Jasiirad caruurtii ku noolaa ay nolosha ka quusteen

Laba jirkaan lagu magacaabo George waxa uu kamid yahay boqolaalka magangalyo doonka ah ee kunool Jasiiradda Nauru

Xigashada Sawirka, Image copyrightWORLD VISION AUSTRALIA

Qoraalka sawirka, Laba jirkaan lagu magacaabo George waxa uu kamid yahay boqolaalka magangalyo doonka ah ee kunool Jasiiradda Nauru

Nafta oo la iska gooyo iyo falal argagax leh oo waxyeello ku ah nafta ayaa sii cakiraya xaaladda caruur qaxooti ah oo ku rafaadsan jasiiradda Nauru, kuwaas oo ku sugan xaalad lagu tilmaamay "dhibaato caafimaad oo dhanka maskaxda ah".

Dalkan yar ee jasiiradda ah, ee jaarka la ah Australia ayaa waxaa ragaadiyey dhibaatooyin iyo gaboodfallo la xiriira xuquuqda aadanaha.

Balse barnaamijyo saxaafadeed oo taxane ah ayaa diiradda saaray xaaladda sii xumaanaysa ee da'yarta kunool jasiiiraddan.

Louise Newman oo ah dhakhtar wax ka dhigta Jaamacadda Melbourne taas oo la shaqaysa qoysaska iyo caruurta Jasiiraddaas ayaa sidan tidhi "waxaan ku aragnay habdhaqan ismiidaamin ah caruurta ay da'doodu u dhaxayso 8 jir ilaa 10 jir"

Australia ayaa ka hortagta dadka magangalyo doonka ah iyo kuwa qaxootiga ah ee doonaya in ay doonyo ku yimaadaan xeebeheeda.

Waxay ku adkaysanaysaa in aanay oggolaanayn in ay dib u dajin ka helaan Australia, sidaas darteed sanado badan ayay kharash ku bixinaysay xarumo dadka lagu hayo oo sigaar ah loo maamulo oo kuyaal jasiiradaha Nauru iyo Papua New Guinea.

Kooxaha caawiya qoysaska ku sugan Nauru ayaa soo gudbiyey sawirro naxdin leh oo la xiriira caruurta ku nool Jasiiraddaas.

Qaar badan ayaa noloshooda ku qaatay xabsi, ayagoo aan garanayn waxa ay ku dambayn doonaan.

Australia ayaa si joogta ah loogu dhaliilay sharcigeeda adag ee ku aaddan qaxootiga iyo magangalyo doonka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Australia ayaa si joogta ah loogu dhaliilay sharcigeeda adag ee ku aaddan qaxootiga iyo magangalyo doonka.

Dhibaatada lasoo daristay, oo ay u weheliso duruufta adag, ee mar marka qaar khatarta badan ayaa qayb ka ah in ay nolosha ka quustaan.