You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xaggee ayay ku yaallaan saldhigyada waaweyn ee milatariga Maraykanka ee Bariga Dhexe?
Maxaan ka ognahay saldhigyada militariga Mareykanka ee Khaliijka?
Bariga Dhexe badanaa kama foga dagaalka.
Gobolka waxaa loo arkaa gobol istaraatiiji ah adduunka oo dhan maadaama uu isku xiro Yurub, Afrika iyo Aasiya.Gobolka waxaa ku yaalla 17 waddan oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Masar, Israa'iil, Suuriya, Iiraan, Turkiga iyo Yemen.
Ka dib qalalaasihii dhawaan ka bilowday Iiraan, Mareykanka wuxuu wacad ku maray inuu weerari doono Iiraan.
Dhanka kale, Iiraan waxay wacad ku martay inay duqayn doonto saldhigyada Mareykanka ee gobolka haddii Washington ay weerarto.
Iiraan waxay ku hanjabtay inay weerari doonto saldhigyada militariga ee ku hareeraysan Khaliijka ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in Iiraaniyiintu ay sii wadi doonaan dibadbaxyadooda iyo inay isu diyaarinayaan inay weeraraan Iiraan.
Waa maxay saldhigyada militariga Mareykanka ee aaggas? Sidee ku bilaabay Mareykanka inuu ciidamo militari ka dhisto halkaa?
Maraykanku wuxuu bilaabay inuu si weyn ugu lug yeesho arrimaha dalalka Khaliijka intii u dhexeysay 1980-meeyadii, gaar ahaan intii u dhexeysay 1980 iyo 1988, xilligii uu qarxay dagaalkii u dhexeeyay Iiraan iyo Ciraaq.
Intii uu socday dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq, Sacuudi Carabiya, Kuwayt iyo dalal kale oo deris ah ayaa taageeray Ciraaq, sidoo kale Maraykanka iyo dalal badan oo Reer Galbeed ah ayaa dhinac istaagay Ciraaq.
Arrintaas awgeed, Maraykanku wuxuu ballaariyay ka-qaybgalka uu ku leeyahay arrimaha gobolka Bariga Dhexe, wuxuuna bilaabay inuu saldhigyo milatari ka dhiso aaggaas.
Iiraan waxay sameysay mudaaharaadyo iyo bayaano badan oo ay kaga soo horjeeddo joogitaanka Maraykanka ee Khaliijka.
Mas'uuliyiinta siyaasadda iyo milatariga ee Iiraan waxay si joogto ah Maraykanka ugu eedeeyaan inuu "qalalaase gelinayo Khaliijka iyo dalalka ku xeeran" mar kasta oo ay dhacdo dhibaato ama xiisad ka taagan gobolka.
Ka-qaybgalka Maraykanka ee gobolka kuma koobna oo keliya saldhigyo milatari oo joogto ah, balse sidoo kale waxaa ka mid ah maraakiib dagaal, diyaaradaha wax xambaara (aircraft carriers), iyo qalab kale oo milatari.
Tirada ciidamada iyo hawlgalladooduba si joogto ah ayay isu beddelaan. Sida ay sheegayaan ilo kala duwan, tirada ciidamada Maraykanka ee gobolka way kala duwanaanaysaa iyadoo ku xiran xaaladda iyo xiisadaha ka jirta gobolka.
Sacuudi Carabiya
Tirada ciidammada Maraykanka ee ku sugan Sacuudi Carabiya sanadkii 2024-ka waxey gaartay 2,321 oo askari, sida uu sheegay Aqalka Cad.
Waxay si dhow ula shaqeeyaan dawladda Sacuudiga si ay u bixiyaan awoodaha difaaca hawada iyo gantaallada, isla markaana u taageeraan hawlgallada diyaaradaha milatariga ee Maraykanka.
Qaar ka mid ah ciidammadaas ayaa ku sugan qiyaastii 60 kiiloomitir koonfurta Riyad, saldhigga Prince Sultan Air Base, si ay u taageeraan difaacyada hawada ee Ciidanka Dhulka Maraykanka.
Sida ay sheegayaan ilo kala duwan, iskaashiga milatari ee u dhexeeya Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya wuxuu bilowday 1945, markaas oo la dhisay Garoonka Diyaaradaha ee Dhahran.
Ciidammada Maraykanka ee sida rasmi ah ama si joogto ah ugu sugan Sacuudi Carabiya weligood si buuxda ugama bixin dalkaas.
Intii lagu jiray 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii, ciidammo Maraykan ah ayaa ku sugnaa Sacuudi Carabiya si ay u taageeraan iibka hubka iyo hawlgallada tababarka.
Intii lagu jiray Dagaalkii Khaliijka ee 1991, ilaa 550,000 askari ayaa loo diray Boqortooyada si ay uga caawiyaan ka saarista ciidammada Ciraaq ee Kuwayt.
Milatariga Maraykanka ayaa inta badan awoodihiisa u wareejiyay Saldhigga Cirka ee Al Cubeyd ee dalka Qadar, taas oo keentay in si buuxda looga saaro ciidammadii Maraykanka ee markaas ku sugnaa Sacuudi Carabiya, marka laga reebo kuwa ku lugta lahaa iibka hubka dibadda iyo tababarka.
Bartamihii 2019-kii, Sacuudigu waxay sheegtay inay oggolaatay inay "martigeliso ciidammada Maraykanka si loo dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka."
Kadibna, Maraykanku wuxuu dib u geeyay ciidammo, gaar ahaan kuwa ku sugan Garoonka Prince Sultan.
Qadar
Saldhigga Cirka ee Al cubeyd waa dhul saxare ah oo cabbirkiisu yahay 24 hektar, kuna yaalla duleedka caasimadda Doha, kaas oo hagaya hawlgallada militariga Maraykanka ee ka socda dhul ballaaran oo ka bilaabma Masar dhanka galbeed ilaa Kazakhstan dhanka bari.
Saldhigga ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Bariga Dhexe waxa ku sugan ku dhowaad 10,000 askari.
Warbaahinno badan ayaa ku tilmaama inuu yahay saldhigga ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Bariga Dhexe.
Garoonka Al Cubeyd waxa kale oo loo yaqaannaa Garoonka Abuu Nakhlah.
Waxaa la aasaasay sanadkii 1996, waana xarunta ugu weyn ee Ciidanka Cirka Maraykanka ee ka baxsan gudaha Maraykanka, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.
Bilowgii sanadkii 2024, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo warisay in Maraykanku heshiis la gaaray Qadar si loo kordhiyo joogitaanka militariga Maraykanka ee Saldhigga Al Cubeyd muddo toban sano ah oo kale.
Sida uu sheegay Adeegga Cilmi-baarista ee Kongareeska Maraykanka, ciidamada Maraykanka ee ku sugan Qadar ayaa ka qayb qaatay hawlgallo ka dhan ah Daacish (Islamic State) ee Ciraaq iyo Suuriya.
Baxrayn, Kuwayt iyo Imaaraadka Carabta
Baxrayn
Baxrayn waxa ku yaalla saldhig ciidan badeed oo Maraykanku leeyahay, kaas oo u dhow magaalada Manama. Dekedda Khalifa Bin Salman, oo ku taalla bariga Manama, waa mid ka mid ah saldhigyada badeed ee yar ee ku yaalla Khaliijka kaas oo qaadi kara maraakiibta waaweyn ee diyaaradaha xambaara (aircraft carriers) iyo maraakiibta Maraykanka.
Sida ku cad warbixin ay soo saartay Hay'adda Cilmi-baarista Koongareeska Maraykanka ciidamada badda ee Maraykanka ayaa ku sugan Baxrayn muddo dheer.
Baxrayn iyo Maraykanku waxay kala saxiixdeen heshiis iskaashi difaac sanadkii 1991-kii, kaas oo dib loo cusboonaysiiyay sanadkii 2017-kii muddo 15 sano ah.
Kuweyt
Kuweyt waxa ku yaalla saldhigyo ciidan oo waaweyn, oo ay ka mid yihiin Camp Arifjan, oo ah xaruntii hore ee taliska Ciidamada Dhexe ee Maraykanka (US Army Central), iyo Saldhigga Cirka ee Cali Al Salem, oo qiyaastii 40 km u jira xadka Ciraaq.
Camp Buehring waxa la aasaasay sanadkii 2003 intii uu socday dagaalkii Ciraaq, si uu u noqdo goob ay ka abaabulmaan ugana sii gudbaan cutubyada ciidamada Maraykanka ee loo dirayay Ciraaq iyo Suuriya, sida uu sheegay bogga rasmiga ah ee milatariga Maraykanka.
Sida ku cad xog ay cusboonaysiisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ilaa 2025, Kuweyt waxa ay martigelisaa in ka badan 13,000 askari oo Maraykan ah.
Tiradaas ayaa ka dhigaysa Kuweyt dalka afraad ee ugu badan ee martigeliya ciidamada Maraykanka ee dibadda, kadib Jarmalka, Jabaan iyo Kuuriyada Koonfureed.
Sida ay sheegtay Hay'adda Cilmi-baarista Koongareeska Maraykanka, joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Kuweyt waxa uu u sahlayaa Maraykanka in uu si degdeg ah ugu daad-gureeyo ciidamadiisa dhulka ee gobolka.
Imaaraadka Carabta
Imaaraadka Carabta gudaheeda, ciidamada Maraykanku waxay isticmaalaan Garoonka Diyaaradaha ee Al Dhafra oo u dhow Abu Dhabi, iyo saldhig badeed oo ku yaalla Fujairah dhanka bari.
Dekedda Jebel Cali, oo ku taalla galbeedka Dubai, ayaa awood u leh in ay qaabisho maraakiibta diyaaradaha xambaara oo Maraykanku leeyahay, sida ay sheegtay Hay'adda Cilmi-baarista Koongareeska.
Saldhigga Cirka ee Al Dhafra waxa jooga qiyaastii 3,500 askari oo Maraykan ah, halka saldhigyada Imaaraadkuna ay siiyaan taageero saadka oo "aad u muhiim ah" Ciidamada Badda ee Maraykanka.
Isku-geynta maraakiibta badeed ee Maraykanka ee halkaas jooga ayaa ah tan ugu badan marka la eego deked kasta oo ka baxsan Maraykanka laftiisa.
Urdun
Saldhigga Cirka ee Muwaffaq al-Salti ee Azraq, oo qiyaastii 100 km waqooyi-bari kaga beegan caasimadda Cumaan ayaa martigeliya Ciidamada Cirka ee Maraykanka, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.
Turkiga
Turkiga iyo Maraykanku waxay si wadajir ah u maamulaan Saldhigga Cirka ee Incirlik, oo ku yaalla koonfurta gobolka Adana.
Saldhiggan waxa ku kaydsan hub nukliyeer ah oo Maraykanku leeyahay, waxaana loo isticmaalay taageeridda isbahaysiga caalamiga ah ee la dagaallamaya kooxda Daacish (ISIS) ee Suuriya iyo Ciraaq.
Sidoo kale, waxa Turkiga ku sugan 1,465 askari oo Maraykan ah, sida ay sheegeen ilo kala duwan.