Ra'iisalwasaaraha Australia oo jawaabo ka dalbanaya Maraykanka

Justine Damond

Xigashada Sawirka, Justine Damond

Qoraalka sawirka, Justine Damond

Ra'iisalwasaaraha Australia ayaa sheegay in uu jawaabo ka dalban doono dalka Maraykanka si wax looga ogaado dilka aan faahfaahinta badan laga haynin ee askariga Maraykanka ah uu u gaystay gabadh Australian ah.

Justine Damond oo asal ahaan ka soo jeedda magaalada Sydney ayaa lagu dilay magaalada Minneapolis ka dib markii ay iyadu u yeertay booliis iyada oo ka shakiday in ay macquul tahay in uu fal dambiyeed dhaco.

Xukuumadda Maraykanka ayaa arrintaas baaritaan ku haysa, waxayse sheegtay in aysan ku qasbikarin askariga in uu caddaymo bixiyo.

Ra'iisalwasaare Turnbull ayaa sheegay in ay xukuumaddiisa ay ka go'antahay "sida masiibadan ay u dhacday".

"Siday ku dhici kartaa in haweenay qabta dharkii jiifka oo codsatay gargaar in sidaa loo toogto?" Ayuu ku yiri warbaahinta gudaha ee Nine network.

"Waa dil argagax leh, jawaabo ayaana dalbanaynaa anaga oo ku hadlayna magaca qoyskeeda."

Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warrantay in haweenaydaasi oo 40 jir ah oo qabtay dharka jiifka ay u dhaqaaqdan dhanka gaarigii uu booliisku watay markii la toogtay Sabtidii.

Malcolm Turnbull ayaa jawaabo ka dalban doona Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Malcolm Turnbull ayaa jawaabo ka dalban doona Maraykanka