New Zealand: magaalo dhan oo la daadgureeyay

Xigashada Sawirka, Reuters
Gabi ahaanba waxaa la daad gureeyay dadkii deganaa magaaalada Edgecumbe ee dalka New Zealand ka dib markii ay daadad aad u xun ku dhufteen.
Ku dhawaad 600 oo guri iyo 2,000 oo ruux ayay saameeyeen daadadku, doomo iyo cagacagafyo ayaa dadka gaynaya meelo ay ku nabadgali karaaan.
Roobkan ayaa weheliyay duufaanta Debbie oo dalka Australia ku dhufatay todobaadkii hore iyadoo dabaylaha iyo daadadku ay sababeen in ay wabiyadu fatahaan.
Qolyaha saadaasha hawada qaabilsan waxay cimiladan xun ee labada dalba ka dhacday ku tilmaameen mid 500 ee sanaba hal mar dhacda.
Duufaan xoog badan ayaa sidoo kale ku dhufanaysa jasiiradda koonfureed ee New Zealand.

Xigashada Sawirka, TVNZ
Biyaha ku fatahay Edgecumbe ayaa la sheegay in joogoodu uu labo mitir gaarayo. Booliiskuna waxay sheegeen in ay gaafwareegidoonaan goobaha ay daadgurayntu ka dhacday ayna dhigeen jidgooyooyin si dadka deegaanka looga hor istaago in ay dib ugu soo laabtaan.
Booliiska ayaa raadinaya hal ruux oo la rumaysan yahay in la la'yahay.


Xigashada Sawirka, Reuters






