Milicsi: Maxay Laascaanood ku asteysan tahay dhanka booqashada Madaxweynayaasha?

    • Author, Fardowsa Sheekh Cabdiraxmaan
    • Role, Wariye BBC

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa maanta gaaray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo.

Ujeedka uu halkaasi u tagay madaxweyne Xasan ayaa ah in uu ka qayb galo caleemo-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye oo halkaa lagu qabanayo.

Maamulka Waqooyi-Bari ayaa la dhisay sanadkii lasoo dhaafay kadib markii uu dhammaaday dagaallo lagu riiqday oo dhexmaray Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhaqwaaqday ee Soomaaliland iyo xoogag kasoo jeeday Laascaanood.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa noqoneysaa tii sadexaad oo uu magaaladaasi ku tago wafdi madaxweyne oo heerkaas la eg.

dhanka kale, Laascaanood waa magaalo madaxda gobolka Sool oo ku yaalla woqooyi-bari Soomaaliya. Waa magaalo qarniyo marti galineysa hogaamiyeyaal kala duwan oo Soomaali ah tan iyo ka hor waqtigii xornimada.

Gobolka waxa uu kamid ah yahay gobolladii ay iskaga horyimaadeen gummeystihii gobollada Waqooyi ee Ingiriiska iyo halmaagii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Dhanka kale waa magaalo ku asteesan dilkii mid kamid ah madaxweynayaashii Soomaaliya.

Booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh 2026

Safarka Madaxweynaha ka hor saaka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Barre ayaa horraantii maanta isna tagay xarunta maamulka Waqooyi Bari.

Laascaanood waxaa horey u joogay wafdi ballaaran oo ka socda dowladda federaalka. Waxaa ka mid ah wasiiro, saraakiil amni oo uu ay ku jiraan Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Agaasimaha NISA, iyo madax ka socda dowlad-goboleedyada federaalka. Joogitaanka wafdigan ayaa muujinaya miisaanka siyaasadeed iyo amni ee la saarayo booqashadan oo kusoo aadaysa xilli Israa'iil aqoonsatay Soomaaliland oo iyadu sheeganaysa in Laascaanood ka tirsan tahay soohdimaha dhulkeeda.

dhanka kale Booqashadaan Madaxweyne Xasan uu ku tagayo gobolka Sool waxa ay noqoneysaa tiii sadexaad, 40 sano ka hor waxaa tagay magaaladaasi Hogaamiyihii Kacaanka ahaana Madaxweynihii sadexaad ee dalka soo maray ee Maxamed Siyaad Barre.

Taariikh ahaan dadka taariikhda ka faallooda ayaa ku tilmaamay safarkaan inuu yahay mid wax kusoo kordhin kara guud ahaan xasiloonida dalka, inkasta oo ay jiraan dad kale oo qaba inuu abuuri karo khilaaf siyaasadeed iyo arrimo kale.

sida ay qabto Aamina Cabdullaahi oo baratay siyaasadda iyo maamulka "Waxaan isleeyahay waxa ay niyad dhis u tahay dadka deegaamadaas oo muddo badan dagaalo kusoo jiray, sidoo kale waxa ay ila tahay in uu noqon kara mid muujinaya in dalku leeyahay siyaasado kale duwan". Aamina waxa ay intaas ku dartay in fikrada ka qeyb-galka caleemo saarka Madaxweynaha Waqooyi-bari ay xambaarsan tahay siyaasad kale "waa jiri kartaa siyaasad in ay ku jirto balse dalku waxa uu u baahan yahay mid wada ogol ah Soomaali mid ah".

Booqashadii Madaxweyne Siyaad Barre 1984

Maxamed Siyaad Barre waxa uu ahaa hoggaamiyihii xilka madaxweynenimo la wareegay kaddib geeridii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo lagu dilay magaalada Laascaanood sanadkii 1969-kii. Sidaas awgeed, booqashadii uu Maxamed Siyaad Barre ku tagay Laascaanood sannadkii 1984-kii waxay lahayd miisaan taariikhi ah iyo muhiimad gaar ah, maadaama ay ahayd markii labaad oo madaxweyne qaran uu cagta dhigo deegaannada Waqooyi-bari tan iyo dilkii naxdinta lahaa ee loo geystay AUN Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Booqashadaasi waxa ay ku soo beegantay xilli uu dalku ku jiray marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, isla markaana xukuumaddii markaas jirtay ay dadaal ku bixinaysay xoojinta midnimada qaranka iyo joogitaanka dawladda ee gobollada dalka. Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxa uu safarkiisu ahaa mid dhulka ah, isaga oo ka soo galay dhinaca gobolka Togdheer, taas oo muujinaysay muhiimadda uu u arkayay socdaalka iyo sida uu ugu talo-galay in uu si dhow ula kulmo shacabka deegaannada uu marayey.

Booqashadaas waxay qayb ka ahayd safarradii uu ugu kuurgalayay xaaladda gobollada iyo dhismaha mashaariicda horumarineed ee xilligaas ka socday dalka.

Booqashadii Madaxweyne Cabdirashiid Cali 1969

Sagaal sano kadib, xurnimadii dalka bishii Oktoober 1969 waxaa magaalada Laascaanood gaaray wafi ballaaran uu hogaaminayey madaxweynihii waqtigaaas Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ahaa madaxweynii u horreeyey oo xilka ku qabtay doorasho baarlamaan.

Cabdirashiid ayaa dalka kasoo noqday Ra'iisul-wasaare dowladdii uu hogaaminayey Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan. Intii xiligaas uu hayey xilka Ra'iisul wasaarenimo waxa uu booqday dalal kala duwan isaga oo u muujinayey xornimada dimoqaraadiyadda ay haystaan ummadda Soomaaliyeed kagadaal gumeystihii.

Safarradii uu tagay waxa uu ugu weynaa kii ku tagay dalka Maraykanka isaga oo casuumad ka helay madaxweynihii waqtigaas Maraykanka Xukumayey ee John F. Kennedy.

Madaxweyne Cabdirashiid Cali Labo sano ka dib markii uu dalka Madaxweyne ka noqday ayaa askari ka tirsan ciidamadii ilaalada ka hayay ayaa toogasho ku dilay magaalada Laascaanod, isagoo booqasho ku marayey gobolada Waqooyiga Soomaaliya halkaas oo ay abaaro ka dhaceen.

Maxamed Cali laangadhe oo ahaa maayar ku xigeenka gobolka Sool sanadkii 1969-kii ayaa sheegay inuu madaxweynaha loo sameeyey soo dhaween diiiran "waa uu soo dagay dadkii soo dhaweeney ayuu salaamay, salaantaan kala qaadanay waa soo kaxeenay, hadal jeedintii kadib ayaa waxaa la su'aalay 'maluugu yiri laascaanod baa laguugu dilayaa?' Ilaah baa wax dila laakiin saas baaa la' yiri, ayuu ku jawaabay madaxameynaha". Maxamed Laangadhe waxa uu hadalkiisa ku daray, "soo dhaweyntii kadib ayuu uu gaaray xarunta dowladda hoose ee magaalada inta uusan ka degin gaariga ayaa lagu furay rasaas".

Lix maalmood ka dib markii dilku dhacay ayay ciidamadii dalka talada xoog kula wareegeen iyada oo wali lagu jiro baroordiiqda madaxweynahaasi la dilay.

Waxaana 21kii Oktoobar 1969kii dalka Madaxweyne ka noqday S/Gaas Maxamed Siyaad Barre oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.