Maxay Itoobiya ka yeeli doontaa warqadda uu Trump u diray Masar?

Madaxweynaha dowladda Maraykanka Trump ayaa markale ku celiyey inuu doonayo in ay Itoobiya iyo Masar ka heshiiyaan khilaafka ka taagan biyo-xireenka Webiga Niil.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey ahayd markii uu warqad u qoray dhigiiisa Masar Madaxweyne Cabdulfataax Alsiisi.

Warqaddaasi si toos ah looguma caddeyn Itoobiya, balse tarjumaaddeedu waxay xustay Madaxweynaha Itoobiya Taye Atsiq-Sillase.

Masar iyo Suudaan ayaa muujiyay mowqifkooda ku aaddan aragtida Trump, inkasta oo dhanka Itoobiya aysan weli kasoo bixin wax war ah oo warqaddaas ku aadan.

Waxaa sidoo kale weli ka hadlin arrintaan ka hadlin Madaxweynaha Itoobiya hadda, horana usoo noqday ergeygii hore ee Itoobiya u soo joogay Qaramada Midoobay, iyo safiirkii toobiya u fadhiyey.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay inuu u safray magaalada Gondar si uu uga qeybgalo munaasabadda Baptism oo kamid ah ciidaha la xuso kirismiska.

Khudbadaha Trump

Madaxweyne Trump ayaa markii loo doortay Madaxweynaha Maraykanka markii ugu horreysay uga digay Itoobiya arrinta biyo-xireenka.

Hadalkiisii ahaa in "Masar ay qarxin doonto biyo-xireenka Niil" ayaa sababay cabashooyin iyo caro ballaaran oo dhanka Itoobiya ah.

Markaas kaddib Itoobiya ayaa ka jawaabtay hanjabaadda Trump iyadoo tiri: "Itoobiya ma u jilba jabsanayso wax hanjabaad ah, mana aqoonsanayso heshiisyadii xilligii gumeysiga la galay."

Itoobiya ayaa sidoo kale ku eedeysay Trump inuu la safan yahay dhanka Masar, waxa ayna ka baxday wada-xaajoodyadii uu hoggaaminayay Maraykanka waqtigaas.

Tan iyo markaas, waqtiyo kala duwan ayaa Midowga Afrika iyo dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan ay wadahadallo galeen, balse heshiis lagama gaarin.

Itoobiya waxay sheegtay in albaabkeedu u furan yahay wada-hadal kasta, halka Masar ay sheegtay in ay ka baxday wadahadallo aan miro dhalayn oo socday muddo 14 sano ah.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa marar badan ka hadlay biyo-xireenka Niil tan iyo markii mar labaad loo doortay xilka madaxweynimo.

Bilihii ugu horreeyey tan iyo markii uu xafiiska kusoo noqday, Trump waxa uu yiri biyo-xireenka Itoobiya "waxaa lagu dhisay lacag Maraykan ah, sidaas awgeed "waan la soconnaa inui dhibaatooyin abuurayo," iyo hadallo kale oo la mid ah.

"Haddii aan ahaan lahaa Masar, waxaan dooni lahaa in aan biyo ku yeesho Webiga Niil," ayuu Trump ku daray.

"Waan ka shaqeyneynaa. Dhibaataduna waa la xallin doonaa," ayuu yiri.

Itoobiya waxay dooratay in ay aamusto, sida muuqatana waxa ay su degan uga fakareysaa hadallada Trump

Mas'uul Itoobiyaan ah ayaa markii dambe ku tilmaamay sheegashada soo noqnoqonaya ee madaxweynaha Maraykanka ee ah in biyo-xireenka Niil ay maalgelisay Maraykanku ay yihiin kuwo "aan sax ahayn."

Aamusnaanta ka timid Ra'iisul Wasaare Abiy ama Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa loo arkay inay ahayd hab hadalka loo dejinayo.

Dhanka kale, Itoobiya waxay si rasmi ah u daah-furtay biyo-xireenkii ugu horreeyay ee Renaissance ee Afrika kadib sanado ay si xiriir ah u buuxinaysay biyo-xireenka loogana dhalinayey koronto.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabada ay Itoobiya ku daahfurtay biyo-xireenkaas waxay ka careysiisay Masar oo ay is hayaan.

Masar ayaa maalinta la daah-furay biyo-xireenka Niil warqad u qortay Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC), iyadoo ku eedeysay Itoobiya inay raacday hannaan "hal-dhinac ah."

Waxay sidoo kale ay sheegtay inay kiiska u gudbin doonto maxkamadda caalamiga ah.

Masar ayaa ku eedeyneysa Itoobiya inay ku guuldarreysatay xakameynta biyaha, inkastoo ay si cad u daah-furtay biyo-xireenka, isla markaana ay sii daysay biyo badan oo sababay fatahaado, iyo eedeymo kale.

War ay soo saartay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Itoobiya ayaa ku tilmaantay eedeymaha Masar "been abuur shirqool ah".

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Masar ayaa marar badan ku baaqay in Madaxweynaha Maraykanku arrintan soo farageliyo.

Trump ayaa arrintan ku tilmaamay ajandihiisa ugu muhiimsan.

Maxay ka dhaheen Masar iyo Suudaan warqadda Trump

Madaxweynaha Masar Cabdulfataax al-Sisi ayaa soo dhaweeyay isla markaana ammaanay warqadda iyo farriinta Trump soo diray.

Waxa uu sheegay inuu uga mahadceliyey Madaxweynaha Maraykanka warqadda, isla markaana uu u diray warqad mahadnaq ah.

Farriin uu ku daabacay baraha bulshada, Al- siisi waxa uu ku sheegay inuu uga mahadcelinayo Trump tixgelinta uu u muujiyay muhiimada biyaha Niil u leeyihiin Masar.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Suudaan Cabdul Fataax al-Burhaan ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo martiqaadka Trump ee wadahadallada.

"Dowladda Suudaan ayaa iyada dhankeeda soo dhaweynays, waa ayna taageertay tallaabada uu qaaday Madaxweyne Trump," ayuu yiri al-Burhan, sida ay werisay warbaahinta Suudaan ee Sudan Tribune.

Isagoo ka hadlayay barta bulshada X, Burhan waxa uu sheegay in wadahadalladu ay gacan ka geysan doonaan sugidda amniga gobolka.

Maxay ka dhigan tahay warqadda Trump?

Dhammaadkii todobaadkii hore ayaa waxaa soo baxday in Trump uu warqad u diray madaxweynaha Masar, taas oo uu ku muujiyay rajadiisa ah in biyo-xireenka Itoobiya ee Renaissance-ka "uusan horseedi doonin iska horimaad militari oo u dhexeeya Masar iyo Itoobiya".

"Anigoo ka shaqeynaya in aan nabad waarta ka hirgasho Bariga Dhexe iyo Afrika, xallinta dhibaatada la xiriirta biyo-xireenka Renaissance ee Niil waa ajandahayga ugu sarreeya," ayuu yiri.

"Maraykanku waxa uu si adag u aaminsan yahay in uusan jirin dal xaq u leh inuu la wareego oo xakameeyo biyaha qaayaha leh ee Webiga Niil, isla markaana khatar geliyo dalalka dariska ah," ayuu hadalkiisa ku daray.

Sarkaal hore oo ka tirsanaa CIA-da, ahna falanqeeye arrimaha Afrika, Cameron Haddison, ayaa dhaliilay tallaabada Trump. Isaga oo sheegay in Finland ay u arki karto warqadda mid ah "ku noqoshadii caadiga ahayd".

"Sidee Maraykanku u dhayalsan karaa aragtida ah in Finland loo arko qalab ay Masar adeegsanayso?

"Tani miyeysan Itoobiya u gacan gelin doonin Abii Dabi, isla markaana sii xumeyn doonin kala qeybsanaanta quwadaha Khaliijka ee Koonfurta Afrika?" ayuu weydiiyay.

Waxa uu intaas ku daray in Trump uu sheegay inuu dib-u-heshiisiin sameynayo, balse uusan u sameyn siyaasad ahaan, ee uu ka jawaabay wicitaan uga yimid dal saaxiib la ah isaga.

Dhanka kale, Jawar Mohammed oo falanqeeya siyaasadda ayaa yiri: "Warqaddu waxay u muuqataa mid leh 'waan idin heshiisiinaynaa', balse waxaa ku jira buunbuunin badan.

"Waxaa muuqata in Waqradda si toos ah loogu diray dowladda Masar, balse Itoobiya ogta ayaa la siiyey", ayuu yiri Jawar.

Trump Warqadda kuma uusan xusin inuu ka laabayanayo hadalkiisii hore ee ahaa inuu arrintaan u dhaafayo oo uu uga dambeenayo dhinaca Afrika, gaar ahaan Midowga Afrika, oo horey arrintan ugu jiray

Trump ayaa qroaalka ku xusay Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Sacuudi Carabiya. Labadan dal waligood si toos ah uguma lug yeelan arrinta biyo-xireenka Niil horay.

Haddaba, maxaa hadda loo soo hadal qaaday?

Jawar ayaa ku tilmaamay in ay noqon karto, in labadaan dal ay saameyn ku ku leeyihiin Itoobiya taas awgeedna loogu soo daray meesha.

"Waxaa cad in ujeeddada warqaddani ay tahay in cadaadis toos ah lagu saaro Itoobiya," ayuu ku qoray bartiisa bulshada.

Sababta ayaa ah, sida ku xusan warqadda, in "aysan jirin dal kali ah oo xakameyn kara qulqulka biyahan, isla markaana dagaal culus uu qarxi karo."

Waxa uu sheegay in hab-dhaqanka siyaasadda arrimaha dibadda ee Trump uu yahay "mid ka awood badan sidii hore," isla markaana "xaaladda uu dalkayagu [Itoobiya] ku sugan yahay ay ka liidato mar kasta tii hore."

Haddii Itoobiy ku qanacdo

Falanqeeye Maraykan ah oo ku takhasusay arrimaha Afrika, Cameron Hadson, ayaa sharaxay waxa ay Itoobiya u baahan tahay inay sameyso.

"Haddii Itoobiya ay doonayso inay ku qanacdo Trump, waa inay u bandhigtaa inay diyaar u tahay inay badd hesho, sida Trump uu u sameeyay Greenland," ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Ra'iisul Wasaare Abiy uu tan u baahan yahay si uu u helo taageerada Trump ee rabitaankiisa ku aaddan inuu badda yeesho dalkiisa.

Sheegashada Trump ee ahayd inuu xoog ku qaadan doono Jasiiradaha Greenland ayaa gelisay khilaaf dalalka Yurub ee xubnaha ka ah NATO.

Itoobiya waxay ku tilmaantay dhammeystirka biyo-xireenka Renaissance guul weyn.

"Tani waxay ka dhigan tahay in booska juqraafi-siyaasadeedka Itoobiya uu horumaray," ayuu yiri.

Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa ku tilmaamay arrintan "mid dhab ah oo hoosta laga xarriiqay," waxa uuna tilmaamay in caqabadda ugu Itoobiya haysatay ay ahayd Niil sheegay in sannadihii ay soo martay Itoobiya, "caqabadda ugu weyn ay ahayd Niil",ayuu yiri, isaga intaas ku "Hooyada iyo aabbaha dhibaatooyinka Itoobiya waa Niilka laftiisa."

Itoobiya ayaa hadda ka dhigtay ajandaha ugu weyn sidii ay badda u heli lahayd.

Arrintan ayaa keentay xiisado kala dhaxeeya dalalka dariska ah.

Markii Ra'iisul Wasaare Abiy uu daah-furayay biyo-xireenka Niil, waxa uu yiri: "30 sano kadib Badda Cas waxay ku jiri doontaa gacanta Itoobiya. Maanta ma aha. Arrin aad u culus ma aha, waa ay hagaagi doontaa" ayuu yiri.

Hadalkan ayaa gaar ahaan geliyay Itoobiya iyo Eritrea xaalad qalalaase ah, waxaana dhacay isku dayo dagaal oo ay sameeyeen labada dhinac.

Sababta ay Itoobiya iyo Masar ugu adagtahay in ay heshiis gaaraan?

Biyo-xireenka waxaa laga dhisay Webiga Abyssinian, halka Webiga Niil uu yahay webiga ugu weyn Afrika, waana kan ugu dheer adduunka dhan.

Dunida inteeda badan weli waxay webigaas u taqaannaa "Webiga Niil".

Webiga Niil waxa uu ka soo burqadaa Itoobiya, isaga oo sii mara Suudaan iyo Masar, ugu dambaynna waxa ku shubmaa Badda Mediterranean-ka.

Itoobiya waxay bixisaa qiyaastii 85% biyaha Niilka.

Si kastaba ha ahaatee, Masar oo leh dad gaaraya 107 milyan ayaa sheegaysa inay gebi ahaanba ku tiirsan tahay dhanka baahida nolosha webiga Niil.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay u baahantahay biyahaa webigaas markasta, si ay ugu isticmaasho beeraha, guryaha iyo dagalyada u baahan biyaha badan.

Biyaha Niilka ayaa gacan ka geysta buuxinta Harada Nasser, oo loo adeegsado dhalinta korontada biyo-dhaliyaha ee Biyo-xireenka Weyn ee Aswan.

Suudaan oo leh dad gaaraya 48 milyan ayaa iyaduna si weyn ugu tiirsan biyaha webiga Niil.

Tan iyo markii dhismaha biyo-xireenka la bilaabay sannadkii 2011, biyo-xireenka Niil waxa uu noqday isha khilaafka u dhexeeya saddexda dal Suudaan, Masar iyo Itoobiya.

Heshiiskii 1929-kii (oo ay weheliyaan heshiiskii 1959-kii) ayaa Masar iyo Suudaan siinaya xaqa isticmaalka inta badan biyaha Niilka.

Heshiisyadan hore waxay siinayaan awood ay ku diidi karaan mashruuc kasta oo laga fuliyo dalalka sare ee webiga (sida Itoobiya).

Itoobiya ayaa dhistay isla markaana daah-furtay biyo-xireenka iyadoo sheegtay in aan lagu xukumi karin heshiisyadii hore loo galay.

Arrimaha ugu waaweyn ee Masar hadda ka cabanayso ayaa ah sida loo maamulo biyo-xireenka. Itoobiya waxa ay hore u sheegtay inaysan aqbaleyn mowqifkaas.