Mahathir Mohamad oo mar kale u tartamaya rai'sul wasaaranimada Malaysia

Mahathir Mohamad

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Mahathir Mohamad

Raisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia, Mahathir Mohamad, ayaa mar kale loo soo xulay in uu noqdo musharaxa xilka Rai'sul Wasaaranimada.

Mahathir Mohamad ayaa imika jira 92 sano.

Mr Mahathir ayaa xilka raisul wasaaranimada ka dagay sanaddii 2013.

Jagada Rai'sul wasaaranimada ayuu hayay in ka badan 20 sano.

Balse sanooyiinkii ugu dambeeyay ayaa waxa uu dib ugu soo laabtay siyaasada ,waxa uuna si wayn uga soo horjeedaa Rai'sul wasaaraha imika xilka haya, Najib Razak, .

Mr Razak ayaa waxa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa fadeexad lagu lunsaday balaayiin doolar.

Mr Mahathir ayaa imika musharax u noqon doono xisbiga isbahaysiga mucaaradka .