Nigeria oo u jawaabtay madaxweynaha dalka Gambia

Dhexdhexaadiyayaasha ECOWAS oo la kulmay Yaxya Jammeh

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dhexdhexaadiyayaasha ECOWAS oo la kulmay Yaxya Jammeh

Wasiirka warfaafinta ee dalka Nigeria, Lai Maxamed, ayaa ka jawaabay hadallo ka soo yeeray madaxweynaha Gambia, Yaxya Jammeh.

Jammeh ayaa sheegay in dalalka ECOWAS looga baahan yahay inay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan arrimaha gudaha.

Mr Maxamed oo hadalkaasi ka jawaabayay ayaa BBC-da u sheegay in hogaamiyayaasha dalalka Galbeedka AFrika ay xaqiijinayaan xasilloonida, nabadda, dimuquraadiyadda iyo u hogaansanaanta sharciga.

Arrintan ayaa imaaneyso ayadoo maxkamadda sare ee Gambia la filayo inay dhageysato diidmada madaxweyne Jammeh ee natiijaddii doorashada.

Balse, maxkamadda ma dhageysan doonto kiiska, ka hor bisha January.

Arrintaas ayaa loo sababeynayaa inm maxkamadda sare aysan la hayn garsoorayaal ku filan.

Madaxa cadaaladda, Emmanuel Fagbele, wuxuu sheegay in garsoorayaal ka socda dalalka Nigeria iyo Sierra Leone, loo magacaabay inay ka qeybgalaan dhageysiga kiiska.

Balse, xaakinnadaasi ayaanan weli gaarin dalka Gambia.

Mr Jammeh ayaa markii hore ogolaaday in doorashada looga guuleystay, laakiin dib ayuu maskaxdiisa ka badalay.