Maraykanka oo 18 sano ku xukumay rag ay eeddo u tahay marwada koobaad ee Venezuela

Xigashada Sawirka, Reuters
Labo nin oo ay eeddo u tahay xaaska madaxweynaha Venezuela ayaa lagu xukumay 18 sano oo xabsi ah oo ay Maraykanka ku qaadan doonaan ka dib markii lagu helay in ay si sharcidarro ah maandooriye uga ganacsanayeen.
Franqui Francisco Flores de Freitas oo 32 jir ah, iyo Efraín Antonio Campo Flores oo 31 jir ah ayaa lagu eedeeyay in ay maleegayeen sidii Maraykanka lagu galin lahaa 800kg oo ah maandooriyaha cocaine.
Raggan waxaa eeddo u ah Cilia Flores oo ah xaaska madaxweyne Nicolás Maduro.
Labadan nin ayaa lagu xiray Haiti sannadkii 2015kii.
Venezuela ayaana Maraykanka ku eedaysay in uu afduubtay labada nin uuna qorshahan u maleegay si uu wax ugu dhimo xukuumadda Maduro.

Xigashada Sawirka, GETTY
Flores ayaa ka mid ah guddi awood badan oo Venezuela ka dhisan, waxayna afhayeen ka soo noqotay Baarlamaanka qaranka intii u dhaxaysay 2006 ilaa 2011kii.
Arrintan ayaa sii xumaynaysa calaaqaadka labada dal oo aan markii horeba wanaagsanayn.






