Xukuumadda Gaambiya oo jartay Internet-ka

Xukuumadda Gaambiya ayaa mamnuucday isticmaalka Internet-ka iyo telefoonnada dibadda, ayadoo dalkaas ay doorasho ka socoto.
Saraakiisha ayaa sidoo kale mamnuucay in banaanbaxyo la sameeyo, si looga hortago in deganaansho la'aan ay dhacdo.
Murashaxa la yiraahdo Adama Barrow ayaa la tartamaya madaxweynaha talada haya, Yahya Jammeh, oo doonaya inuu markii 5aad xafiiska qabto.
Korjoogtada ayaa sheegaysa in Mr Barrow, oo mar waardiye ka ahaan jiray dukaan Ingiriiska ku yaalla oola yiraahdo Argos, uu kalsooni ka helay mucaaradka.
Mamma Kandeh oo isna ka socda Gambia Democratic Congress ayaa tartanka ka qayb qaadanaya.
Midowga Afrika ayaa halkaa u diray tiro korjoogto ah, laakinse Midowga Yurub, iyo urur-goboleedka ECOWAS uma aysan dirin.
Mr Jammeh ayaa Gaambiya oo ay ku nool in ka yar 2 Malyan oo qof afgambi ku qabsaday 1994, kooxaha xuquuqda aadanahana waxay ka cabsi qabaan in rabshado ay dhacaan.






