Trump oo sheegay waxa keliya ay Soomaalidu ku fiican yihiin
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hadallo adag ka jeediyay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo si gaar ah uga hadlay burcad-badeedda. Khudbad uu jeediyay ayuu ku tilmaamay Soomaaliya meel khatar ah, isaga oo sheegay in dadka Soomaaliyeed lagu yaqaanno afduubka maraakiibta waaweyn ee badda mara, gaar ahaan kuwa shidaalka qaada.
Wuxuu sheegay in maraakiibtaasi ay halis weyn ku jiraan, maadaama shaqaalahoodu aysan hub sidin, islamarkaana aysan dagaallamin marka la weeraro.
Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu hadda si adag ula dhaqmay burcad-badeedda, isla qaabkii ay ula macaamilaan kooxaha daroogada ka ganacsada, taas oo, sida uu sheegay, keentay in burcad-badeednimadu hoos u dhacdo, isla markaana muddo aan la arag markab la qafaashay.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: