Waa kuwee dalalka taageeray midnimada Soomaaliya ee hadda dhisanaya isbahaysi difaac oo xooggan?

Wasiiru dowladaha difaaca Pakistan , Raza Hayat Haraj, ayaa xaqiiiyey nuqulka heshiiska qaybo ah oo difaac oo la gabagabeyey, kasa oo u dhaxeeya dalalka Pakistan, Sacuudi Carabiya iyo Turkeyga ka dib sano wadahadallo ah.

Si kastaba ha ahaatee heshiiskan wuxuu ka madax-bannaan yahay heshiiska ammaanka ee Pakistan iyo Sacuudi Carabiya ay saxiixeen sanadkii hore.

Hadalka Reza Hayat Haraj ayaa ku soo aaday xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan uu khamiistii shalay shir jaraa'id oo uu ku qabtay Istanbul ku sheegay in wada-hadallo ku saabsan suurtagalnimada heshiis dhanka difaaca ah oo ay la yeelanayaan Sacuudiga iyo Pakistan ay socdaan, balse weli wax heshiis ah aan laga gaarin arrintan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga oo la waydiiyay in uu jiri karo isbahaysi ayaa sheegay in "haddii dalalku ay isku kalsoonaadaan" la xalin karo arrimaha ballaaran ee gobolka.

Wuxuu sheegay in fikradda Madaxweyne Erdogan ay tahay 'in la dhiso aasaaska madal ballaaran oo dhammaystiran.'

Reza Hayat Haraj, oo la hadlayey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in qabyo qoraalka heshiiska uu diyaar yahay, isla markaana loo baahan yahay in si rasmi ah ay u ansixiyaan saddexda waddan.

Heshiiska difaaca ee u dhaxeeya Pakistan iyo Sacuudiga, ayaa lagu dhawaaqay iyadoo ay xiisad ka taagan tahay gobolka Khaliijka, waxaana la is weydiinayaa su'aalo badan, gaar ahaan qeybta uu ka qaadan karo Nukliyeerka, maadaama Islamabad ay haysato hubka Nukliyeerka.

Maalmo kooban, warar ay isla dhex qaadayeen warbaahinta caaalmiga ayaa sheegay in laga yaabo in Turkigu ku biiro heshiiska difaac ee ay kala saxiixdeen dalalka Pakistan iyo Sacuudiga sanadkii hore.

Heshiiska difaaca ee Pakistan iyo Sacuudiga

Pakistan iyo Sacuudi Carabiya waxay bishii Sebtembar ee sanadkii hore saxiixeen 'Heshiiska Istiraatiijiyadeed ee Difaaca Isku-dhafka ah' oo ku saabsan iskaashiga difaaca iyo ammaanka.

Heshiiska waxaa lagu sheegay in 'faragelin dibadeed oo ka dhan ah mid ka mid ah dalalka loo arki doono faragelin ka dhan ah labadaba dal.'

Sida laga soo xigtay kormeerayaasha, ku dhawaaqista heshiiska difaaca ee wadajirka ah ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Pakistan ayaa kicisay xiisad sababo dhowr ah awgood.

Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka Rasmiga ah ee Sacuudi Carabiya (SPA), heshiiska cusub ee difaaca wadajirka ah ee Pakistan la galay Sacuudigu, wuxuu ku saleysan yahay 'xiriirka iskaashiga taariikhiga ah, walaalnimada iyo midnimada Islaamiga ah ee gaarsiisan ku dhawaad siddeetanka sanno. Waxa kale oo uu ka tarjumayaa danaha istiraatiijiyadeed ee wadaagga ah iyo iskaashiga dhow ee difaaca ee labada dal.'

Sida laga soo xigtay kormeerayaasha, ballanqaadka ammaanka ee lagu difaacayo labada masaajid ee barakaysan ee Maka iyo Madiina ayaa ah 'aasaaska midnimada' u dhexeysa Pakistan iyo Sacuudi Carabiya."

Ciidamada Pakistan ayaa markii ugu horeysay gudaha u galay Sacuudiga sanadkii 1960-kii markaasoo ay soo baxday cabsi laga qabo in ciidamada Masar ay dhibaato ka geystaan dalka Yemen.

Kadib, Kacaankii Iran ka dib 1979, Pakistan iyo Sacuudi Carabiya ayaa isu soo dhawaaday, xitaa iyada oo laga baqayo isku dhac Tehran.

Xitaa intii uu socday duulaankii Ciraaq ee Kuwait sanadkii 1991, Pakistan waxay ciidamo u dirtay Sacuudi Carabiya, kuwaasoo loo xil saaray ilaalinta goobaha barakaysan ee Maka iyo Madiina.

Sida laga soo xigtay kormeerayaasha, ku dhawaaqista heshiiska difaaca ee wadajirka ah ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Pakistan ayaa kicisay xiisad sababo dhowr ah awgood."

Maxay tahay sababta uu Turkigu u rabo in uu xulafo difaac la sameeysto Pakistan iyo Sacuudi Carabiya?

Khubarada difaaca ayaa sheegay in Turkiga iyo Pakistan horeyba iskula kaashanayeen arrimaha difaaca.

Khabiirka difaaca Dr. Hassan Askari Rizvi ayaa sheegay in Turkiga inta uu Yurub joogo ay sidoo kale dano ka leeyihiin bariga dhexe iyo wadamada Carabta.

Dr. Rizvi oo la hadlay BBC ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay tahay awood weyn oo ka jirta Bariga Dhexe, inkastoo Pakistan aysan ku jirin gobolkaas, haddana heshiiska difaaca ee ay la gashay Sacuudi Carabiya ayaa kordhiyey muhiimadda Pakistan ee gobolkaas sidoo kale.

Sida uu sheegay, Turkigu sidoo kale wuxuu doonayaa 'in uu la shaqeeyo Pakistan iyo Sacuudi Carabiya xasaradaha Bariga Dhexe iyo dhibaatooyinka gobolka.'

Mehmet Çelik, oo ah wariye ka tirsan wargeyska Turkiga ee Daily Sabah, ayaa sheegay in Turkigu uu xiiseynayo inuu ku biiro ama ballaariyo heshiiska difaaca ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Pakistan. Mehmet Çelik wuxuu ka qayb galay shir jaraa'idkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Isagoo la hadlayay BBC-da ayuu yiri "Turkigu wuxuu rumeysan yahay in haddii Pakistan, Sacuudiga, Turkiga ama Masar ay hal madal isugu yimaadaan, in dhibaatooyin badan oo gobolka ka jira la xalin karo.

Waxa uu yiri "Turkigu waxa uu aaminsan yahay in dhibaatooyinka ugu badan ee ka jira gobolka ay sabab u yihiin is aaminaad la'aanta ka dhex jirta awoodaha gobolka, hadii meesha laga saarana kalsoonida la'aanta waxaa la xalin karaa 80% dhibaatooyinka ka jira gobolka".

Mehmet Çelik ayaa sheegay, 'Isku-darka awooda nukliyeerka ee Pakistan, awooda dhaqaale ee Sacuudi Carabiya, iyo saameynta milateri iyo diblomaasiyadeed ee Turkiga ee gobolka waxay noqon kartaa arrin ka hortagta khatarta islamarkaana horseedi karta xasillooni gobolka ah.'

Wuxuu intaa ku daray in Turkigu uu doonayo inuu ku biiro heshiiska, balse ilaa hadda horumar dheeraad ah laguma sameyn arrinkan.

Sacuudiga ma diidi karaa ku lug lahaanshaha Turkiga?

Sanadihii la soo dhaafay, xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Sacuudi Carabiya ayaa soo fiicnaaday ka dib sanado badan oo uu xumaa.

Xiriirka u dhexeeya labada dal ayaa sii xumaaday ka dib dilkii wariyaha Sucuudiga ah ee Jamal Khashoggi ee ka dhacay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul sanadkii 2018. Waqtigaas, Erdogan wuxuu bartilmaameedsaday amiirka Sucuudiga arrintan awgeed.

Intii lagu jiray isla waqtigaas, dowladda Sucuudigu sidoo kale waxay isku dayday inay ka hortagto muwaadiniinteeda safarka u tagta Turkiga iyo inay isticmaalaan alaabooyinka halkaas laga sameeyey.

Dhoofinta Turkiga ee Sucuudiga ayaa hoos uga dhacday 1.02 bilyan riyal ilaa 506 milyan riyal bishii December 2019. Laakiin laba sano ka dib, xiriirka labada dal si tartiib tartiib ah ayuu u hagaagay.

Markii la waydiiyey xiriirkii hore ee u dhexeeyay Sucuudiga iyo Turkiga, Hassan Askari wuxuu yiri, "Arrimahan waxay dhex marayeen dalal kala duwan oo Bariga Dhexe ah, laakiin muuqaalka siyaasadeed ee sannadihii u dambeeyay soo baxay ayaa beddelay jihada siyaasadda, hadda xaaladda aan la hubin ee Yaman, Suuriya, iyo ilaa Ciraaq iyo ka dib Afgaanistaan ayaa ku qasbay dalalkan inay helaan waddooyin iskaashi oo wadajir ah."

Sida uu sheegay, waxaa jiri doona dood ku saabsan nooca iskaashigan. Fikraddiisa, weli go'aan kama gaarin, laakiin saddexda dal si cad ayaa uga fikiraya sidii ay u dhaqaaqi lahaayeen jihadan.

Sidoo kale wuxuu Dr. Hassan Askari, qabaa in "Dagaalka Falastiin–Israel ayaa sidoo kale dalalkan isu soo dhoweeyay, Turkiguna wuxuu doonayaa inuu ka soo baxo sidii ciyaaryahan firfircoon oo gobolka ka jira."

Mar uu ka jawaabayay su'aal la weydiiyay ayuu sheegay in dalalka Islaamka aysan ku shaqeyn karin, balse waxaa hubaal ah in dalalka qaar ay kordhin karaan iskaashiga dhexdooda ah.

Sida uu qabo Mehmet Çelik, waxaa dhamaaday xiisadii u dhaxeysay Sacuudiga iyo Turkiga, waxaana labada dal ay hadda raadinayaan habab cusub oo iskaashi ah.

Sida laga soo xigtay isaga, 'labada waddan waxay fahmeen sida ay ula tacaali karaan caqabadaha ka dhalanaya waxa ka dhacaya gobolka.' Sida uu qabo, waxaa iska shabaha mawqifyada labada dal ee dhibaatooyinka iyo arrimaha gobolka. Sida uu qabo, Sacuudi Carabiya hadda wax diidmo ah kama yeelan ka qaybgalka Turkiga ee isbahaysigan.

Sidee ayuu Turkigu uga dhigi karaa heshiiskan mid waxtar leh?

Waxaa jirtay waqti Turkiga lagu tirin jiray in uu yahay wadan hubka ka iibsada caalamka, balse hadda, ka dib horumarinta warshadaha qalabka difaaca ee Turkiga, Turkiga waxa uu u muuqdaa mid hubka iibiya.

Dhawrkii sano ee la soo dhaafay, qalabka difaaca ee Turkigu sameeyay waxa uu ciyaaray door 'isbedel ah' intii lagu jiray iskahorimaadyo kala duwan, taasoo soo jiidatay indhaha caalamka.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee uu Turkigu sameeyay ayaa door muhiim ah ka qaatay colaadaha ka socda Ukraine, Suuriya, Liibiya iyo wadamo kale.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in 80% ay daboolayaan baahidooda difaaca gudaha, waana sababta ay Turkigu u iibsadaan hub ka yar dalalka kale ee caalamka.

Shan ka mid ah shirkadaha soo saara qalabka difaaca ee Turkiga ayaa ka mid ah 100-ka shirkadood ee ugu horreeya adduunka ee soo saara hubka, bixiyana adeegyada milatariga.

Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm (SPRI) ayaa soo saaray qiimeyn lagu sameeyay 100-ka shirkadood ee ugu sarreeya ee bixiya qalabka difaaca iyo adeegga milatari ee ugu wanaagsan sanadka 2024.

Liiska oo lagu saleyey dakhliga, shirkada Turkeyga ee Esselsen, ayaa gashay kaalinta 25-aad halka Baykar ay gashay 66-aad isdaas oo kale Turkish Aerospace Industries ayaa liiska ku jirta kaalinta 77-aad.

'wax soo saarka difaaca iyo Laylis'

Isagoo ra'yigiisa ku saabsan isla arrintan ku soo bandhigay wargeyska Forbes, Güne Yildiz ayaa qoray in horumarkan aan loo arkin inuu yahay isku day uu Turkigu ku doonayo inuu isaga fogeeyo NATO.

"Haddii Turkigu ku biiro isbahaysigan, wax walba si tartiib tartiib ah ayey u dhici doonaan, ma aha si lama filaan ah," ayuu qoray. Sida laga soo xigtay isaga, marka hore, wax soo saarka difaaca wadajirka ah, dhoolatus milatari, iyo helitaanka dekedaha midba midka kale si hoose ayaa lagu heshiin karaa.

Sida uu sheegay, "Pakistan waxay heshiiskan difaaca ku soo kordhisaa wax ay dhawr dal leeyihiin, gaar ahaan awoodaha amniga xooggan, oo ay ku jiraan awoodaha nukliyeerka. Sida uu sheegay, Sacuudi Carabiya waxay heshiis difaac la saxiixday Pakistan sababtan darted, in kasta oo awoodaha nukliyeerka aan la siin cidna, haddana sawirka ka muuqda ayaa ku filan."

Dhanka kale, sida uu sheegay, "Haddii Turkigu ku biiro isbahaysigan, wuxuu noqon doonaa dal xubno ka ah NATO oo aan kaliya lahayn ciidamada labaad ee ugu weyn isbahaysiga, balse sidoo kale leh boos istiraatiiji ah iyo awood soo saarista difaac."