtaba u geeyo qalabka lagu neefsado.

Dhanka kale shaqaalaha gurmadka degdegga ee masiibooyinka ayaa waxay la daalaa dhacayaan 12 dhalinyara ah iyo tababarahooda kubadda cagta oo ku xayirmay god ay maalmo ku jireen.

Roobab waaweyn ayaa ka da'ayey goobahaasi maalmihi la soo dhaafay socday waxayna sababtay in xaddiga biyaha ay kordhaan, taasoo sii kordhisay khatarta dadka xayirnaa.

.

Xigashada Sawirka, AFP

Deegaanka Chiang Rai maalmihi ugu dambeeyey waxay cimiladiisu ahayd mid qallalan oo aan roob lahayn.

Kooxda gurmadku ayaa waxay ka fikirayaan sida ugu wanaagsan oo dadkaasi godka ku xayirmay lagu soo badbaadin karo.

"Waxaan la halgameynaa wakhtiga ka hor inta aan la helin dadkaasi," maamulaha Deegaanka Chang Rai Narongsak Osotthanakorn oo shir jaraa'id qabtay subaxnimada Khamiista ayaa wuxuu sheegay. "biyaha ayaan dagaal kula jirnaa."

Mr Narongsak wuxuu sida oo kale sheegay in khadka telefanka lagu xidhay godka, marka waxaynu gaarnay halka ay carruurta ku jiraan waxayna la hadleen eheladooda.

Telephone cusub ayaa la geliyey godka, kaddib marki ay teleefoonna badan ay biyaha dhexdooda ku shaqeyn waayeen oo ay adeeggi joojiyeen.

Qoraalka Muuqaalka, Bill Whitehouse oo ka mid golaha shaqaalaha gurmadka degdegga Britain wuxuu ka warramay sida dhalinyaradaa iyo tababarahooda loo badbaadin karo

Hadduu roobku uu in mudda ah istaago, kooxda godka ku xayiran waxaa u suuragaleysa iney socod kaga soo baxaan godka Tham Luang halka ay quusid kaga soo bixi lahaayeen.

Guud ahaan, ka soo bixitaanka kooxda godka ku xayiran waxay qaadaaneysaa 11 saacadood 6 saac oo sii socd ah iyo 5 saac oo soo socod ah.

Carruurta godka ku xayiran badankood ma dabaalan karaan, marka kulligood waa inaan barnaa xirfadda aasaasiga ah ee biyaha sida loo quuso sidaa ayey godka kaga soo bixi karaan.

'Wiilashu waa walaalahey '

Ciidama saf ku jira oo agabka gurmadka sido
Qoraalka sawirka, Ciidama saf ku jira oo agabka gurmadkana sido

Kooxda gurmadka howsha ay dhalinyaradaa iyo macallinkooda ku badbaadinayaan waxay u marayaan xaalad aad u adag. Kuleylka godka ayaa ah mid aad u adag oo aadna u kulul, kulka oo gaaro 30, iyada waddada loo marayo godka ay dadkaasi ku xayiran yihiin dhooba aad u weyn ay ka buuxdo, dhoobadaasi oo ah weli mid aad u badan isla-markaana lagu silbanayo.

Hase ahaatee howsha badbaadinta dadkaasi si adag ayay ku socotaa, sid ay cidweliba ogsoontahay, haddii ay roobabka xilligan billawdaan, waxaa sii adkaanaya howsha lagu badbaadinayo dadkaasi.

Dhanka kale, shaqaala boqollaal ah ayaa ka caawinaya sidi howsha badbaadinta dadkaasi ay u noqon lahayd mid sahlan, ijnineerrada dhismaha waddooyinka waddada loo mara godka ayay dhoobada ku urursan ka banneynayaan, shirkadda Thai royal kitchen waxay halkaasi ka bixineysaa adeeg raashiin sidi ay cidwalba oo howsha gurmadka ku jirta ay u heli lahayd cunto kulul, dad si tabarruc howsha gurmadka uga qayb qaadanayana waxay halkaa ka bixinayaan biya iyo baraf oo ay siinayaan cidda u baahan.

Mid ka mid ah shaqaalaha dowladda ee deegaanka, oo adeeg tabarruc halkaa ka bixinayey ayaa wuxuu sheegay inuusan dhalinyarada shaqsi ahaan u garaneyn balse uu go'aansaday inuu howsha gurmadka gacan ka gesyto sababta oo ah "wiilasha ku xayiran godka waxaan ka soo qaaday walaalahay oo kale".

Miliitariga Thailand ayaa mar sii horreysay sheegay haddii ay biyaha quusitaan kaga soo bixi waayaan, dadka xayiran waa iney sugaan mudda afar bilood ah inta ay biyaha godku ka qallalayaan.

Cuunnooyinka iyo adeegyada kale ee loo baahan yahayna waa in loo sii diyaariyaa haddii ay xaaladdaasi dhacdo si looga sii diyaar garoobo.

Qoraalka Muuqaalka, Xirfadle Chili u dhashay oo dhalinyarada Thai farriin u soo diray

Wasiirka arrimaha gudaha Anupong Paojinda ayaa wuxuu ku baaqay howlaha gurmadka in la dardar geliyo maadaamaa la saadaalinayo iney roobab kale ka da'ayaan goobtaasi 'maalmaha foodda nagu soo hayso', sida ay qortay wargeyska Bangkok Post.

Mr Anupong wuxuu sheegay iney jiraan isku dayo ah sidi loo yareyn lahaa khatarta ka iman karta daadad halkaasi ka dhasho iyada oo tuubbooyin waaweyn biyaha godka lagaga soo tuurayo

Xaddiga biyaha ayaa hoos loo dhigay 40cm (15 inch) ilaa iyo arbacadi, shaqaalaha gurmadka ayaa hadda waxay awoodaan iney socdaan ilaa iyo 1.5 km (0.9 mile) halka laga soo baxayo ilaa laga gaarayo qaybaha dhexe.

Shaqaalaha gurmadka oo biyaha ka soo tuuraya godka Tham Luang ay dhalinyarada ku xayiran yihiin

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Shaqaalaha gurmadka oo biyaha ka soo tuuraya godka Tham Luang ay dhalinyarada ku xayiran yihiin

Ku dhawaad 128 milyan oo litir oo biya ah ayaa godka laga soo jiiday ilaa iyo Khamiisti, xaddiga biyahana waxay gaareen celcelis ahaan 1.5cm saacaddiba.

Wiilashan godka ku xayiran waxay da'doodu u dhaxeysa 11 ilaa iyo 16 jir iyo tababarahooda oo 25 jir ah, dadkaasi oo la la waayey 23-ka June. Waxaana la aaminay iney godka galeen xilli uu godku qallalnaa kaddibna roobabka xoogga leh ee halkaa ka da'ay ay xireen halki ay ka soo bxi lahaayeen.

Xilliga badbaadinta dhalinyaradaasi lagu guda jiray waxaa koox gurmad ah oo ka socotay Britain oo biyaha quusa ay xaqiijiyeen inay la kulmeen lakabyo dhagax ah oo ilaa iyo 4 km (2.5 mile) oo teedsan ilaa iyo afaafka hore ee godka.

Godka sida caadiga ah biya ayaa ka buuxsama xilliga roobka, roobabka oo istaago September ilaa iyo October.