Xubin barlamaan oo lagu dabiibayo Isbitaal militari ku yaalla Uganda

Xigashada Sawirka, AFP
Ra'sal wasaaraha ku xigeenka Yuganda ayaa sheegay in Bobi Wine lagu dabiibayo Isbitaal ay ciidamada leeyihiin oo ku yaalla Gulu oo ku yaalla Waqooyiga Uganda.
Isaga iyo seddex xildhibaan iyo tobannaan taageerayaashiisa ah ayaa la xidhay kaddib marki uu muran ka dhahay doorashadi ku celiska ahayd ee ka dhacday Magaalada Arua oo ku taallo Waqooyiga galbeed ee dalka una dhaw xadka ay uganda la leedahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo South Sudan.
Waloow Uu Kassiano Wadri xabsiga ku jiray muddo laba maalmood ah haddana waxaa u suura gashay inuu ka guuleysto Nusura Tiperu oo ah musharrax uu garabsiinayey Madaxweyne Yoweri Museveni.
Ololaha Mr Wardi ayaa waxaa kor u soo qaaday dadka taageera heesaha charismatic oo uu caanka ku yahay Robert Kyagulanyi caanna ku ah magaca Bobi Wine.
Guushan doorashada ee muranka dhalisay ayaa lagu tilmaamay iney tahay mid miuujineyso inay sii ballaadhaneyso saameynta siyaasadeed ee uu leeyahay Mr Kyagulanyi.
Laba rag ah, seddex xildhibaan oo kale iyo tobannaan taageerayaashiisa ka mid ah ayaa xabsi ku jira.
Bobi Wine keligii waxaa si gooni ah uu ugu xidhan yahay ciidanka.
Dawladduna waxay sheegtay in si wanaagsan loo hayo oo ay xaaladdiisuna wanaagsan tahay.
Booliskana waxay warbaahinta dowladdu tuseen laba qori oo ay sheegeen in laga soo saaray qol uu huteel ka degganaa.
Khamiista waxaa maxkamad Militari oo ku taalla Gulu waqooyiga dalka Uganda la soo taagay xiddiga heesaha Reege, Mr Wardi iyo taageerayaashiisana waxaa la geeyey maxkamadda caadiga ah, ilaa iyo haddana ma cadda dacwadda dadkaasi lagu soo oogay waxa ay tahay.
Balse masuuliyiin dowladda ka tirsan ayaa waxay ku eedeeyeen colonyo baabuur ah oo madaxweynaha watay iney habeennimadi Khamiista soo weerareen ololaha doorashada kaddib.
Daqiiqado kaddibna waxaa la arkay darawalka Bobi Wine oo la toogtay oo meyd ah.
Doorasha ku celis ah ayaa la sameeyey kaddib marki la dilay Xildhibaan laga soo doortay Degmada Arua.
Ololaha doorashadan ayaa wxaa hareeyey rabshado iyo xarig taasoo la sheegay iney sababi karto iney dad yar codkooda ka dhiibtaan.










