Maxaa sameyn lahayd, haddii aad toosto adiga oo Abeeso kugu duubantahay?

    • Author, Tiffanie Turnbull
    • Role, Sydney

Habeennimadii Isniinta ahayd ee todobaadkan, Rachel Bloor oo u dhalatay dalka Australia, waxa ay u ahayd habeen adag. Waxa ay soo toostay iyada oo uu Mas ku duuban laabtayda.

Markii hore uma dareemin inuu mas yahay, waxa ay u maleesay inuu yahay Eygeeda, balse markii ay isku dayday in ay gacanta ku taabato waana ay dareentay markaas inuusan Eygeedii ahayn.

Waxa ay kicisay ninkeeda kadib waxa uu daaray nalalkii qolka ee u dhawaa, waxa uuna arkay waxa ay ka baqayeen labada lamaane ee Brisbane ku nool.

Waxa uu ku yiri, "Xabiibi, ha dhaqaaqin, waxaa dusha kaa saaran mas qiyaastii 2.5 mitir ah," ayay Bloor u sheegtay BBC-da.

Erayadeeda ugu horreeyay waxay ahaayeen ay naxday, kadib waxa ay amartay in Eyga laga saaro qolka.

"Waxaan ka fikiray haddii eygeyga Dalmatian uu ogaado in mas halkaas joogo waxa uu sameeyn karo, waxaana ka baqay inuu weerer sameeyo," ayey tiri.

Markii Eyga laga saaray qolka waxa ay Rachel bilowday in ay si taxaddar leh uga siibato maska oo duubnaa iyada.

"Waxaan isku dayayay oo keliya inaan si tartiib ah uga siibto hoosta gogosha… maskaxdaydana waxaan is iri, 'Tani ma dhab baa? Arrintani waa wax aad u yaab badan.'"

Waxay rumeysan tahay in maskaan oo noociisu ahaa carpet python ah masaska aan sunta lahayn uu ka soo galay qolka daahyada daaqaddeeda, kadib waxa uu kasoo degay sariirteeda hoosteeda.

Markii ay si nabad ah uga soo hoos baxday, Maskii waxa uu ju jeestay dhanka daaqadduu kasoo galay, waxa uuna dib u qaaday isla jidkii uu ka soo galay qolka

"Waxa uu ahaa mid aad u weyn, inkastoo uu igu duubnaa, haddana qayb ka mid ah dabadiisa weli waxay ku jirtay daahyada."

"Waan qabtay, xitaa markaasna ma baqin, gacantayda ayuu si yar u taabtay."

Arrintaas lama oran karo ninkeeda oo aad u naxay, balse Bloor lafteedu si weyn ugama welwelin, maadaama ay ku soo kortay dhul baadiye ah oo masaska laga helo.

Maadaama ay kusoo kortay dhul baadiye ah, aad uma aysan nixin iyadu laakiin ninkeeda waa uu walwalay waliba si daran.

Markii ay hubisay in wuxu mas yahay aad uma aysan dhaq-dhaqaaqin waxa ay muujisay degaan mar ay arrintaas ka hadleesay waxa ay tiri Rachel "Waxaan u maleynayaa haddii adigu deggan tahay, iyaguna way deggan yihiin."

Haddii uu ahaan maska kuwa sunta leh oo waddankaasi ka noqday xawayaanka ugu khatarta badan halis ayey ku jiri lahayd.

"Ma adkeysan karo, runtii wa necbahay ilaa aan lalabbo dareemo. Marka haddii uu ahaan lahaa maska sunta leh, aad baan u baqi lahaa."

Rachel iyo ninkeeda waa ay ka bad-baadeyn maskii oo majirto wax dhibaato oo soo gaartay.