You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
"Waxaan siday maydka xaaskayga hal saac iyo bar" mid ka sheekooyinka murugada leh ee BBC-du ka heshay Iran
Digniin: Qoraalkani waxa uu ka kooban yahay sharraxaad faahfaahsan oo naxdin leh oo ku saabsan dhimasho iyo dhaawacyo.
Wuxuu ku sii jeeday guriga markii uu ku biiray banaanbixii ka dhacay Tehran 8-dii Janaayo, wuxuu gacmihiisa ku duubay xaaskiisa Maryan si u ilaaliyo. "Si kedis ah ayaan u dareemay gacantayda oo fudeyd noqotay – waxa keliya ee gacmahayga ku hartay wuxuu ahaa jaakaddeeda," ayuu u sheegay xubin qoyska ka tirsan, kaas oo markii dambe la hadlay BBC Persian. Maryam waa la toogtay — mana ay ogeyn halka rasaastu uga timid.
Reza wuxuu siday maydka Maryam muddo saacad iyo bar ah. Markii uu daalay, wuxuu fariistay meel luuq ah. Muddo yar ka dibna, albaabka guri u dhow ayaa furmay. Dadkii gurigaas deggenaa waxay geeyeen garaashkooda, waxayna u keeneen go' cad oo ay ku duubeen jirka Maryam.
Maalmo ka hor intii Maryam aysan u bixin mudaharaadyada, waxay u sheegtay carruurteeda oo midna toddobo sano jir yahay midna afar iyo toban jir yahay, waxa ka dhacayey dalkooda "Mararka qaarkood waalidiinta waxay aadayeen banaanbaxa dibna uma soo laabanyn" ayey tiri
Magacyada Reza iyo Maryam ayaa loo beddelay sababo ammaan dartood.
Maryan ayaa ka mid ahayd kumanaan mudaaharaadayaal ah oo ay ahayd inay gurigooda ku noqdaan balse aan marnaba dib u soo laaban, maadaama maamulka uga jawaabay dibad-baxyada si deg dega ug faafay guud ahan Iran cadaadisyo dad lagu dilay
Kooxda u dooda xaquuqda adanaha 'HRANA ' oo fadhigooda Maryakana ayaa sheegay inay awoodeen inay xaqiijiyaan dilka ugu yaran 2,400 dibad-baxayaal ah oo ay ku jiraan 12 carruura saddexdii asbuuc ee la soo dhaafay.
Aad bay u adag tahay in la ogaado tirada dhimashada, oo la filayo inay kororto maalmaha soo socda, sababtoo ah waddanku wuxuu weli ku jiraa maqnaanshaha guud ee internetka oo ay soo rogeen mas'uuliyiinta Iran habeenimadii Khamiista.
Kooxaha Xaquuqda Aaadanaha ma heli karaan gelid toosa oo dalka ah sidaas oo kale hay'addaha wararka oo ay BBC-du ku jirto ma awoodaan inay ka soo warramaan gudaha Iran.
Maamulka Iiraan ma bixin tirada dhimashada, laakiin warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in 100 ka mid ah saraakiisha ammaanka la dilay, halka mudaharaadayaasha – oo ay ku tilmaameen "dagaalyahanno iyo argagixiso" – ay dab u qabad siiyeen tobanaan masaajid iyo bangiyo ku yaalla magaalooyin kala duwan.
Dibad-baxyda ayaa ka bilowday caasimadda Tehran. 29-kii December, kadib qiime dhac ku yimi qiimaha lacagta Iiran marka loo eego dollarka. Dibad-baxayaasha ayaa gaaray daraasiin magaalooyinka kale ee dalka ah, waxyana isku roggeen kuwa ka dhana xukunka wadaada iran maamula.
Ciidamada ammaanka ayaa si dhaqsa leh u bilaabay cadaadis ka dhana rabshadaha, ugu yarraan 34 banaaanbaxe ayaa la soo wariyey in la dilay 7-dii Janaayo, kow iyo tobban bari oo aan loo nasan. Waxay u muuqatay in dhiig daadashada ugu badan ay dhacday khamiistii iyo jimcihii, markaas oo kumanaan kun oo qof ay isugu soo baxeen dariiqyada guud ahaan dalka iyo ku dhawaaqista dhammaadka xukunka hoggaamiyaha ruuxigaa ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei.
BBC Persian waxay ka heshay daraasiin akoono gudaha Iran. Si geesinimo leh inkastoo ay ogaayeen cawaaqibka ka dhalanka kara, marqaatiyaasha ayaa sheegay inay rabeen inay hubiyaan in adduunka intiisa kale ay ogaadaan rabshadaha ka dhanka ah dibad-baxayaasha.
" Xaafadaha Deriskeenna waxaa ka soo uraya dhiig- waxay dileen dad badan" qof ayaa u sheegay BBC Persian. Mid kale ayaa sheegay ciidamada ammaanka ay dadka "inta badan madaxa iyo wajiyada ka toogteen."
Mudaaharaadyada ayaa ku fiday dhammaan 31-ka gobol. Xogta la helayna waxay si cad u muujinaysaa baaxadda dilalka ka dhacay , tuulooyinka yaryar ay tahay mid sidaas oo kale u daran sida kuwa magaalooyinka waaweyn.
Tonekabon, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 50,000 oo qof oo ku taalla waqooyiga, Sorena Golgun, ayaa jimcihii lagu dilay siddeex iyo toban jir arday jaamacada dhigta kaas oo laga "toogtay wadnaha"isagoo ka cararaya weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen ciidamada ammaanka, sida uu sheegay xubin qoyska ka tirsan.
Sida Sorena, mudaharaadayaasha kale ee la dilay intooda badan waxay ahaayeen dhallinyaro riyooyin buuxa leh. Robina Aminian, oo ahayd ardayad 23 jir ah oo baratay naqshadeynta dharka islamarkaana rajaynaysay inay wax ka barato Milan, ayaa lagu toogtay Tehran Khamiistii."
Hooyadeed waxay ku qaadatay ku dhawaad lix saacadood safar ah oo ay ku tagtay gurigooda magaalada galbeed ee Kermanshah si ay uga soo qaadato meydka Robina Tehran. Soo laabashadeeda intii ay soo socotay, waxay gacmaheeda ku haysay gabadheeda ay jeclayd. Laakiin markii timid, ciidamada ammaanka ayaa ku qasbay inay meydka ku aasto xabaal fog oo ka baxsan magaalada – iyada oo aanay la joogin qoys kale ama asxaab.
Dhammaan dadka la dilay ma ahayn mudaharaadayaal. Navid Salehi, oo ahaa kalkaaliye 24 jir ah oo ka shaqeynayey Kermanshah, ayaa la toogtay dhowr jeer isago ka soo baxaya shaqadiisa Khamiistii.
Maydad kale oo badan oo dibax-baxayaal ah waxaa la geeyey xarunta caafimaadka ee Kahrizak Forensic ee Tehran.
Muuqaallada halkaas ka jiray waxay ahaayeen kuwo aad u naxdin badan, Sahanand, oo aan la rabin la siiyo magaciisa dhabta ah, ayaa go'aansaday inuu ku safro ku dhawaad 1,000km aagga xuduudda si uu u diro muuqaallada isagoo adeegsanaya shabakadaha xogta mobilada ee dalalka deriska ah. Sabtidii, sida uu sheegay Sahanand wuxuu arkay in ka badan 2,000 meyd oo dhulka yaalla.
Mar kale, BBC ma haysato hab ay ku xaqiijiso arrintan. Si kastaba ha ahaatee, labo muuqaal oo cusub oo ka yimid Kahrizak, BBC Verify iyo BBC Persian waxay ka triryeen ugu yaraan 186 meyd muuqaalka midka hore iyo ugu yaraan 178 meyd muuqaalka midka kale. Labada muuqaal waxaa suuragal ah inay muujiyaan qaar ka mid ah meydadka isku midka ah, sidaas darteed ma xaqiijin karno tirada saxda ah, laakiin tirada dhabta ah waxaa la filayaa inayintaa ka badan tahay.
Haweeney dhallinyaro ah, oo la hadashay BBC Persian iyadoo magaceeda la qarinayo, ayaa dhacdooyinkii toddobaadkii la soo dhaafay ku tilmaantay inay ahaayeen kuwo u eg 'dagaal'. Dibad-baxayaashu waxay ahaayeen kuwo " ka sii midaysan sidii hore" laakiin xaaladdu aad bay u xumayd, toddobaadkan ayayna ka carartay dalka – sida dad badan oo kale, iyada oo ka baqaysa in maamulka uu bilaabo mowjad cusub oo dilal iyo maxkamadeyn ah.