Da'yarta la xagjireeyay oo Australia ku soo batay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dad ka Australia ee ay xagjireysay kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ayaa ku badaneya da'yarta, sida ay sheegayaan ciidamada sirdoonka.
Warbixin la soo saaray ayaa muujineysa in aad ay u korortay tirada dhallinyarada xagjirka ah ee laga shakiyay muddadii u dhexeysay 2013 illaa 2015-kii.
Warbixinta waxaa soo bandhigay taliyaha laanta sirdoonka Australia (ASIO), Duncan Lewis.
Wuxuu sheegay in "diinta Islaamka oo si xagjirnimo ah loo fasiray" ay dhalisay halista argagixiso ee ugu weyn ee hadda Australia ay wajeheyso.
Balse wuxuu sheegay in "99.9% ee Muslimiinta Australia" aysan dan ka lahayn ASIO.
Duncan Lewis wuxuu xaqiijiyay in 2013, in 45% dadka laga shakiyay ee "sunnigaa xagjirka ah" ay da'dooda u dhexeysay 25 illaa 34.
Laba sano ka dib, in 40% dhallinyarada laga shakiyay ay da'dooda u dhexeyso 15 illaa 24-sano jir.
"Waxaan raadineynaa dhallinyaro aad u yaryar oo isku xiran, saameyna ku leh arrintan... xagjirka, iyo farriimaha rabshadaha dhaliya".
Wuxuu sidoo kale sheegay in sare u kaca tirada dhallinyarada la xagjireeyay ay saameyn weyn ku yeelandoonto amniga Australia.
"Balse, 99.9% Muslimiinta Australia kuma lug laha dhaqdhaqaaqyada walaaca amniga, laanta sirdoonka ee Australia na ma dooneyso dadkaasi", ayuu yiri Duncan Lewis.
Hadalkiisan ayaa yimi saacado ka dib markii la qabtay nin 42-sano jir Australian ah oo doonayay inuu daacish kala taliyo sameynta gantaalada.










