Baarlamaanka Nigeria oo taageeray in megelngelyo la siiyo madaxweynaha Gambia

Xigashada Sawirka, AFP
Xildhibaanada Nigera ayaa codkooda ku taageeray in madaxweyne Yaxma Jammeh la siiyo megengelyo, haddii uu aqbalo in awoodda uu si nabad ah ku wareejiyo.
"Saacadda si xowli ah ayey ku socotaa", hadaba dadaalka lagu xallinayo qalalaasaha Gambia waa in la xoojiyaa, ayey sheegeen xildhibaanada.
Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari ayaa la filayaa inuu maanta oo Jimcaha gaaro Gambia.
Dadaalkiisa ayaa loogu talagalay in lagu fududeeyo heshiis lala gaaro Yaxya Jammeh, si dalkaasi uusan qalalaaso uga dhicin.
Xafiiska madaxweyne Buhari weli ka muusan hadlin codeynta baarlamaanka.
Hogaamiyaha mucaaradka ee xilka ku guuleystay, Adama Barrow, wuxuu ku adkeysanayaa in 19-ka bishan uu noqonayo madaxweynaha dhabta ah.
Si kastaba, Yaxya Jammeh wuxuu sheegay inuu xafiiska sii hayn doono illaa maxkamadda sare ay go'aan ka gaareyso.
Wuxuu doonayaa in natiijada doorashadii December la laalo, wuxuuna ku doodayaa in wax is dabamarin la sameeyay.
Aqalka wakiillada Nigeria wuxuu madaxweynaha ku boorinayaa in Jammeh uu u ballan qaado in gabaad amni ah laga siinayo Nigeria.
Waxay doonayaan in is hor taagnaanta si nabad ah xal looga gaaro.
"Arrintan ayaa waxay ka wanaagsan tahay in ciidamo loo diro Gambia si ay xoog awoodda uga qaadaan Jammeh, Iyo in la arko shacab qaxooti ku ah dalalka deriska", ayuu yiri gudoomiyaha aqalka, Yakubu Dogara.











