Horey waxaan u tebinnay in Al-Shabaab ay saaka weerareen oo ay qabsadeen saldhigga ciidamada Jubaland ee ku yaalay tuulada Kudhaa.
Wararka aan haatan ka heleyno dhanka Jubaland ayaa haatan sheegaya in diyaarado ay duqeyn ka fuliyeen aagga Kudhaa, oo ah saldhigga ay maanta la wareegeen Al-Shabaab ee ku yaala Jubaland.
Wararka ka imaanaya degmada Kudhaa ee maamulka Jubaland
ayaa sheegaya in kooxda al-shabaab ay abaare 3-dii subaxnimo ee saaka weerar ku
qaadeen saldhig ay halkaas ku leeyihiin ciidanka Jubaland.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in kooxda ay
qabsatay tuulada Kudhaa oo ay haatan gacanta ku hayaan.
Dhanka kale, waxaa la soo werinayaa dad shacab ah oo gurigooda xabadaha ugu galay. Dhimasho ayaa la soo werinayaa.
Weli war rasmi ah kama helin dhanka Jubaland, oo la
xirriira khasaaraha soo gaaray ciidankooda.
Saldhiga ay haatan qabsadeen Al-shabaab, waxaa horey u
degenaa ciidamada Kenya.
Maxaa Trump ku salliday Soomaalida? Afar eray ayay ku qeexday Ilhaan
Kadib markii uu si isdaba joog ah Donald Trump u weeraray Ilhan Omar iyo Soomaalida todobaadkaan ayaa waxaa weerarkaas afka ah ka jawaab celisay Ilhan, iyada oo ku qeexday Trump in uu mar walba yahay "cunsuri, dulqaad yar, shisheeye neceb ah, muslinkana neceb".
Muuqaal ay waraysi siinaysay warbaahinta MS Now oo ay ku soo daabacday baraheeda bulshada, ayay sheegtay Ilhan 'in aysan la yaab lahayn talaabooyinka uu qaaday ee uu ku beegsanayo soo galootiga madowga ah', sida ay hadalka u dhigtay, iyada oo dib u milicsatay hadaladii qalafsanaa ee uu u adeegsaday wadamada Afrika muddo xileedkiisii hore.
"Waxaan jeclaan lahaa in aan dhaho ayaa ah in dhammaanteen aan nahay muwaadiniin. Baasaboorkeena waxaa ku qoran inaan nahay muwaadiniin dalkaan u dhashay", ayay tiri Ilhan.
Madaxweyne Trump oo todobaadkaan dhowr jeer weerar dhinac afka ah ku qaaday bulshada Soomaalida ayaa ku tilmaamay in aysan "waxba ku soo kordhin" Maraykanka. "anigu ma doonayo inay dalkeenna joogaan", ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii watay.
Safarka Trump ee Switzerland oo dib u dhac ku yimid
Waxaa dib u dhac ku yimid safarkii madaxweyne Trump ee
Switzerland sababo lagu sheegay cilado farsamo awgood.
Cilad yar oo xaga korontada ah oo ku timid diyaaradda Air
Force One ayaa ku qasabtay diyaaradda inay dib u laabato.
Mr. Trump ayaa diyaarad kale u raacaya Switzerland, si uu
ugu qeyb galo Madasha Dhaqaalaha Adduunka
Trump ayaa iska fogeeyay fikradaha ah inuu diyaar u yahay
inuu burburiyo xulufada NATO si uu ugu daro dhul badan Maraykanka.
Greenland oo Mareykan ah, ayuu ku adkaysanayaa,
Waxa uu Trump ka yiri hantida Ilhaan Cumar
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaalida iyo Soomaaliyaba.
Trump oo shir jaraa’d oo aqalka cad ka hadlayay ayaa dhaleeceeyay Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay “meel aad u xun” isla markaana si xun uga hadlay Soomaalida.
Trump waxaa ii yiri:
"Ma jirto cid ka hadlaysa in ugu yaraan 19 bilyan oo dollar
ay ku maqan tahay Minnesota, inteeda bandanna ay ku maqan tahay
soomaalida. Way qaateen, bal qiyaas? Waa dad ay garashsadoodu
yar tahay. Dadka kale way shaqaystaan lacag ayeyna helaan, ka dibna
Mercedes benz ayey gataan haalkan ayeyna ka yimaadeen. Iyagu lacagna ma
haystaan, marnaba lacag ma aysan yeelan, nolol ma yeelan, marnaba xukuumad ma
yeelan, dal ma aysan yeelan, waayo dalba ma jiro".
Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Soomaaliya xataa dal ma aha,
soomaaliya ma laha wax xataa astaamihii dal lagu yaqanay u eg, waxaa loo arkaa
halka ugu liidata dundia. Halkan ayey imaanayaan wayna taajirayaan, wax
shaqo ahna ma hayaan.
Dhanka kale waxaa uu aflagaadeeyay xildhibanad Ilhaan Cumar isagoo yiri:
"Waxaa la ii sheegay in Ilhaan Cumar hantideedu
gaarayso 30 milyan oo dollar. Marnaba ma aysan shaqayn. Waa xubin
congress oo turufatoore ah".
Trump ayaa marar badan hore u weeraray Soomaaliya iyo muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka.
Ilhaan Cumar oo wargayska the Guardian u sheegtay in "dil loogu hanjabay" ka dib weerarkii Trump
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa ka digtay in Donald Trump weeraradiisa shaqsiyadeed ee soo noqnoqonaya iyo hadalada ka dhanka ah bini'aadanimada ay hurinayaan jawi kicin kara qalalaaso siyaasadeed oo keeni kara cawaaqib xumo.
Ayadoo hadlaysay maalmo ka dib markii madaxweynaha uu ku baaqay in dalka laga saaro, ayey Ilhan Cumar waxay sheegtay in luqadda kicinta ee Trump ay gaartay "meesha ugu xun ee qof bani'aadan ah uu gaaro" uuna dadka ku dhiirigeliyo inay ficil sameeyaan.
"Waxaa jira dad loo xiray inay ay iigu hanjabeen inay i dilayaan," ayay u sheegtay wargayska the Guardian iyadoo ku sugan xafiiskeeda Washington. "Waxaan haynaa dad lagu soo oogay dacwad ah inay iigu hanjabeen inay i dilayaan, waana wax maskaxdayada ku sii jira, laakiin waxaan sidoo kale ka walaacsanahay dadkaas inay helaan qof aniga ii eg oo jooga Minneapolis ama dalka oo dhan, ayagoo moodaya inaan aniga ahay oo ay waxyeello u geystaan" ayey tiri Ilhaan.
Trump: Mareykanka iyo NATO waxay gaari doonaan heshiis ku saabsabn mustaqbalka Greenland
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in
Mareykanka iyo NATO ay gaari doonaan heshiis labada dhinacba ay ku heshiin
karaan mustaqbalka Greenland, ka hor inta uusan u ambabixin shirka dhaqaalaha
adduunka ee ka dhacaya Davos, Arbacada manta ah
Trump ayaa shirkii jaraa'id ee uu qabtay Talaadadii ku
sheegay, in Mareykanka uu leeyahay "shirar badan oo loo qorsheeyay
Greenland" inta lagu guda jiro shirka sanadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha
Adduunka ee ka dhacaya Switzerland
Trump ayaa shirka jaraa'id sidoo kale ku sharraxay inuu
shaki ka qabo in dalalka Yurub, haddii uu tallaabo qaado oo ka dhan ah
Greenland.
Tani waxay
qayb ka ahayd khudbad uu Trump jeediyay oo socotay hal saac iyo afartan daqiiqo
oo uu ka jeediyay Aqalka Cad
Markii la weydiiyay sida uu ugu diyaar garoobay inuu la wareego jasiiradda Greenland, wuxuu ku jawaabay: "idinku waad ogaan doontaan"