You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Xog cusub oo laga helay sida Imaaraadku uga baxayo Muqdisho

Ilaha ay BBC la hadashay oo ka tirsan dawladda, xog ogaalna u ah xaaladdan waxay sheegeen in maanta la filayo laba dayaaradood oo kale inay Muqdisho yimaadaan si ay u dhamaystiraan daabulidda qalabka Iimaaraadka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Degdeg: Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

    Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi uu hadda gaaray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu oggaaminayo.

    Ujeedka uu halkaasi u tagay madaxweyne Xasan ayaa ah in uu ka qayb galo caleemo-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya Cabdulqaadir Firdhiye oo halkaa lagu qabanayo.

    Laascaanood waxaa horey ugu sii sugnaa mas'uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda federaalka ah oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno, iyadoo ra'iiusl wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu saaka halkaa isna gaaray.

  2. Putin oo Netanyahu teleefoon ku wacay kalana hadlay arrinta Iiraan

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezzekian, isagoo u soo jeediyay in Ruushku uu dhexdhexaadiyo labada dal.

    Kremlin-ka ayaa sheegay in wicitaannadaas uu Putin ku adkeeyay “diyaargarowga Ruushka ee sii wadista dadaallada dhexdhexaadinta.”

    Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa wariyeyaasha u sheegay in Moscow “ay si dhow u shaacin doonto natiijooyinka wada-hadalka taleefanka ee madaxweynaha Iiraan,” isagoo intaas ku daray in madaxweynaha Ruushku “uu sii wadi doono dadaalladiisa lagu yareynayo xiisadda.”

  3. Maxaa Laascaanood laga mamnuucay labada maalmood ee soo socota?

    Wasiirka warfaafinta maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, Axmed Cabdirisaaq ayaa sheegay in magaalada Laascaanood ee caasimadda u ah maamulka, ay bandow ahaan doonto 48 saac ee soo socota.

    Waxa uu yiri isagoo saxaafadda la hadlaya: "Waxaan la wadaagaynaa shacabkeena qodobbo la xiriira dhanka amniga. Laga bilaabo hadda iyo 48-ka saac ee soo socda, waxaa si rasmi ah loo joojiyay dhammaan isu-socodka gaadiidka ee magaalada dhexdeeda, iyo sidoo kale gaadiidka ka baxaya ama soo galaya magaalada. Inta muddadaas lagu jiro, ma jiri doono wax gaadiid ah oo magaalada soo galaya ama ka baxaya.

    Sidoo kale, waxaa la hakiyay dhammaan gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaalada muddo 48 saac ah. Waxaa si gaar ah loo mamnuucay bajaajleyda, mana jiri doono wax bajaaj ah oo shaqeynaya inta muddadaas lagu jiro.

    Waxaan ugu baaqaynaa shacabka inay doorkooda qaataan, ayna si buuxda ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, iyaga oo kaashanaya ilaalinta amniga guud."

  4. Maxay yihiin ciidamada Imaaraatka uu maalgelinayo ee Puntland?

    Waxaa siyaabo kala duwan looga hadlay isla markaana cabasho laga muujiyay ciidamo la sheegay in ay yihiin kuwa badda Puntland, oo dhawaan magaalada Garoowe kula dagaallamay ciidamo ka soo horjeeday wax a badelka dasuurka Puntland.

    Dagaalkaasi waxaa ku dhintay ku dhawaad 20 qof tiro intaa ka badana way ku dhaawacantay. Wixii intaas ka dambeyayna waxaa soo baxayay cabsho laga muujiyay doorkii ay ku lahaayeen dagaalkaasi.

    Ciidamadan waxaa la aasaasay sanadkii 2012-kii, xilligii dowladdii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole waxaa magacooda loo soo gaabiyaa PMPF. Waa ciidamo haysta hub iyo gaadiid culus oo loogu tala galay shaqada ay u huwanyihiin ee ah ilaalada badda.

    Xaruuntooda ugu weyn waxay ku taallaa magaalo-xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari. Mar dambe ayaa la sii ballaariyay oo xarumo kale looga sameeyay degmooyinka Isku shuban, Xaafuun, Baargaal, Qandala, Eyl iyo Garacad.

    Isbeddel ayaa hoggaanka ciidamadaan lagu sameeyay sanadkii 2020-kii waxaana agaasime looga dhigay Cabdirabi Cabdisamed Maxamed.

    Markii uu dhammaaday barnaamijkii burcad-badeedda oo ay ku aasaasmen ciidamada badda Puntland, waxaa la sii joogteeyay in ay sii jiraan oo ay xoogga saaraan ilaalinta xeebaha si ay uga hortagaan tahriibayaasha sharci darrada ah, kalluumaysiga ajaanibta ee xeebaha Soomaaliya iyo argagixsada laga yaabo in mararka qaar ay halkaa wax kala soo degaan.

    Sii akhri

  5. Xog cusub oo laga helay sida Imaaraadka uga baxayo Muqdisho

    Wararka ka imaaanya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Imaaraadka Carabta uu bilaabay inuu qalabkiisa iyo saadkii ka yaallay Muqdisho ay dib u rarto. Sida an xogta ku helayno labo ilaa saddex diyaaradood oo sida qalab kala duwan oo ay leedahaay dowladda Imaraadka Carabta ayaa shalay ka duulay garoonka Aadan Cadde.

    Xogaha qaar oo BBC-du ka heshay ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in kala aragti duwaansho soo kala dhexgashay saraakiisha Imaaraadka iyo kuwa Soomaalida hannaaka loo qaadayo qalabkaas iyadoo wararku intaa ku darayan in saraakiisa Iimaaraadku markii hore ka gows adaygeen amaro ay Soomaaliya oo saartay kuwaas oo markii dembe ay u hoggaansameen, kuwaasoo ay ku jiraan soo gudbinta Maanifeeska duullimaadyada.

    Ilaha ay BBC la hadashay oo ka tirsan dawladda, xog ogaalna u ah xaaladdan waxay sheegeen in maanta la filayo laba dayaaradood oo kale inay Muqdisho yimaadaan si ay u dhamaystiraan daabulidda qalabka Iimaaraadka.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  6. Awoodda baasaboorka Soomaaliya sanadkan cusub iyo dalalka lagu tegi karo

    Tusmada Baasaboorka Henley (Henley Passport Index) waxay isbarbardhigtaa helitaanka safar-fiiso-la'aan ah ee 199 baasaboor oo kala duwan, kuwaas oo loo safri karo 227 meelood oo caalamka ah.

    Haddii aan fiiso loo baahnayn, baasaboorkaasi wuxuu helayaa dhibco qiimaheedu yahay 1. Sidoo kale waa sidaas haddii aad heli karto fiiso markaad timaaddo (Visa on Arrival), oggolaansho ah ama booqde (visitor's permit), ama oggolaansho safar elektaroonik ah (ETA) markaad gelayso meesha loo socdo.

    Haddii fiiso loo baahdo, ama haddii qofka haysta baasaboorka uu khasab ku yahay inuu helo fiiso elektaroonik ah (e-Visa) oo ay dowladdu ansixisay ka hor inta uusan bixin, markaas waxaa la siinayaa dhibco qiimaheedu yahay 0. Tani sidoo kale waxay khusaysaa haddii loo baahdo oggolaansho dowladeed oo horudhac ah si loo helo fiiso markaad timaaddo.

    Tusmada Baasaboorka Henley sanad walba iyada oo adeegsanaysa habraacaas waxay daabacdaa warbixinno ku saabsan baasaboorada dunida iyo meelaha lagu kala tegi karo iyo hadba siday u kala sareeyaan.

  7. Markii ay Soomaaliya ciidamo u dirtay Masar iyadoo kahor timid Israa’iil balse caqabad kala kulantay Itoobiya.

    Sannadkii 1967-kii waxaa ka qarxay Bariga Dhexe dagaal weyn oo socday 5-tii illaa 10-kii bishii Juun ee sannadkaas. Dagaalkaas, wuxuu u dhexeeyey dowladda Masar oo ay xulufo la yihiin dowladaha Siiriya iyo Urdun iyo dowladda Israa’iil.

    Magacyo kala duwan ayaa loo yaqaan dagaalkaas. Adduunku, wuxuu ugu yeeraa ‘Dagaalkii Carabta iyo Yuhuudda ee 1967’ ama ‘Dagaalkii Saddexaad ee Carabta iyo Yuhuudda’. Carabta guud ahaan, iyo Masaarida gaar ahaan, waxay dagaalkaas ugu yeeraan ‘Dagaalkii 1967 ama ‘Dibu-Dhac’. Dhanka Yuhuudda waxaa looga yaqaannaa ‘Dagaalkii Lixda Maalmood’.

    Magac walba ha lahaadee, wuxuu ahaa dagaal ruxay caalamka oo idil. Wuxuu ka billowday xiisad soo taagneyd illlaa iyo aasaaskii xukunka Israa’iil, taas oo ay sii adkeysay meel-marin la’aanta heshiiskii Armistice, ee la saxiixay 1949-kii, iyo xirashadii ay Masar xiratay Gacanka Suweys 1956-kii, kuna dhawaaqday inay qarameysay.

    Bishii May 1967-kii ayaa mar kale Madaxweynihii Masar Jamaal Cabdinaasir uu ku dhawaaqay in Gacanka Tiran (the Straits of Tiran), ee afaafka Siinaay iyo Jasiiradda Carabta ku sii xira Badda Cas uu ka xiray maraakiibta Israa’iil, isagoo amar degdeg ah ku bixiyey inay halkaas isaga baxaan ciidamo gurmadka deg-degga ah, oo ay sannadkii 1956-kii keentay Qaramada Midoobay, kuwaas oo la magac-baxay UNEF (the United Nations Emergence Force).

  8. Senetar sare oo Mareykan ah iyo Netanyahu oo kulmaya

    Lindsey Graham, oo ah kamid ah senetarada sare ee Mareykanka, ayaa sheegay inuu u socoto Israa'iil.

    Waxaa uu bartiisa X ee horey loo oran jiray Twitter ku qoray: "Waxaan u safrayaa Israa'iil si aan ula kulmo raysal wasaare Benjamin Netanyahu iyo kooxdiisa iyadoo Bariga Dhexe uu ku jiro marxalad xasaasi ah ee taariikhda Bariga Dhexe.

    Hadafkayga safarkan waa inaan ka faa'iidaysto fursadaha taariikhiga ah ee ay soo bandhigeen hoggaanka aan horay loo arag ee Madaxweyne Trump ayuu yiri, isagoo intaa raaciyay inuu doonayo inuu ka hor tago sharta oo uu taageero dadka u doonaya xoriyadda"

    Senetarkan Jamhuuriga ah ayaa si isdaba joog ah uga jawaabay dibadbaxyada Iiraan maalmihii la soo dhaafay, isagoo si joogto ah ugula taliyay dibadbaxayaasha inay sii wadaan dadaalkooda sababo la xiriira inay soo socdaan "caawinaadda Trump".

    Shalay ayuu xafiiskiisa ku qaabilay Amiir Reza Pahlavi

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  9. Xogo dheeraad ah oo laga helay saldhiga wayn ee Mareykanka ku leeyahay Qadar

    Mareykanka ayaa hoos u dhigay heerka feejignaanta amni ee saldhiggiisa milatari ee Udeid Air Base ee dalka Qadar.

    Warkan waxaa werisay wakaaladda Reuters, iyadoo soo xiganaysa saddex ilo-wareed oo xog-ogaal ah oo aan magacyadooda la shaacin.

    Digniin dhanka ammaanka ah ayaa laga soo saaray saldhiggan shalay oo Arbaco ahayd.

    Sida ay Reuters sheegtay, iyadoo soo xiganaysa hal il-wareed, diyaaradaha millatariga Mareykanka ee Arbacadii laga qaaday saldhigga ayaa hadda si tartiib tartiib ah dib ugu soo laabanaya.

    Laba ilo-wareed oo kale, oo Reuters ku tilmaantay diblomaasiyiin, ayaa sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha saldhigga, kuwaas oo shalay lagu amray inay ka baxaan, hadda loo oggolaaday inay dib ugu laabtaan shaqooyinkooda.

    Reuters ayaa sidoo kale la xiriirtay Safaaradda Mareykanka ee Qadar si ay wax uga weydiiso warkan, balse waxay sheegeen inaysan ka hadli karin arrintan.

    Dhanka kale, Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa Khamiistii sheegay in Iran ay hakisay xukunkii dilka ahaa ee lagu fulin lahaa 800 oo mudaaharaadayaal ah, sababo la xiriira cadaadis uga yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku aaddan dibadbaxyada.

    Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo wakaaladda wararka ee AFP ay ka soo xigatay sarkaal sare oo Sucuudi ah oo sheegay in Sucuudiga, Qatar iyo Cumaan ay horseedeen dadaallo xooggan oo lagu doonayay in lagu qanciyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump inuu ka fogaado weerarrada uu Iran ku qaado xillligan.

    Waxaay dalalkan sheegeen in weerar xilligan lagu qaado Iran ay ka cabsi qabaan inay horseeddo “falcelin khatar ah oo gobolka ka dhacda”.

    Sida uu sheegay mas’uulka, "Saddexda waddan ee Gacanka ayaa dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan ku bixiyay daqiiqadii ugu dambeysay si ay u qanciyaan Madaxweyne Trump inuu Iran fursad siiyo si ay u muujiso niyad wanaagsan… kanaalada isgaarsiineed weli waa furan yihiin si loo xoojiyo kalsoonida wadajirka ah iyo niyadda wanaagsan ee haatan jirta."

  10. Sida uu Turkiga uga hadlay arrinta Iiraan

    Kaalinta iyo sida ay arrinta Iiraan uga falceliyeen waddamada carabta waa mid aad u hoseeseysa, dowladda. Dhanka Turkigu si cad ayuu u hadlay, inta badan waxa ku dhaliilay una goodiyey Israa'iil. Balse ay timaado in lala hadlo Marka Maraykanka hadalka Turkiguna wuu is beddelaa.

    13-kii Janaayo, afhayeenka dawladda Turkiga, Cumar Jeelik, waxa uu dunida uga digay in aan lagu faragelin xaaladda gudaha ee Iiraan, isagoo sheegay in shacabka Iiraan oo keliya ay xaq u leeyihiin inay go'aamiyaan sida dhibaatooyinkaas loo xallinayo.

    Waxa uu si gaar ah u dhaleeceeyay Israa'iil, isagoo ku eedeeyay inay mudaharaadyada u adeegsanayso dano iyada u gaar ah, isaga oo kana digay in faragelin shisheeye ay keeni doonto "cawaaqib aad uga sii xun".

    "Ma doonayno fowdo ka dhacda dalkeenna deriska ah ee Iiraan. Arrimahan waa in lagu xalliyaa gudaha Iiraan iyo rabitaanka qaran ee dadkeeda. Mas'uuliyiinta Israa'iil waxay qaadanayaan mowqif aan masuuliyad lahayn, taasoo dhibaatooyin ka sii waaweyn u horseedi doonta guud ahaan gobolka. Arrintaas gebi ahaanba lama aqbali karo" ayuu yiri afhayeenka Turkiga

  11. Sababta Imaaraadku dhiigga ugu kiciyay Soomaaliya

    Toddobaadyo, Soomaaliya waxay ku jirtay dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan si ay u kasbato taageerada caalamka kadib markii Israa'iil ay aqoonsatay Somaliland, oo ah gobol ka go'ay Soomaaliya, inuu yahay dal madax-bannaan.

    Iyadoo loo marayo xidhiidho diblomaasiyadeed iyo wicitaanno heer sare ah, dowladda Soomaaliya waxay ku guulaysatay inay hesho taageerada dalal badan oo ku yaalla Afrika iyo Bariga Dhexe, kuwaas oo ay ku qancisay inay ka hor yimaadaan aqoonsigaas. Hase yeeshee, hal xidhiidh ayaa si weyn u xumaaday iskaashigii muddada dheer ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta (UAE).

    Sanado badan, dowladda hodanka ku ah saliidda ee Khaliijka waxay ahayd saaxiib muhiim ah oo ku lug leh amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya, maadaama dalku leeyahay xeeb dhererkeedu ka badan yahay 3,000km oo ku teedsan Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya gobol badeed istaraatiiji ah oo ay saameeyeen burcad-badeednimo iyo hub tahriibin, kuwaas oo door ka qaatay xasillooni darrada Afrika iyo Bariga Dhexe labadaba.

  12. Hogaamiye sare oo ka tirsan Xamaas oo lagu dilay duqeyn ay Israa'iil geysatay

    Kooxda Xamaas ee Falastiin ayaa sheegtay in hoggaamiye sare oo ka tirsan garabkooda militariga, uu ka mid ahaa 10 qof oo lagu dilay laba duqeyn oo Israa'iil ay khamiisti ka geysatay Deir al-Balah, oo ku taal bartamaha Marinka Gaza.

    Ciidanka Israa'iil weli wax faahfaahin ah kama soo saarin dhacdadan.

    Xamaas waxay sheegtay in mid ka mid ah dadka dhintay uu ahaa Muxammad al-Hawli, oo ahaa taliye ka tirsan garabka militariga ee dhaqdhaqaaqa Deir al-Balah.

    Ilo wareedyo maxalli ah oo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale sheegay, in Ashraf al-Khatib, oo ahaa taliye ka tirsan Guutooyinka Al-Quds, oo ah garabka militariga ee dhaqdhaqaaqa Jihaadka Islaamiga ah, uu ka mid ahaa dadkii dhintay.

    Xamaas waxay cambaareysay duqeyntii cirka ahayd ee lagu qaaday guriga qoyska al-Hawli iyadoo ku soo hadal qaaday hadal aan lagu xusin Muhammad al-Hawli ama doorkiisa dhaqdhaqaaqa.

    Bayaanka ayaa lagu sheegay in duqeynta "ay ka dhigan tahay jebin cad oo soo noqnoqotay oo lagu sameeyay heshiiska xabad joojinta, waxayna mar kale shaaca ka qaadaysaa in qabsashada aysan u hoggaansamin heshiiska oo ay si ula kac ah u raadineyso inay wiiqdo, taasoo u gogol xaaraysa dib u soo nooleynta dagaalka lagu hayo dadka Falastiiniyiinta ee Gaza