Mareykanka: Duufaan xooggan oo ku dhufatay gobolka Texas

Houston

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Waddooyinka waaweyn ee Houston ayaa isku beddelay webiyo

Magaalada Houston ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ku dhufatay duufaan xooggan oo ah tii ugu culseyd inta lagu hayo taariikhda gobolka Texas, sida ay sheegayaan saraakiisha dalkaasi .

Roob cabbirka biyihiisu ay yihiin (75cm) ayaa ku da`ay magaalada xilli duufaanta Harvey oo dabeylo xooggan wadata ay ku dhufatay magaalada, taas oo wadoooyinka u beddeshay webiyo.

Magaalada ayaa la filayaa in roobkii sanadka ku di`i lahaa oo dhan uu ka da`o toddobaad gudahood. Shan qof ayaa lagu soo warramayaa inay dhinteen. Helikobtarro ayaa dhibbayaasha ka daad-gureynaya saqafyada korkooda.

Iyadoo adeegyada samata-bixinta aysan wada gaari Karin dadka, ayay dad badan ku qasbanaadeen inay is samata-bixiyaan.

Isbitaallada ayaa laga baxay, kumannaan qofna ayaana koronto la`aan ah.

Iskuullo badan ayaa xiran - iyadoo labada garoon ee ugu weyn ay gebi haanba biyo fadhiyaan.

Houston

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Qoysas badan ayaa is dabbaraya si ay uga baxsadaan daadadka
Houston

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Waddooyin badan oo magaalada ku yaalla ayaa noqday kuwo aan la isticmaalin karin
Houston

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Helikobtarrada ayaa door weyn ka cayaaray ka samata-bixinta dadka goobaha uu daadku ku fatahay

Ilaa 2,000 oo qof ayaa laga soo badbaadiyay gudaha iyo agagaarka magaalada Houston, iyadoo roob xooggan uu ka da`ayo gobolka Texas.

Waxaa jira warar sheegaya in laga yaabo in dad ay ku dhinteen gawaari biyaha ku hoos jira, balse baaritaanno ayaa socda. Waaxda arrimaha cimilada Mareykanka (NWS) ayaa sheegtay in xaaladdu ay tahay mid culus oo aan mealna looga bixi karin magaalada.