50 ku dhimatay daadad ku dhuftay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo

BBC

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhimatay, kumannaan kalena way ku gurya beeleen daadad ku dhuftay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo.

Fatahaadda ayaa ka dhacday dhanka koofur-galbeed ee dalkaasi.

Roob mahiigaan ah ayaa sababay in wabiga Kalamu oo dhexmara magaalada Boma uu gabiyada jabsado, Talaadadii.

Dadka deegaanka waxay sheegayaan in gurayaha qaar ay qarisay dhiiqo dhirarkeedu yahay ilaa iyo hal mitir

Biyaha ayaa gaaray 2 mitir taas oo aad uga badan sidii caadiga ahayd, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka bartmaha Kongo, Jacques Mbadu oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP

Daadad ba'an, abaaro iyo dabeylo ayaa la filayaa inay Afrika ku bataan, taas oo natiijo u ah isbedelka cimilada.