You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
BBC oo doonaysa in la laalo kiiska sumcad dilista ee uu ku dacwoonayo Trump
BBC ayaa xaraynaysa mooshin meesha looga saarayo dacwadda Donald Trump ee ku saabsan sidii uu u jarjaray khudbadiisii 6 Janaayo 2021 barnaamijka dukumentariga ee Panorama.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa bishii hore maxkamad ku taalla Florida ka xareeyey dacwad balaayiin dollar ah, isagoo ku eedeeyey BBC sumcad dilid iyo ku xadgudub sharciga ku dhaqanka ganacsiga.
Qoraalka dacwadda ee la gudbiyey Isniintii ayaa muujinaya in BBC ay ku doodi doonto in maxkamadda Florida aysan awood sharci u lahayn inay dacwadda qaaddo, goobtuna aysan ahayn 'mid ku haboon', Trump-na uu 'ku guuldarraystay inuu dhib sheegto'.
Hore BBC waxay raalli gelin uga siisay Trump qaabkii loo jarjaray hadalkiisa, laakinse waxay ku gacan sayrtay dalabkiisa ahaa inuu doonayo magdhow, waxayna ku diidday in aysan sal iyo raad lahayn sheegashadiisa ah in la sumcad dilay.
Waxay kaloo ku doodday in barnaamijka Panorama aan laga baahin gudaha Maraykanka, isla markaana uusan sumcadda ka dilin madaxweynaha Maraykanka.
Waxay kaloo doonaysaa inay meesha keento in madaxweynahauusan muujin in dukumentarigu uu dhibaato isaga u gaystay, ayadoo hoosta laga xaqiiqayo in dib loo doortay markii barnaamijka la baahiyey ka dib.
Trump wuxuu ku dacwooday in dukumentariga laga baahiyey Britbox, taasoo BBC sheegtay in aysan sax ahayn.
BBCdu waxaa kale oo ay doonaysaa in ay ku dooddo in Trump uusan ku edeyn karin in dukumentariga la baahiyey ayadoo looga gol leyahay "xaasidnimo".
Waxay kaloo tilmaameen in qaybta uu ka dacwooday ay tahay 15 seken oo ka mid ah barnaamij hal saac soconaya oo aad uga hadlaya taageerayaashiisa, ayadoo si miisaamanna loo baahiyey dib u doorashadiisii.
In ka badan 50 daqiiqo ka dib khudbadiisa ayuu yiri "Waana dagaallamaynaa, si adag ayaanan u dagaallamaynaa".
Barnamijka Panorama waxaa lagu soo qaaday qayb muujinaysa isagoo leh "Waxaan socod ku tegeynaa aqalka te capitol…anigana waan idinku wehlin doonaa. Waana dagaallami doonnaa. Si adag ayaan u dagaallami doonnaa".
BBC-da ayaa hore u qiratay in tafatirka uu bixiyay "aragtida qaldan" oo ah in Trump "uu si toos ah ugu baaqay tallaabo rabshado ah", laakiin waxay ku khilaaftay in ay jirto arrin sal u ah sheegashada sumcad-dilista.
Qoraal gudaha ah oo BBC-da oo la faafiyay bishii November ayaa lagu dhaleeceeyay sida hadalka loo habeeyay, waxayna keentay in agaasimihii guud ee hay'adda Tim Davie iyo madaxii wararka, Deborah Turness ay is casilaan.
Taariikhda la soo jeediyay ee dacwadda oo ah ayaa la asteeyey 2027 haddii kiisku sii socdo.
Afhayeen u hadlay BBC-da ayaa yiri: "Sida aan horay u caddaynay, waanu difaaci doonnaa kiiskan, kama hadli doono wax dheeraad ah oo ku saabsan dacwadaha sharci ee socda."