Australia oo diiday eedaymaha Amnesty

Xigashada Sawirka, AMNESTY INTERNATIONAL
Dawladda Australia ayaa si "adag" u diiday in ay si ula kac ah isaga indho tirayso tacadiyada dadka magangalyo doonka ah.
Hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa sii daysay warbixin ay ku dhaliilayso xaaladda goobaha dadka lagu xiro ee jasiiradda Nauru.
Warbixinta ayaa lagu soo gabogabeeyay in Australia ay si ula kac ah u ogolaanayso tacadiyadaas si ay u niyad jabiso dadka magangalyo doonka ah.
War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda socdaalka ee dalkaas ayaa Amnesty ku dhaliilay in aysan dawladda kala tashanin arrintaas.
"Ma jirin wax wadatashi ah oo amnasti ay la samaysay waaxda socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha markii warbixintaas la diyaarinayay" ayaa lagu sheegay qoraalkaas.
"Si adag ayaan u diidanahay inta badan eedaymaha ay warbixintaasi xambaarsantahay, waxaana Amnesty International ku dhiirigalinaynaa in ay la soo xiriiraan laanta socdaalka kahor inta aysan baahinin eedaymahaas oo kale" ayaa la sii raaciyay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixintaas waxaa lagu sheegay in Australia aysan dhaqangalinin shuruucda Nauru oo ah dal madaxbanaan.






