You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Farriimaha la kashifay ee dhex maray Trump iyo madaxda Yurub, iyo waxa ay sheegayaan
Tiro qoraalo ah oo ay isweydaarsadeen Donald Trump iyo hogaamiyayaasha Yurub ee ku saabsan lahaanshaha Greenland ayaa si la yaab leh loo sii daayay.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa ballan qaaday in uu u sheegi doono hogaamiyayaasha Yurub ee shirka todobaadkan ka furmaya magaalada Davos ee dalka Switzerland in "ay tahay in Maraykanku yeesho" Greenland.
Diblomaasiyadda ayaa dhaqan ahaan loo arkayay mid u shaqaysa si aamusnaan leh oo inteeda badan ay albaabada u xiran yihiin. Laakinse arrimahan u dambeeyey waa kuwo ka baxsan xayndaabkaas.
Waa kuwan farriimaha oo dhammaystiran iyo wixii ay khubaradu BBC-da u sheegeen in la akhriyo.
Farriinta dhex martay Trump iyo ra'iisul wasaaraha Norway Jonas Støre
Waxaa sii daayey xafiiska Støre, ka dib markii BBC oo ku taagan xorriyadda xogta ay dalbatay 18 Janaayo saacaddu markay ahayd 14:48 GMT
Støre
Mudane Madaxweyne, gacaliye Donald – farriin ku saabsan xiriirka guud ahaan Atlantic - ee Greenland, Gaza, Ukraine - iyo ku dhawaaqista tariifada shalay.
Waad ogtahay mowqifkayaga arrimahan. Laakiin waxaan aaminsanahay inaan dhammaanteen ka shaqeyno sidii aan arrintan hoos ugu dhigi lahayn oo aanan uga sii dari lahayn - wax badan ayaa hareeraheena ka dhacaya halkaas oo aan u baahannahay inaan wadajir ugu istaagno.
Waxaan kuu soo jeedinaynaa in aan ku soo wacno gelinka dambe ee maanta - labadeenna ama si gooni gooni ah - na sii wax tilmaan ah waxa aad door bidayso! Nabadey - Alex [oo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Finland Alexander Stubb] iyo Jonas
Gacaliye Jonas: Anigoo tixgalinaya waddankaaga wuxuu go'aansaday inuusan i siinin abaalmarinta nabadda ee Nobel ee joojinta 8 dagaal iyo dheeraad, hadda ma dareemayo waajib ah inaan ka fikiro si nabad ah, inkasta oo ay had iyo jeer ahaan doonto mid aad u sarreeya, laakiin hadda waxaan ka fekeri karaa waxa u wanaagsan oo ku habboon Maraykanka.
Denmark kama ilaalin karto dhulkaas Ruushka ama Shiinaha, maxayse u leeyihiin "xaqa lahaanshaha"?
Ma jiraan wax dukumeenti ah oo qoran, kaliya waa in doon ay gaartay halkaas boqolaal sano ka hor, laakiin waxaan haysanay doomo halkaas gaaray, sidoo kale. Waxaan u qabtay NATO wax ka badan waxa uu qabtay qof kasta oo kale tan iyo markii la aasaasay, hadda NATO waa inay wax u qabato Maraykanka.
Dunidu ma ahan mid ammaan ah ilaa aan ka helno Kontoroolka Guud ee Greenland. Mahadsanid! Madaxweyne DJT.
Tani waxay caddayn u tahay in "caadooyinkii dibloomaasiyadu ay isbedelayeen in muddo ah mana ahan kaliya madaxweyne Trump", afhayeenkii hore ee Nato, Oana Lungescu, ayaa u sheegtay BBC.
"Waa wax aan caadi ahayn in farriimaha gaarka ah ee u dhexeeya hoggaamiyeyaasha la shaaciyo, laakiin waa qayb ka mid ah nidaamka madaxweyne Trump ee ah in uu diblumaasiyad ku shaaciyo meel fagaare ah. Waxaad oran kartaa waa dublamaasiyadda ugu dambaysa ee megaphone-ka."
Mark Weller, oo ah borofesoor wax ka dhiga Jaamacadda Cambridge, horena la taliye ugu noqday dawladaha iyo ururada caalamiga ah, ayaa ku raacsan.
"Isweydaarsiga u dhexeeya dawladaha, sida heerka sare ah, ayaa caadi ahaan si taxadar leh loo qoray. Tani waxay ka fogaanaysaa isfaham la'aanta iyo shilalka marka laga jawaabayo qodobbada muhiimka ah iyada oo aan laga fiirsan" ayuu yiri Weller.
"Tani dhib kuma aha madaxweyne Trump".
Farriin uu madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron u diray Trump
Waxaa la soo dhigay barta Truth Social, 19 Janaayo 12:01 GMT
Ka timid madaxweyne Macron ku socota madaxweyne Trump
Saaxiibkay,
Waxaan gebi ahaanba isku meel ka taagannahay Suuriya
Wax weyn baan ka qaban karnaa Iran
Ma fahmin waxaad ka samaynayso Greenland
Aan isku dayno inaan dhisno waxyaabo waaweyn:
1) Waxaan abaabuli karaa kulanka G7 ka dib Davos, kaasoo ka dhacaya Paris galabnimada Khamiista. Waxaan ku casuumi karaa reer Yukreyn, Danishka, Suuriyaanka iyo Ruushka intaba
2) Aan ku wada casheyno Paris Khamiista ka hor inta aadan ku laaban Mareykanka
Emmanuel
Qoraallada Macron ee la kashifay waxay noqon karaan "weji gabax" ku ah madaxweynaha sida uu sheegay Francios-Joseph Schichan oo ah diblomaasi hore oo Faransiis ah, maadaama qaybo ka mid ah ay "daaha ka qaadeen".
"Bilawga qoraalka, Macron wuxuu si cad u qirayaa shay uusan ka qiranin fagaarayaasha, taasoo ah inuusan fahmin hab-dhaqanka Trump ee Greenland" ayuu yiri Schichan.
"Waxaan u maleynayaa in taasi ay dhaawac keenayso sababtoo ah ma dooneysid in laguu soo bandhigo sidaas oo kale, markaa taasi waa wax laga yaxyaxo".
Si kastaba ha ahaatee, Schichan wuxuu xusay martiqaadka Macron ee Trump oo uu kula kulmayo G7 [koox ka mid ah waddamada warshadaha leh] "ma aha wax laga xishoodo, taasi waa wax uu si sax ah u baahan yahay inuu sameeyo".
Qoraallada ayaa sii muujinaya sida "Macron uu iskugu dayayo in uu ka shaqeeyo diblomaasiyadda caadiga ah", ayuu yiri, isaga oo ka digaya, "taasi ma shaqaynayso Trump sababtoo ah wuxuu so dhigayaa barta Truth Social, wuxuuna qarxinayaa qorshaha".
"Taasi waa qayb kale oo ka mid ah diblomaasiyadda caalamiga ah oo burburaysa, markii hore waxaad awood u yeelan jirtay inaad si gaar ah u wada sheekaysataan mid ka mid ah, laakiin hadda ma ogid inay ku dhammaan doonto baraha bulshada".
Farriin ka timid xoghayaha guud ee NATO Mark Rutte kuna socota Trump
Trump ayaa soo dhigay barta Truth Social 20 Janaayo 06:53 GMT
Mudane Madaxweyne, gacaliye Donald – waxa aad ka gaartay Suuriya maanta waa mid cajiib ah. Waxaan u isticmaali doonaa marka aan warbaahinta kula hadlayo Davosin aan iftiimiyo shaqadii aad ka qabatay halkaas, Qasa iyo Ukraine.
Waxaa iga go'an in aan xal u helo Greenland. Aad baan u danaynayaa in aan ku arko.
Mark
Si la mid ah Macron, farriinta gaarka ah ee Rutte ee Trump ee la kashifay waa "wax aan caadi ahayn", ayuu yiri Lungescu - oo ahaa afhayeenkii ugu muddada dheeraa ee Nato oo hadda ah xubin sare oo ka tirsan Machadka Difaaca ee Royal United Services Institute (Rusi).
Lungescu waxa uu sheegay in fariinta Rutte ay tahay "mid ku taagan waxa uu u sheego si guud iyo si gaar ah" - halka hoggaamiyeyaasha kale "ay u muuqan karaan kuwo ku xooggan marka ay bulshadu arkayaan, laakinse u janjeera in la heshiiyo marka gaar loo wada hadlayo".
"Marka waxaa jiray khataro badan oo ah in wixii qarsoodi ahaa aysan hadda sidaas ahayn," ayuu yiri, isagoo intaa raaciyay "haddii dadku isku dayaan inay u muuqdaan kuwo awood ku leh baraha bulshada, khatartaas waxay horseedi kartaa hadallo badan oo hadal ah halkii ay ka shaqeyn lahaayeen daaha gadaashiisa si ay u helaan xal-guusha".