Yaa joojin kara in Whatsapp dad lagu dilo dalka India?

Dad badan oo Hindi ah ayaa telefoonada casriga ah ee raqiiska ah ka gala Whatsapp

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dad badan oo Hindi ah ayaa telefoonada casriga ah ee raqiiska ah ka gala Whatsapp

Xukuumadda India ayaa ka dalbatay maamulka Whatsapp in uu si dhakhsiyo leh wax uga qabto sidii loo joojin lahaa "farriimaha aan mas'uuliyadda xambaarsanayn" ee bartooda la isugu gudbiyo, ka dib markii la qaaday weerarro ay dad ku dhinteen. Laakin wax saamayn ah ma yeelan doontaa arrintan? Qormadan ayaan ku eegeynaa.

Maxay yihiin farriimaha la diray?

Arrintan ayaa timid ayadoo ay dad caraysan ku dileen ilaa 17 qof meelo kala duwan oo India ah, seddexdii bilood ee u dambeeyey. Warbixinno ay qoreen warbaahinta ayaa tirada dhimashada intaa ka badinaya.

Rabshadaha ayaa waxaa wax laga saarayaa warar ku-tiri-ku-teen ah oo la isla dhex marayo, kuwaasoo la xiriira ilmo la qafaashay, waxaana lagu baahiyey WhatsApp, ayadoo horseedday in dad la weeraro.

Mid ka mid ah rabshadahaas dhawaan dhacay ayaa gobolka waqooyiga bari ee Tripura, nin u shaqaynayey dawladda hoose la dilay. Taas waxay keentay in saraakiishu ay samaacado qaataan oo ay tagaan ilaa tuulooyinka, ayagoo dadka u sheegaya in aysan rumaysan wararka lagu faafiyo baraha bulshada.

Xukuumadda India waxay sheegtay in shirkaddu aysan sinnaba uga baxsan karin "mas'uuliyadda iyo isla xisaabtanka" macluumaadka ay wadaagaan dadka istcimaala.

Maxay xaaladdu faraha uga baxday?

Heerka ay weerarradu marayaan ayaa ah mid laga naxo, mana jiro ifafaale muujinaya inuu ka soo reynayo.

Guddiga nidaaminta isgaarsiinta India wuxuu sheegayaa in ay jiraan ilaa 1 bilyan oo telefoon oo si toos ah ugu xiran Whatsapp India gudaheeda, ayadoo ay jiraan malaayiin kale oo wakhtiyo gaagaaban isticmaala.

Intooda badan, waxay internetka ka isticmaalaan telefoonnadooda gacanta.

"Durbaba waxaa dadka baadiyaha jooga ka tan badiyey wararka faraha badan ee ku soo dhacaya, mana kala saari karaan kan runta ah iyo kan kale. Waxay u badan tahay inay rumaystaan wax kasta oo loo diro" sidaa waxaa yiri Pratik Sinha, aasaasaha barta xaqiijinta sugnaanshaha akhbaarta ee Alt news, mar uu BBC u warramayey.

Halkii dhawaan dadka lagu dilay ee gobolka Tripura

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Halkii dhawaan dadka lagu dilay ee gobolka Tripura

Qiyaastii 200 milyan ayaa India ka isticmaala Whatsapp, waana suuqa ugu weyn ee istcimaalka whatsapp. Sidoo kale waa adeegga dhanka internetka ee ugu ballaaran ee ay istcimaalaan dadka dalkaas. Taas micnaheedu wa inuu meel fog gaaro, kaliyana ma aha inuu u saamaxayo in farriintu ay meel fog gaarto, laakinse waa inay sidoo kale degdeg isu abaabuli karaan dadku.

Bacdamaa uu yahay mid farriimihiisu ay si shakhsi ah qofka ugu soo dhacaan, ayey dad badan isaga rumaystaan waxa loo soo diro, waayo waxay inta badan u soo maraan xubno qoyskooda ka tirsan ama asxaabtooda. Sidaa darteed, in mar kale la hubiyo wayba yar tahay.

Malaayiin qof oo aan waxba akhrin ayaa istcimaala Whatsapp
Qoraalka sawirka, Malaayiin qof oo aan waxba akhrin ayaa istcimaala Whatsapp

Xaaladdu way ka sii darnaan doontaa marka ay seddexda sano ee soo socota ku soo kordhaan ilaa 300 oo malyan oo qof oo internet isticmaasha, sida uu BBC u sheegay Prasanto Roy. Badidood dadkaas ma aha kuwo af Ingiriiska yaqaanna, waana dad dabaqadda hoose ah. Waxay aad u isticmaali doonaan inta badan fiidiyowyada iyo muusigga.

"Fiidiyow waa meesha ugu sahlan ee lagu gudbin karo wararka beenta ah. Bal fiiri fiidiyowyadii hore ee dagaallada iyo dilalka ee internetka lagu baahiyey. Ku tilmaan wax hadda dhacay, ka dibna dir. Daqiiqado gudahood ayuu ku fidayaa oo aad ku arkaysaa Facebook iyo Whatsapp" ayuu yiri.

Tiknolojiga la isticmaalo ayaa xaaladda sii cakiray.

Whatsapp farriimaheeda ma aha kuwo kuwo dhexda laga qaban karo. Labada qof ee isu diray oo kaliya ayaa heli kara, farriimahana kuma haraan kombiyuutarrada waaweyn (servers) ee whatsapp. Laakin waxa loo yaqaanno Metadata (qofka qof kale wacay ama qoraal u diray) ayaa la kaydin karaa, waxaana la sheegay in lala wadaagi karo maamulayaasha Maraykanka ka dib marka la helo ruqsad maxkamadeed, sida uu leeyahay Mr Roy. Xataa shirkaddu waxay leedahay "kaliya adiga iyo qofka aad la xiriirayso ayaa akhrin kara waxa la diray - cid kale oo idiin dhaxaysana ma arki karto, xataa Whatsapp".

Xaqiiqada ah in labada qof ee wax isu diraya oo qura ay farriinta arkayaan ayaa ka duwaysa adeegyada uu ka midka yahay kan la yiraahdo WeChat ee Shiinaha, maadaama uu isagu u hogaansan yahay sharciga Shiinaha ee dhigaya in dawladdu ay la socon karto farriimaha.

Maxay tahay in Whatsapp ay samayso?

Waxay ku xiran tahay qofk aad la hadlayso.

Nikhil Pahwa, aasaasaha iyo tifaftiraha barta internetka ee Medianama wuxuu sheegayaa in Whatsapp ay u baahan tahay inay isbeddel ka samayso sidii loo joojin lahaa dhibaatada.

"Dabcan Whatsapp waxay qayb ka qaadatay xorriyatul qowlka, mana aha in faafreeb lagu sameeyo. Laakin taa micnaheedu ma aha in mas'uuliyad aysan ka saarnayn xaaladaha noocan oo kale ah" ayuu ku yiri BBC.

Saraakiisha amniga si fiican uma qalabaysna, si ay uga hortagaan rabshadaha ka dhasha wararka Whatsapp la isugu diro

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Saraakiisha amniga si fiican uma qalabaysna, si ay uga hortagaan rabshadaha ka dhasha wararka Whatsapp la isugu diro

Wuxuu sheegay in jiraan dhowr talaabo oo ay qaadi karaan Whatsapp.

"Bil matal, dhamaan farriimaha waxaa loola dhaqmayaa inay yihiin kuwo gaar ah, taasoo micnaheedu yahay in dadku aysan toos u soo minguurin karin (copy-paste) farriintana aan sideeda loo sii gudbin karin (forward). Wax kasta oo toos loo sii gudbinayo waa inay noqdaan kuwo dadkoo dhan ay arkayaan oo la raadraaci karo qofkii ay ka soo billaabatay" ayuu yiri.

Qodobka kale ee uu soo jeediyey ayaa ah in calaamad la saaro macluumaadka ay dood ka dhalan karto, ayadoo qofka markiisa ugu horraysa isticmaalaya uu khasab ku daawado fiidiyow sharraxaya sida Whatsapp uu u shaqeeyo.

Mr Roy wuxuu sheegayaa in, walow qodobadaas ay cayimayaan qaabka Whatsapp uu u marayo "waxyaabaha ay tahay in la saaro" ee muranka uu ka imaan karo, misna inaysan caddayn waxa loo baahan yahay in laga sameeyo farriimaha aysan cidna arki karin.