Maxay dowladaha islaamka ka yiraahdeen xaaladda Iiraan

Iyadoo ay socdaan mudaharaadyada ka dhanka ah dawladda Iiraan, waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan faragelin milatari oo Maraykanku leeyahay waa ku sameenayaa Iiraan.

Madaxweynaha Maraykanka, Trump, ayaa dhowr jeer ayuu si cad u sheegay, in dowladdiisu dooneyso in meesha laga saaro xukunka islaamiga ah ee Iiraan, waana arrin soo taagneed tan markii ay xilka dalkaasi ay la wareegeen islaamiyiinta aan xiriirka la lahayn Maraykanka iyo reer galbeedka.

Maraykanku hore ayuu u beddelay dawladdii Iiraan sannadkii 1953, hase yeeshee Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979 ayaa meesha ka saaray dawladdii Maraykanku taageerayayee uu soo dhisay.

Sannadkii 1953, Maraykanka iyo Ingiriisku waxay afgambi ku rideen Ra'iisul Wasaarihii si dimoqraadi ah loo doortay ee Iiraan, Maxamed Mosaddeq, awooddiina waxay u wareejiyeen qoyska Pahlavi oo ahaa hogaamye daacad u ahaa iyaga.

Tan iyo waqtigaa Maraykanka iyo xulafadiisa ma aysan ka daalin in ay sameeyaan isku day kasta oo ay sameyn karaan si meesha uga saaraan maamulka haya talka dalka Iiraan.

Alexander Dugin, oo ah Falanqeeye siyaasadeed oo u dhashay Ruushka ayaa ku qoray barta X: "Dunida Islaamka maanta way ka sii kala qaybsan tahay sidii hore. Ma jiro aragti mideysan, ma jiro qorshe guud, mana jiro hannaan ay kuwada go'aan qaataan. Taasi waxay ka tarjumaysaa khiyaanada hoggaanka sare. Qorshaha Trump, oo ay ka muuqdaan mowjado cusub oo gumaysi ah, tani waxay ka dhigan tahay in dalalka Islaamku ay isu dhiibayaan gumaysi. Midnimo ma jirto, madax-bannaani ma jirto."

Kaalinta iyo sida ay uga falceliyeen waddamada carabta waa mid aad u hoseeseysa, dowladda. Dhanka Turkigu si cad ayuu u hadlay, inta badan waxa ku dhaliilay una goodiyey Israa'iil. Balse ay timaado in lala hadlo Marka Maraykanka hadalka Turkiguna wuu is beddelaa.

13-kii Janaayo, afhayeenka dawladda Turkiga, Cumar Jeelik, waxa uu dunida uga digay in aan lagu faragelin xaaladda gudaha ee Iiraan, isagoo sheegay in shacabka Iiraan oo keliya ay xaq u leeyihiin inay go'aamiyaan sida dhibaatooyinkaas loo xallinayo.

Waxa uu si gaar ah u dhaleeceeyay Israa'iil, isagoo ku eedeeyay inay mudaharaadyada u adeegsanayso dano iyada u gaar ah, isaga oo kana digay in faragelin shisheeye ay keeni doonto "cawaaqib aad uga sii xun".

"Ma doonayno fowdo ka dhacda dalkeenna deriska ah ee Iiraan. Arrimahan waa in lagu xalliyaa gudaha Iiraan iyo rabitaanka qaran ee dadkeeda. Mas'uuliyiinta Israa'iil waxay qaadanayaan mowqif aan masuuliyad lahayn, taasoo dhibaatooyin ka sii waaweyn u horseedi doonta guud ahaan gobolka. Arrintaas gebi ahaanba lama aqbali karo" ayuu yiri afhayeenka Turkiga.

Awooddii banaanka ka dhisneed waxa ay u muuqaataa in hoos loo dhigay waxii kadambeyey weerarradii Oktoobar 2023, Israa'iil waxay burburisa xulafadeedii awoodda badnayd ee Lubnaan, Xisbullah, way daciiftay, Suuriya Bashaar al-Asadna xukunkii waa laga tuuray. Iiraan lafteedu waxay bishii Juun ee sannadkii hore la kulantay 12 maalmood oo duqayn Israa'iil iyo Maraykan ah. Dhacdooyinkan oo dhan waxay si cad u muujiyeen tabar-darro ka jirta awoodda Iiraan ee gobolka.

Mas'uuliyiinta Iiraan waxay uga digeen dalalka Khaliijka deriska la ah in haddii mar kale la soo weeraro, ay ballaarin karaan bartilmaameedyadooda, xataa ilaa Baxrayn, halkaas oo ay saldhig ku leedahay Ciidanka Badda Shanaad ee Maraykanka. Hanjabaadahani waxay ku egtahay inta badan hadal uun.

Weerar kasta oo Iiraan ka fuliso gobolka Khaliijka oo khasaare dhab ah geysta, waxa uu si weyn u kicin karaa jawaab aad u xooggan oo ka timaadda Maraykanka. Waxaa la sheegaya in haddii Iiraan ay dareento khatar jiritaankeeda ah oo ka timaadda banaanbaxyada gudaha iyo weerarro shisheeye ay xitaa qaadi karto tallaabo wayn oo khatar ah.

Ciraaq waxaa ka dhacay isbeddel xukun kadib duullaankii Maraykanku hoggaaminayay, Suuriyana xukunka waa laga tuuray kadib dagaal sokeeye oo muddo dheer socda. Sacuudi Carabiya iyaduna waxay ka walaacsan tahay dagaalka sokeeye ee weli ka socda Yaman, iyo sidoo kale colaadda ka taagan Suudaan ee dhinaca kale ee Badda Cas.

Xiriirka u dhexeeya hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Iiraan ma aha mid wanaagsan. Waxaa la sheegaya in dalalka Carabtu ay soo dhaweyn lahaayeen xukun cusub oo Iiraan ka hanaqaada, kaas oo xakameeya barnaamijkeeda nukliyeerka iyo taageerada ay siiso maleeshiyaadka ka dhex jira waddamada Carabta.

Si kastaba ha ahaatee, laba sano oo dagaal goboleed ah kadib, dawladaha Bariga Dhexe intooda badan waxay ka baqayaan in qalalaase ka dhaco Iiraan uu keeni hirar fowdo iyo xasillooni darro ah, isla markaana dabkiisu ku fidi karo dalalkooda.

Cabsida dalalka Carabta

Wargeyska Wall Street Journal ayaa qoray in dalalka Carabtu ay ka cabsi qabaan in weerar kasta oo lagu qaado Iiraan uu dhibaateyn doono maraakiibta shidaalka ee mara marin-biyoodka Hormuz jooga.

Marinkani waa marin biyo-mareen ciriiri ah oo ku yaalla afka Gacanka Faaris, kaas oo dariiqa kala saara Iiraan iyo deriskeeda Carabta. Qiyaastii shan meelood meel shidaalka dunida ayaa lagu safriyaa waddadaan.

Wargeysku waxa uu sidoo kale, qoray in sida ay sheegeen mas'uuliyiin u dhashay Sacuudiga, dowaladda Sacuudi Carabiya ay u xaqiijisay Iiraan ina aysan ku lug yeelan doonin wax dagaal ah oo loo dhex maro, isla markaana aysan u oggolaan doonin Maraykanka inuu hawadeeda u adeegsado weerar ka dhan ah Iiraan.

Ujeeddadu waa in Sacuudigu iska fogeeyo tallaabooyinka Maraykanka ka imaan kara, uuna ka hortago in xiisaddu sii korodho gobolka

Sida uu wargeysku sheegay, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar, Majid al-Ansari, ayaa Talaadadii u sheegay suxufiyiinta in dalkiisu la hadlay labada ee Maraykanka iyo Iiraan si loo yareeyo khilaafaadka.

Sida ay sheegeen mas'uuliyiin Maraykan ah, Madaxweyne Trump weli kama uusan gaarin go'aan kama dambeys ah oo ku saabsan tallaabo uu ku qaadayo Iiraan, waxa uu la tashanayaa la-taliyayaashiisa ayey yiraahdeyn.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa sidoo kale qoray qoray: "Inkastoo Sacuudi Carabiya uu loolan adan kala dhexeeyo Iiraan, haddana dhab ahaantii Sacuudi Carabiya, Cumaan iyo Qadar waxay si qarsoodi ah Maraykanka ugu qancinayaan in isku day kasta oo lagu weeraro Iiraan uu sababi karo qalalaase weyn oo ku yimaadda suuqyada shidaalka caalamka, taasoo ugu dambayn dhaawici karta dhaqaalaha Maraykanka."

Dalalkan waxa ugu weyn ee ay ka walaacsan yihiin waa falcelinta suurtagalka ah iyo xasillooni-darrada ka dhalan karta dalalkooda gudahooda.

Sida ay sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan Khaliijka, maamulka Trump weli si cad uma shaacin nooca tallaabo milatari ee uu qorsheynayo, balse waxa uu muujiyay in weerar ay u badan tahay inuu dhaco.

Sida uu sheegay Wall Street Journal, sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa yiri: "Madaxweyne Trump dhammaan xulashooyinka waa uu furan yihiin si uu ula tacaalo xaaladda hadda ka taagan Iiraan."

Talaadadii, Trump waxa si toos ah farriin ugu diray banaanbaxayaasha Iiraan, isaga oo ku boorriyay inay sii wadaan mudaharaadyada, waxa uuna ballanqaaday in ay taageero heli doonaan.