Buuq baajiyay kalfadhigii Baarlamaanka Uganda

Yoweri Museveni

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Yoweri Museveni

Afhayeenka baarlamaanka dalka Uganda Jacob Oulanya ayaa ku qasbanaaday in uu hakiyo kalfadhiga baarlamaanka ka dib markii xubnaha baarlamaanka ay ka soo horjeedsadeen mooshin meesha looga saarayay xaddidaada da'da uu madaxwaynaha xilka hayn karo.

Xildhibaanada ayaa buuq iyo sacab isku daray markii falfadhiga uu bilaabamay.

Xildhibaanada ayaa buuqayay iyo hees waday muddo hal saac iyo bar ah taasi oo qasabtay in kalfadhiga la soo xiro.

Mooshinkan da'da uu madaxwaynaha xilka hayn karo oo la filayay in laga doodo Ayaan maanta lagu soo darin jadwalka.

Qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ayaa la sheegay in hadafkoodu ahaa in aan laga doodin arrimaha kale ee jadwalka ku jiray.

Xildhibaanada ayaa isku daray hees iyo qaaylo markii kalfadhiga la furay.

Ku xigeenka afhayeenka ayaa yiri"waxa jira halkan laba arrimood -xubno aan doonayn in ay fariistaan iyo afhayeen aan doonayn in uu shir gudoomiyo xubno aan fariisanayn".

Afhayeenka ayaa buuq badan ka dib waxa uu soo xiray kalfadhiga ilaa talaadada todobaadka soo socda.

Waxaa muddooyiinkii ugu danbeeyay ka socday dalka Uganda dooda ku saabsan isbadal lagu sameeynayo dastuurka dalkaasi.

Isbadal lagu sameeyo dastuurka ayaa fursad u siinaya madaxwayne Yoweri Museveni in uu mar kale u tartamo xilka madaxwaynanimada dalkaasi.