Qaxooti Suuriyaan ah oo kaalinta koobaad ka galay iskuul Australia ku yaalla

Sacad oo la sawiran kangaroo ga ay Australaia caanka ku tahay

Xigashada Sawirka, Saad Al-Kaab

Qoraalka sawirka, Sacad oo la sawiran kangaroo ga ay Australaia caanka ku tahay

Wiil qaxooti ah ah oo u dhashay dalka Suuriya oo labo sano ka hor aanan ku hadli kain luuqada Ingiriiska ayaa si wanaagsan uga baasay imtixaanka iskuulkiisa oo ku yaalla Australia.

Balse Sacad Al kasab mar kasta ma ahayn ardayga ugu wanaagsan fasalkiisa.

14 sano jir ayuu ahaa markii uu dagaalka sokeeye ee Suuriya billowday, 2011-kii.

Suuriya ayuu ka qaxay isagoo la socdo qoyskiisa, waxayna dageen magaalada Melbourne ee dalka Australia oo uu adeerkood sii dagaganaa.

Inta aysan ka soo baxsanin colaadda Suuriya, suurtagal ma ahayn in Sacad uu waxbarsahdiisa sii wato iyadoo xarumaha waxbarsahda loo badalay xeryo qaxooti ama saldhigyo ciidan.

Sacad iyo ardey kale oo la sawiran macallinkoodii fasalka lixaad ee iskuulka Suuriya ka hor dagaalka

Xigashada Sawirka, Saad Al-Kabb

Qoraalka sawirka, Sacad iyo ardey kale oo la sawiran macallinkoodii fasalka lixaad ee iskuulka Suuriya

Qoyska Sacad waxay ku khasbanaayeen inay kolba xaafad u qaxaan iyagoo ka cararayay bambaanooyinka ay dhinacayda isku adeegsanayeen.

Walaalkii ka wayn oo howlaha gargaraka gacan ka geysnaayay ayaa waxaa xabsiga u taxaabaay ciidammada dowladda. Sacad iyo xubnihii kale ee qoyska ayaa wixii intaa ka dambeeyay isaga qaxay Suuriya.

Waxay u tallaabeen xadka Lubnaan oo ay uga sii gudbeen Masar halkaasi oo ay ku noolaayeen muddo sanad ah. Waxay dabeedna u guureen Australia.

Sacad iyo saaxiibkiisa oo ku sugnaa Suuriya

Xigashada Sawirka, Saad Al-Kaab

Qoraalka sawirka, Sacad iyo saaxiibkiisa oo ku sugnaa Suuriya

Sacad hadda waa 19 sano jir wuxuu ka qalinjebiyay mid ka mid ah iskuulada saree ee ugu fiican Australia isagoo galay kaalinta koowaad.

Waxaa cajiib noqotay in wiil qaxooti ah oo dalka ku cusub oo aanan luuqada Ingiriiska waxba ka aqoon markii uu imaanayay 2014-kii uu kaalintaasi oo kale gaaro.

Sacad ayaa sheegay, "Marka aad timaado meel aadan aqoonin sida loo hadlo, dadkuna aadan fahansaneyn, waa arrin adag. Marxaladda koobaadna waa in aad ka shaqeyso arrintaas oo runtii sahalaneyn"

Sacad iyo wasiirka waxbarashada ee Australia

Xigashada Sawirka, Saad Al-Kaab

Qoraalka sawirka, Sacad iyo wasiirka waxbarashada ee Australia

Wuxuu sheegay inuu si tartiib tartiib ula qabsanayo dhaqanka Australia.

"Waxaan mark kasta is weydiin jiray maxay tahay sababta dukaamada halkan loo xiro 5-ta galbnimo", ayuu yiri Sacad

Sacad Alkasab hadda wuxuu sugayaa jaaamacadda inuu billaaabo

Xigashada Sawirka, Saad Al-Kaab

Qoraalka sawirka, Sacad Alkasab hadda wuxuu sugayaa jaaamacadda inuu billaaabo

Markii kaalinta kowaad uu u galay imtixamaadka dugisga sare ee Melbourne ayaa Sacad wuxuu halay deeq waxbarsho oo ay ugu deqday jaamacadda Monash oo ku taalla magaalada Melbourne. Wuxuu doonayaa inuu noqdo dhakhtar.