Hoggaamiyaha saree e Iran oo qiray arrin lagu eedeyey maamulkiisa

Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan ayaa markii ugu horreysay si cad u qirtay in kumannaan qof lagu dilay mudaharaadyadii dhawaan ka dhacay dalkaas.

Khudbad uu jeediyay Sabtidii, Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in kumannaan qof la dilay, "qaarkoodna si aan bani'aadannimo lahayn oo arxan-darro ah," isagoo eedda dhimashadaas dusha ka saaray Maraykanka.

Sida laga soo xigtay kooxaha xaquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa ee fadhigoodu yahay Maraykanka HRANA, falcelinta rabshadaha wadata ayaa galaafatay noloshada 3,090 qof, halka kooxo kale ay ku qiyaaseen in dhimashadu intaa ka sarreyn karto.

Xayiraad lagu sameeyay internet-ka ayaa ka dhigtay mid aad u adag in la helo xog cad oo la isku halayn karo.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhawaan ku boorriyay mudaharaadayaasha Iiraan inay "sii wadaan mudaharaadyada," wuxuuna ku hanjabay faragelin militari haddii ciidammada ammaanku dilaan mudaharaadayaasha.

"Kuwa lala xiriiriyay Israa'iil iyo Mareykanka waxay geysteen khasaare ballaaran waxayna dileen dhowr kun," ayuu yiri Khamenei, oo ay soo xigatay warbaahinta dowladda Iiraan.

"Waxaan u aragnaa madaxweynaha Maraykanka inuu yahay dambiile mas'uul ka ah khasaaraha, burburka iyo aflagaadada uu u geystay ummadda Iiraan."

Mudaharaadyada, oo billowday 28-kii Diseembar sababo la xiriira xaaladdo dhaqaale, ayaa isu beddelay baaqyo lagu dalbanayo in la soo afjaro talada hoggaamiyaha sare ee Iiraan.

Dowladda Iiraan ayaa ku tilmaantay bannaanbaxyadaas "rabshado" ay taageerayaan cadawga Iiraan.

Dibadbaxayaasha ayaa la kulmay awood dilaa ah, waxaana la xaqiijiyay muuqaallo muujinaya ciidammada ammaanka oo rasaas ku furaya mudaharaadyada, kuwaas oo ay xaqiijiyeen BBC Persian iyo BBC Verify labadaba.

Sidoo kale, waxaa dalka Iiraan ka dhacay xannibaad ku dhowaad dhamaystiran oo lagu sameeyay internet-ka iyo adeegyada isgaarsiinta. Sabtidii, isku xirka guud ee internet-ka wuxuu ahaa qiyaastii 2% heerarkii caadiga ahaa, sida ay sheegtay hay'adda kormeerka internet-ka ee NetBlocks.

Maalmahan dambe wararka ku saabsan qalalaasaha ayaa yaraaday, balse maadaama gelitaanka internet-ka uu weli xaddidan yahay, xaaladda dhabta ah ee ka jirta dhulka weli si cad looma oga.

Haweeney ku sugnayd magaalada Shiraz, koonfur-galbeed Iiraan, ayaa u sheegtay BBC Persian in "ciidammada ammaanku weli ku wareegayaan mootooyin si ay xaaladda gacanta ugu hayaan, balse guud ahaan arrimuhu waxay u muuqdaan inay caadi ku soo noqdeen".

Intii uu khudbadda jeedinayay Sabtidii, Khamenei wuxuu kaloo sheegay in Iiraan ay u aragto Madaxweyne Trump inuu yahay "dambiile", wuxuuna sheegay in Maraykanka "lagu qasban yahay in lala xisaabtamo" qalalaasihii dhawaa.

Wuxuu sidoo kale ku andacooday in "hadafka Maraykanku yahay inuu liqo Iiraan".

Madaxweyne Trump weli kama jawaabin hadallada hoggaamiyaha sare, waxaana BBC-du la xiriirtay Aqalka Cad si ay uga hesho faallo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Sabtidii sheegtay inay "maqashay warar muujinaya in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay diyaarinayso ikhtiyaarro lagu beegsanayo saldhigyada Maraykanka."

Waxay sheegtay in Iiraan ay la kulmi doonto "ciidan aad iyo aad u awood badan" haddii ay weerar noocaas ah qaaddo, waxayna uga digtay Tehran inaysan "ciyaar la ciyaarin Madaxweyne Trump".

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Arbacadii sheegay in loo sheegay "dilkii ka dhacay Iiraan wuu istaagay", laakiin wuxuu intaas ku daray inuusan meesha ka saarin tallaabo milatari oo ka dhan ah dalkaas.

Hadalkiisu wuxuu yimid ka dib markii Mareykanka iyo UK ay labaduba yareeyeen tirada shaqaalaha saldhigga cirka ee Al-Udeid ee Qatar.

Saraakiil ayaa u sheegay warbaahinta CBS, oo bahwadaag la ahBBC-da ee Mareykanka, in ka bixitaanka qayb ka mid ah Mareykanka uu yahay "tallaabo taxaddar leh".