Dalalka galbeedka Afrika oo ka arrinsanaya xaaladda Gambia

Hogaamiyayaasha Wadamada Galbeedka Afrika ayaa ku kulmaya magaalada Abuja ee caasimadda Nigeria iyaga oo kawada xaajoonaya siddii ay xal ugu heli lahaayeen siyaasada murugsan ee Gaambia.

Dhexdhexaadiyayaasha ECOWAS oo la kulmay Yaxya Jammeh

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dhexdhexaadiyayaasha ECOWAS oo mar sii horreysay la kulmay Yaxya Jammeh

Madaxweynaha Nigeria ayaa gudoominaya kulankan.

Qoraalka Codka, Afrika maxay ka baran kartaa doorashadii Gambia

Madaxweyne Yahya Jammeh ayaa diidey in uu xafiiska baneeyo kadib markii doorashada laga guuleystey bishii aynu soo dhaafney.

Axadii ayey dowladu xirtay idaacadii afraad. Shaqaalaha Paradise FM oo ka mid ah idaacadaha ugu caansan wadanka ayaa sheegey in ay booliisku amreen in ay joojiyaan shaqada iyaga oo aan loo sheegin sababta.

Mr Jammeh ayaa markii hore ogolaaday in doorashada looga guuleystay, laakiin dib ayuu maskaxdiisa ka badalay.

Wuxuu tagay maxkmadda ugu sarreysa dalkaasi isagoo diidan natiijadii doorashadii dhacday 1-da bishii December.

Waxaa jira warar sheegaya in laga yaabo in xaakimyada maxkamadda Gambia aysanba dhageysan doonin dacwadaasi oo lagu waday inay billaabato Talaadada.