Iiraan: 1979 - 2026. Kacdoon dadweyne oo gilgilay labadii nidaam ee boqortooyada iyo wadaaddada

    • Author, Fardowsa Sheekh Cabdiraxmaan
    • Role, Weriye BBC

Dhammaadkii Sanadkii hore dalka Iiraan waxaa ka qarxay banaanbaxyo waawayn, kuwaas oo salka ku haya sicir barar dhanka dhaqalaaha ah. Dadka banaanbaxaya ayaa ku doodaya in dalka uu doonayo isbeddel maamumlka kaas oo kasoo bilowday sanadkii 1979-kii, markaas uu dalka ka dhacay kacdoon lagaga soo horjeeday dowladdii markaas talada dalka haysay oo islaamiyiintu ku eedeeyn in ay dalka ka waddo dhaqan beddel iyo la isku ekeesiiyo reer galbeedka.

Dowladda Iraan waxa ay soo martay marxalado siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo kala duwan tan iyo markii uu talada la wareegay Kacaankii Islaamiga ahaa, kaas oo illaa hadda dalka hogaamiya.

Sanadkii 1979 ayaa Iraan laga riday boqortooyadii Shah Mohammad Reza Pahlavi, waxaana talada la wareegay hoggaamiyihii Shiicada Ayatollah Ruhollah Khomeini. Waxaa la aas-aasay Jamhuuriyadda Islaamiga Iraan, waxa uuna dalka qaatay nidaam ay ugu magac dareen hoggaanka culimada. Dastuur cusub ayaa la ansixiyay, awoodda ugu sarraysana waxaa loo xilsaaray Hoggaamiyaha Sare.

Hogaamiyaha sare

Waa shaqsiga ugu awoodda badan Iraan, tan iyo markii uu kacaanka la wareegay dalka waxaa soo maray laba hoggaamiye Sare oo keliya: Ayatullaah Ruhollah Khumeyni (aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah) iyo Ayatullaah Ali Khumeyni oo kala wareegay. Ruhollaah Khumeyni ayuu ahaa ninkii dhisay qaab-dhisameedkan lagu maamulo Iiraan kadib markii uu riday nidaamkii Shah Mohammad Reza Pahlavi.

Sidoo kale, hoggaamiyaha Sare waa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Iraan, waxa uuna gacanta ku hayaa hay'adaha ammaanka. Sidoo kale, isaga ayaa magacaaba madaxa garsoorka, kala bar xubnaha Golaha Ilaaliyeyaasha, imaamyada salaadda Jimcaha, iyo madaxda telefishanka iyo idaacadaha dawladda. Intaa waxaa dheer, waxa uu maamulaa hay'adaha samafalka ka shaqeeya dalka iyo inta badan dhaqaalaha Iraan. Ayatullaah Khumeyni waxa uu noqday ninka ugu mudada dheer ee gacanta ku haya go'aamada dalka Iiraan, waxa uuna tan iyo markaas sii adkeeyay xakamaynta uu ku hayo awoodda isla markaana wajahaya caqabadaha horyaalla nidaamka.

Xilka ugu awoodda badan ee ku hogaamiyaha dowladda waa madaxweynaha kaas oo ku yimaada doorasho, waxa uu masuul ka yahay fulinta iyo dhaqan-gelinta dastuurka. Kaliya waxa uu xafiiska kusoo noqon karaa laba muddo xileed.

Kadib geeridii Khumeyni, Ayatullah Ali Khameyni ayaa noqday Hoggaamiyaha Sare, halka Akbar Hashemi Rafsanjani uu noqday madaxweyne. Xilligan waxaa xoog la saaray dib-u-dhiska dalka, hagaajinta dhaqaalaha, iyo furfurnaan diblomaasiyadeed oo ahayd mid xaddidan.

Madaxweynihii ku xigay Akbar, Mohammad Khatami waxa uu bilaabay dib-u-habayn siyaasadeed iyo mid bulsho, isagoo dhiirrigeliyay xorriyadda hadalka iyo wada-hadalka caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, isbeddelladaasi waxay la kulmeen caqabado kaga yimid hay'adaha iyo dastuurka dalka oo ahaa mid aad u xirxiran.

Madaxweynihii ku xigay Akbar, Maxamed Khatami waxa uu bilaabay dib-u-habayn siyaasadeed iyo mid bulsho, isagoo dhiirrigeliyay xorriyadda hadalka iyo wada-hadalka caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, isbeddelladaasi waxay la kulmeen caqabado kaga yimid hay'adaha iyo dastuurka dalka oo ahaa mid aad u xirxiran. Waxa uu dhammeestay muddo xiligeedkiisii, waxaana madaxweyne cusub loo doortay Mahmoud Ahmadinejad oo waddanka dib ugu celiyey, siyaasad adag iyo khilaaf caalami ah, gaar ahaan arrinta barnaamijka nukliyeerka. Cunaqabatayno culus oo caalami ah ayaa la saaray Iraan, taasoo si weyn u saameysay dhaqaalaha iyo nolosha shacabka.

Wadahallada Nukliyeerka uu dalka sameeyey

Xasan Rooxaani ayaa madaxweyne noqday, waxa uuna xoogga saaray dhisidda diblomaasiyadda iyo wadahadal lala yeesho awoodaha banaanka, si loo yareeyo cunqabateynta. Tani waxay keentay heshiiskii nukliyeerka ee 2015 (JCPOA). Inkastoo heshiisku yareeyay cunaqabataynta, haddana ka bixitaankii Maraykanka 2018 waxa uu dalka dib ugu soo celiyay cadaadiskii dhaqaale.

Xasan Rooxaani waxa uu kursiga u banneeyey madaxweyne Ibraahiim Raisi, oo isna bilaabay siyaasaddii adkeyd ee lagu yaqaanay Iiraan, is hortaag banaanbaxyo dhibaatooyin dhaqaale, iyo xiisado caalami ah. Iraan waxay sii waday saameynteeda gobolka iyadoo la tacaalaysa cadaadis dibadeed iyo baahiyo gudaha ah.

Ibrahiim Raisi, oo aha wadaad mayal adag oo xiriir dhow la lahaa Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran Ayatullaah Cali Khumeyni ayaa xilka la wareegay sanadkii 2021, isaga oo ku geeriyooday diyaaradeed sanadka 2024-kii isaga oo aan dhameysan muddo xileedkiisa.

Dadka reer Iraan waxay doorteen Masoud Pezeshkian inuu noqdo beddelka IbrahiIm Raisi. Pezeshkian, oo isku tilmaama "Isbeddel doon muxaafid ah" ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimada Iraan isagoo helay ku dhowaad 54 boqolkiiba codadka wareeggii labaad. Codbixinta labaad ayaa timid kadib markii musharrixiinta midkoodna uusan ku guuleysan aqlabiyadda codbixintii ugu horreysay ee dhacday 28-kii June, taasoo ay u soo baxeen 40% codbixiyeyaal, waana codkii ugu hooseeyay tan iyo markii la aasaasay Jamhuuriyadda Islaamiga ah 1979-kii.

Iiraan waxay sheegtaa in ay leedahay awood nukliyeer oo ay u isticmaasho si nabdoon, laakinse waddamada galbeedka iyo Israa'iil ayaa ku andacoonaya inay haysato hubka nukliyeerka ee wax baabi'iya.

Saameynta Iiraan dunida ku leedahay

Iiraan waa dal leh saameyn weyn oo ku baahsan gobollo kala duwan oo dunida ah, gaar ahaan Bariga Dhexe. Siyaasad ahaan, Iiraan waxay door muhiim ah ka ciyaartaa arrimaha gobolka iyadoo taageerta xulafo iyo kooxo saameyn ku leh dalal sida Ciraaq oo ay taageeraan kooxo maleeshiyooyin Shiico ah oo ka tirsan Ciidamada la magac baxay Abaabulka Shacabka. dhanka Falastiin waxa ay Iiraan Xamaas siisaa taageero buuxda, iyaga oo cadawgooda koowaad ay tahay Israa'iil, halka Lubnaan- ay la xiran tahay Xisbullah oo ah xulufada ugu awoodda badan ee Iiran ku leedahay dalka dibaddiisa, iyadoo Iiraan ay siiso hub casri ah, dhaqaale, iyo tababar. Dalka Yaman, waxay taageertaa dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta.

Isku xirka iyo garabsiinta kooxahaas ayaa kordhisay miisaankeeda istaraatiijiyadeed. Dadka fallanqeeya dimlomaasiyadda ayaa ku sheegeyn in ay tahay qorshe siyaasadeed oo ay Iiraan dooneyso in ay iskaga fogeyso weeraro iyo rabashado kusoo dhawaada xadkeeda.

Diblomaasiyad ahaan, Iiraan waxay xiriir la leedahay dalal waaweyn sida Shiinaha iyo Ruushka, waxayna si firfircoon uga qayb qaadataa ururrada caalamiga ah, inkastoo ay ay saameyn ku leeyihiin go'doominta saran.

Dhaqaale ahaan, Iiraan waxay leedahay khayraad tamareed oo ballaaran, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska, kuwaas oo saamayn ku leh suuqyada tamarta caalamka. Dhaqanka iyo diinta, gaar ahaan Shiicada, Iiraan waxay ku leedahay saameyn fikir iyo mid diimeed dalal badan.

Kacdoonnada Iiraan

Awoodda ugu wayn ee ay dadka reer Iiraan waa banaanbax, waxa ay qarniyo ku soo jireen xukun mayal adag oo go'aankiisu yahay in la isku maamulo xukun islaami ah. Waxa uu u sababayay dalka go'doomin dhaqaale, iyo in la gooyo xiriirada caalamka, taas dalka ragaadisay kana dhigtay waddan ka hooseeya waddamada kale.

Xukunka haatan talada dalka haya waxa uu ku yimid kacdoon shacab, kaas oo xilka laga tuuray hogaamiyihii ay taageersanayeen Maraykanka iyo kooxiiidsa.

Halkaas kuma ekaan, Iiraan siyaabo kala duwan waxa ay gashay hirar kacdoonno iyo mudaharaadyo waaweyn, kuwaas oo inta badan ka dhashay cadaadis siyaasadeed, shaqo la'aan, sicir-barar, musuqmaasuq, iyo xaddidaadda xorriyadaha.

waxaa si adag uga falcelisay dowladda, iyadoo adeegsatay ciidamada ammaanka iyo xannibaadda warbaahinta. Si kastaba ha ahaatee, kacdoonnadu waxay muujiyeen jiritaanka caro bulsho oo sii kordheysa iyo baahida isbeddel siyaasadeed iyo mid bulsho.