Boqorka Thailand oo geeriyooday

Bhumibol Adulyadej

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Boqor Bhumibol Adulyadej ayaa dad badan ay jelaayeen

Boqorka dalka Thailand Bhumibol Adulyadej, oo ah boqorka ugu xukunka dheeraa adduunka ayaa geeriyooday isagoo 88 sano jir ah, sidaasi waxaa shaacisay boqortooyada dalka Thailand.

Boqorka ayaa xanuunsanaa sanooyin badan, laakiin xaaladiisa ayaa sii xumaatay maalmihii u danbeeyay.

Boqorka o ayaa xukunka hayay tan iyo 1946 dii, waxaa loo arkayay inuu ahaa qof mideeyay Thailand.

Waxaa jirta cabsi ah in dhimashadiisa waddankan oo milatari ka taliyo u keento deganaansho la'aan.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay cisbtiaalka boqorka lagu daweynayay.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay cisbtiaalka boqorka lagu daweynayay.

Boqortooyada ayaa Axaddii ka digtay in caafimaadka boqorka uusan wanaagsanayn. Boqolaal qof ayaa isugu soo baxday cisbitaalka lagu daweynayay boqorka.

Sharciyo adag ayaa u yaalla dalka Thailand, sharciyadaasi oo mamnuuc ka dhigayo in dadweynaha ay ka hadlaan cidiii badali lahayd boqorka geeriyooday.

Boqor Bhumibol, oo ku dhashay gobolka Massachusetts ee dalka Mraykanka ayaa boqortooyada wuxuu la wareegay, 9 June 1946 ka dib markii walaalkii boqor Ananda Mahidol, uu dhintay.

Dhimashada boqorka ayaa timid iaydoo dalkaasi uu wali ku jira xukun milatari oo yimid ka dib agfembigii dhacay sanaddii 2014-kii.