Sababta Imaaraadku dhiigga ugu kiciyay Soomaaliya

    • Author, Bushra Mohamed
    • Role, BBC Africa

Toddobaadyo, Soomaaliya waxay ku jirtay dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan si ay u kasbato taageerada caalamka kadib markii Israa'iil ay aqoonsatay Somaliland, oo ah gobol ka go'ay Soomaaliya, inuu yahay dal madax-bannaan.

Iyadoo loo marayo xidhiidho diblomaasiyadeed iyo wicitaanno heer sare ah, dowladda Soomaaliya waxay ku guulaysatay inay hesho taageerada dalal badan oo ku yaalla Afrika iyo Bariga Dhexe, kuwaas oo ay ku qancisay inay ka hor yimaadaan aqoonsigaas. Hase yeeshee, hal xidhiidh ayaa si weyn u xumaaday iskaashigii muddada dheer ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta (UAE).

Sanado badan, dowladda hodanka ku ah saliidda ee Khaliijka waxay ahayd saaxiib muhiim ah oo ku lug leh amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya, maadaama dalku leeyahay xeeb dhererkeedu ka badan yahay 3,000km oo ku teedsan Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya gobol badeed istaraatiiji ah oo ay saameeyeen burcad-badeednimo iyo hub tahriibin, kuwaas oo door ka qaatay xasillooni darrada Afrika iyo Bariga Dhexe labadaba.

UAE waxay dhistay xidhiidho kala heer ah oo ay la yeelatay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada, waxayna ku lug lahayd hawlaha dekedaha Boosaaso ee Puntland, Kismaayo ee Jubbaland, iyo Berberada Somaliland.

Laakiin Isniintii, dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku dhawaaqday inay baabi'isay dhammaan heshiisyadii maamulka dekedaha iyo iskaashiga amniga ee ay la lahayd UAE, iyadoo ku eedaysay inay dhaawacayso madax-bannaanida dalka.

"Waxaan la lahayn xiriir wanaagsan UAE, balse nasiib darro, noogu lama ayna dhaqmin sidii dal madax-bannaan oo leh qaranimadiisa. Ka dib qiimeyn taxaddar leh, Waxaan ku qasbanaanay inaan qaadanno go'aanka aan qaadannay," ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, khudbad uu telefishinka ka jeediyay kadib kulan degdeg ah oo golaha wasiirradu yeesheen.

UAE weli kama aysan jawaabin hadalladaas.

Cumar Maxamuud, oo ah cilmi-baare sare kana tirsan hay'adda International Crisis Group, ayaa BBC u sheegay in aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland uu ahaa asalka go'aankan.

"Soomaaliya waxay u aragtaa arrintan inay tahay mid xadgudub ku ah midnimadeeda dhuleed, waxayna rumaysan tahay in UAE ay si hoose ugaalin uga qaadatay taageeridda natiijadan," ayuu yidhi Maxamuud.

Dabayaaqadii Diseembar, Israa'iil waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee dunida ka mid ah ee aqoonsada madaxbannaanida Somaliland. Tani waxay dhalisay dabaaldegyo waaweyn oo ka dhacay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, maadaama Israa'iil ay siisay aqoonsigii ay muddada dheer ku hamineysay tan iyo markii ay ka go'day Soomaaliya in ka badan 30 sano ka hor, iyadoo sameysatay dowlad u gaar ah, qaadatayna qaadatay baasaboor iyo lacag u gaar ah.

Beddelkeeda, Somaliland waxay sheegtay inay ku biiri doonto Heshiisyadii Abraham ee 2020, kuwaas oo ay illaa hadda UAE, Baxreyn iyo Morocco ku dhiseen xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa oo ay la yeesheen Israa'iil, taasoo xoojisay dowladda Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu xilli ay wajahaysay dhaleeceyn balaadhan oo la xidhiidha dagaalka Gaza.

"Gobolku wuxuu si isa soo taraysa u noqday mid lagu qeexo isbahaysiyo juqraafi-siyaasadeed oo is diidan, iyadoo UAE iyo Israa'iil ay hal dhinac yihiin, halka Sacuudiga, Turkiga iyo kuwo kale ay dhinaca kale ka jiraan," ayuu yiri Maxamuud.

Isniintii, bogga wararka ee Middle East Eye ayaa sheegay in cawaaqibka diblomaasiyadeed uu sababay in Imaaraadka Carabta (UAE) ay kala baxaan ciidamadoodii amniga iyo qalabkoodii militari ee culus saldhigga diyaaradaha ee Boosaaso.

Maxamuud wuxuu sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo UAE uu si tartiib tartiib ah u sii xumaanayay tan iyo 2024, markaas oo Itoobiya oo ah xulafo weyn oo Imaaraadka Carabta ku leh Geeska Afrika ay muujisay inay diyaar u tahay inay aqoonsato madaxbannaanida Somaliland, heshiis beddel ahna uu ka mid ahaa in Itoobiya laga siiyo saldhig ciidan badeed xeebta gobolka go'ay.

"Shakiga Soomaaliya ee ku aaddan UAE wuu kordhay kadib heshiiskii is-afgarad ee 2024 ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland, kaas oo lagu beddelanayey helitaanka marin badeed iyo aqoonsi, maadaama Soomaaliya ay u aragtay in UAE ay suuragal tahay inay taageerayso heshiis ay si weyn uga soo horjeeday.

"Laakiin Itoobiya kaliya waxay ballan-qaadday aqoonsi. Israa'iilse way fulisay, taasina waxay sare u qaadday halista," ayuu Maxamuud ku daray.

Falanqeeyuhu wuxuu sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay ku eedeysay UAE inay dhulkeeda u adeegsatay inay ka caawiso hoggaamiyaha gooni-u-goosadka Yemen, Caydaruus al-Zubaydi, inuu dalka ka baxsado, arrintaas oo la rumeysan yahay inay ahayd "dhibicii ugu danbaysay" ee sababay burburka xidhiidhkooda.

"In hawada Soomaaliya iyo garoomadeeda diyaaradaha loo adeegsado in lagu tahriibiyo qof baxsad ah ma aha wax ay Soomaaliya oggolaanayso," ayuu yiri Cali Cumar, wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, isagoo la hadlay Al Jazeera.

Toddobaadkii hore, isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo ee Yemen ayaa soo jeediyay eed la mid ah, iyagoo sheegay in al-Zubaydi, oo ah madaxa Golaha Kumeelgaarka Koonfurta Yemen, uu marka hore markab ku galay Berbera, kadibna diyaarad xamuul ah looga qaaday Abu Dhabi isagoo ka sii maray Muqdisho, iyadoo ay "kormeereen" saraakiil ka tirsan UAE. Imaaraadka Carabta ayaa beeniyay inay taageeraan gooni-u-goosadka Yemen.

Tani ma aha markii ugu horreysay ee xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo UAE uu xumaado. Sannadkii 2018, Soomaaliya, xilligii uu madaxweyne ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxay jartay xiriirkii ay la lahayd UAE, iyadoo ku eedeysay faragelin ay ku hayeen arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Waqtigaas, madaxweynaha hadda talada haya wuxuu ahaa siyaasi mucaarad ah oo si xooggan u difaacay doorka UAE ee Soomaaliya, balse hadda wuxuu qaatay mowqif gebi ahaanba ka duwan, isagoo isku dayaya inuu ka faa'iideysto khilaafaadka u dhexeeya UAE iyo Sacuudi Carabiya ee ku saabsan dagaalka Yemen.

"Horumarrada gobolka, oo ay ka mid yihiin aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland iyo isbeddellada ka socda Yemen ee ku lugta leh Sacuudi Carabiya iyo Golaha Kumeelgaarka Koonfurta, ayaa abuuray cadaadis ku filan oo ku qasbay dowladda inay si go'aan ficil u samayso," ayay Samira Gaid, oo ah falanqeeye ka tirsan hay'adda Balqiis Insight, u sheegtay BBC.

Hase yeeshee, Maxamuud wuxuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka maqan tahay awooddii ay ku fulin lahayd go'aankeeda ah inay baabi'iso heshiisyada dekedaha ee ay la gashay Imaaraadka Carabta, maadaama aysan wax maamul ah ku lahayn gobolka goonidiisa u taaggan ee Somaliland.

Sidoo kale, wax badan kama maamusho dekedaha ku yaalla Puntland iyo Jubaland, oo ah laba gobol oo ismaamul ah kana tirsan Soomaaliya.

"Dowladda Soomaaliya joogitaan muuqda kuma laha dhulka gobolladan, waxayna la gashay tartan siyaasadeed maamuladan oo ku saabsan sida awoodda loo qaybsanayo nidaamka federaalka ee Soomaaliya," ayuu yidhi Maxamuud.

Shirkadda saadka ee DP World oo fadhigeedu yahay Dubai ayaa u muuqata mid aan ka walaacin ku dhawaaqista dowladda federaalka, iyadoo sheegtay in hawlaheeda dekedda Berbera ee Somaliland ay sii socon doonaan.

"DP World waxay weli diiradda saareysaa hawlgal ammaan ah oo hufan oo dekedda ah, iyo gaarsiinta fududeynta ganacsiga iyo faa'iidooyin dhaqaale oo ay ka helaan Somaliland iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika," ayay ku tidhi bayaan ay siisay Reuters, iyadoo intaas ku dartay in su'aalaha ku saabsan "go'aamada siyaasadeed, wada-xaajoodyada dowladaha dhexdooda, ama mowqifyada diblomaasiyadeed" loo gudbiyo hay'adaha ay khusayso.

Bayaankeeda ma ahayn wax lala yaabo, maadaama Somaliland ay sheegtay in dhammaan heshiisyadeeda ay la gashay Imaaraadka Carabta ay "weli yihiin kuwo sharci ah oo waajib ah".

Dhanka Jubaland, waxay sheegtay inay u aragto go'aanka dowladda federaalka mid "aan waxba ka jirin", halka Puntland ay cambaareysay iyada oo ku tilmaantay "mid ka hor imanaya mabaadi'da dowladnimo ee dastuuriga ah".

Si kastaba ha ahaatee, Maxamuud wuxuu sheegay in Soomaaliya weli ay leedahay xoogaa cadaadis ah oo ay ku saameyn karto Imaaraadka Carabta iyo xulafadiisa.

"Muqdisho waxay gacanta ku haysaa hawada dalka, taasna way u adeegsan kartaa, iyadoo ay weheliso cadaadis diblomaasiyadeed, si ay ugu cadaadiso Imaaraadka Carabta iyo maamulada gobollada," ayuu yidhi.

"Waxa kale oo suuragal ah in Soomaaliya ay garab istaag ka raadsato saaxiibbo ay ka mid yihiin Turkiga iyo Sacuudi Carabiya si ay u taageeraan mowqifkeeda," ayuu raaciyay.

Maxamuud ma arko in xidhiidhka u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu hagaagi doono mustaqbalka dhow, maadaama "kalsoonidii ay luntay".

"Waxay u baahan doontaa dadaal diblomaasiyadeed oo ballaaran iyo tallaabooyin wax ku ool ah si loo soo celiyo," ayuu yidhi