20 ruux oo qawmiyadda Uighur ah oo dhulka qoday xabsina ka baxsaday

Xigashada Sawirka, Reuters
Labaatan ruux oo qawmiyadda Wuuqiir (Uighur) ee dalka Shiinaha ka mid ah ayaa la la'yahay ka dib markii ay ka baxsadeen xarun dadka lagu hayo oo ku taalla Thai, sida ay saraakiishu sheegeen.
Maxaabiistan ayaa ka mid ahaa dad kor u dhaafaya 200 oo ruux oo qawmiyadda Wuuqiir (Uighur) ka soo jeeda oo la xiray 2014kii.
Saraakiishu waxay sheegeen in 25 ruux ay godad ka qodeen xabsiga ayna adeegsadeen busteyaal si ay uga tallaabaan siligyo afaf fiiqfiiqan leh oo xayndaab u ahaa xadka Malaysia. Shan ka mid ah ayaa la qabtay.
Boqollaal Muslimiinta Wuuqiir (Uighur) ah ayaa sannadihii u dambeeyay ka tagay gobolka ay ka soo jeedeen ee Xinjiang, iyaga oo soo jeediyay eedaymo ah in la caburiyay, Shiinaha ayaase diiday eedaymahaas. wuxuuna ugu yeeraa muhaajiriin sharcidarro ah.
Baxsashadan layaabka leh ayaa ka dhacday gobolka Songkhala, sida ay sheegeen saraakiisha. Maxaabiista ayaa dhulka ku qoday mutuleel jajabay.
"Labaatan ruux ayaa la la'yahay," sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal ka tirsan booliiska xabsigaas. Roob mahiigaan ah ayaana gacan ka siiyay in aan la maqlin baxsashadooda."
Wuxuu intaas ku daray in jidgooyooyin la dhigay agagaarka xadka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qawmiyadda Wuuqiir (Uighur) iyo gobolka Xinjiang
- Dadka Wuuqiir (Uighur) waa Muslimiin
- Dadka gobolka degan waxay ka yihiin 45%; Han oo Shiinays ahna waa 40%
- Shiinaha ayaa gacan kuhaynta gobolka dib ula wareegay 1949kii ka dib dalkii mudda kooban jiray ee Turkestan-ta Bari
- Intaas wixii ka dambeeyayna dad badaan oo Qawmiyadda Han ee Shiinayska ah ayaa u wareegay.
- Dadka Wuuqiir (Uighur) waxay ka cabsiqabaan in meesha laga saaro dhaqankooda.







