Muxuu ahaa kunteenarka ay meydad ka buuxaan ee ka caraysiiyay reer Mexico?

kunteenarka ay meydadka ku jiraan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, kunteenarka ay meydadka ku jiraan

Kunteenar Tareelle ah oo dowladda Mexico ka diiwaan gashan isla markaana ay ku jiraan ugu yaraan 100 meyd ayaa ka careysiiyay shacabka ku dhaqan gobolka Jalisco ee galbeedka dalka Mexico, iyagoo ka cabanaya qurmuunkiisa.

Masuuliyiinta deegaanka ayaa Isniintii sheegay iney isku dayayaan sidii meel kale loogu wareejin lahaa Kunteenarkass oo la kireeyay ka dib markii ay buuxsameen xarumihii meydadka lagu keydin jiray ee magaalada Guadalajara.

Dadka deegaanka ayaa marar badan ku soo cel celiyay ineysan u dul qaadan karin urka meydadka oo noqday mid xad dhaaf ah, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah shacabka.

"Xaafaddaan waxaa noo jooga carruur fara badan… arrintaan waan ku xanuunsan karnaa dhammaanteen," ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo José Luis Tovar.

Sharciga dalka Mexico ayaan oggoleyn in la aaso meydadka dadka lagu dilo dhacdooyinka la xiriira dambiyada.

Saraakiisha dowladda u qaabilsan gobolkaas ayaa sheegay iney raadinayaan xal kale oo waqti dheer lagu keydin karo meydadkaas.

Mexico ayaa sannadihii la soo dhaafay dhibaatooyin xoog leh kala kulantay dilalka ka dhasha dambiyada iyo qalalaasaha, kuwaasoo ku soo batay dalkaas.

In ka badan 200,000 oo qof ayaa la dilay ama la waayay tan iyo sannadkii 2006-dii, ka dib markii ay dowladda Mexico ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah kooxaha fal dambiyeedyada geysta.

Dalka Mexico ayaa sannadkiisii ugu qalalaasaha badnaa waxa uu noqday 2017-kii, iyadoo ay ka dheceen in ka badan 25,000 oo dilal ah.