Australia oo dooneyso inay dibadda u dhoofiso hub badan

Sawir hore askar Australia ah
Qoraalka sawirka, Sawir hore askar Australia ah

Dalka Australia ayaa qorsheynaya istaraatiijiyad xooggan oo uu ku noqonayo toban sanno gudahood mid ka mdi ah tobanka dalee dunida ugu horreeyo soo saarista hubka.

Wasiiradda Australia ayaa sheegay in qorshuhu kor dhin doono dadaalada caalamiga ah ee nabad ilaalinta, iyo in abuurida kumanaaan shaqooyin ah gudaha dalkaasi.

Australia ayaa dooneyso inay iibiso qaar badan oo ka mid ah qalabkeeda iyo sahaydeeda milatari ee casriga ah, sida gawaarida dagaalka iyo kaamirooyinka qarsoon.

Australia haatan waxa ay caalamka ugu jirtaa liiska labaatanaad EE dalalka dhoofiyo hubka, balse waxa ay leedahay hami ah inay jabiso rikoor ah ka mid noqoshada tobanka dal ee ugu horreeyo.

Waxaa jiro balanqaadyo ay sameysay dowladd Australia oo ay ku gacan siineyso shirkadDaha si ay u kordhiyeen iibinta hubka.

Wasiirka gaashaandhiga Australia Christopher Pyne ayaa sheegaya in qorshahan uu abuuri doono tobanaan kun oo shaqooyin ah.

Haseyeeshee, hay'adda samafalka ah ee World Vision ayaa horey u sheegtay in siyaasaddan tahay ''dhoofinta dhimashada iyo ka faa'iidaysiga dhiigdaadinta.'