Mexico: Xuska maalinta mowtada (Sawirro)

Xigashada Sawirka, AP
Magaalada Mexico City ayaa markii ugu horraysay waxaa waddooyinkeeda lagu qabtay isu soo baxyo loogu dabaal dagayey xuska maalinta mowtada.
Dadka xuska dhigayey ayaa waddooyinka la marayey buufinno iyo baambolayaal waaweyn. Saraakiisha ka shaqeeya hawlaha dalxiiska ee Mexico ayaa sheegaya in fikraddan ah in jidadka loo soo baxo ay ka dhalatay muuqaallo ku jiray filimkii James Bond ee sannadkii hore, Spectre, oo lagu duubay magaalada Mexico City.
Fillimka waxaa ku jiray muuqaal ku saabsan James Bond oo qof sharwade ah ku dhex eryanaya dad wadooyinka dabbaaldeg ku samaynayey oo dharka ay xirnaayeen u ekaysiiyey qalfoof.

Xigashada Sawirka, AP

Xigashada Sawirka, AP

Xigashada Sawirka, AP

Xigashada Sawirka, AP
Maamulayaashu waxay rajo ka qabaan in isu soo baxaan uu soo jiidan doono dalxiiseyaal badan oo magaalada yimaada.
Dhaqan ahaan, maalinta mowtada, qoysasku waxay ku xusaan magaalooyinka dibadooda oo maalintaas lagu cunteeyo, lana tago qabriyada ehelada, ama asnaam la xardhay oo guryaha la keensado.
Waxaa lagu qiyaasayaa in ilaa 135,000 oo qof yihiin dadkii tooska u daawanayey isu soo baxa.






