Muxuu yahay walaaca ay qabaan farsamayaqaannada tumi jiray agabka la isticmaalo

    • Author, Siciid Nadaara
    • Role, Weriye

Farsamada gacanta lagu sameeyo waa xirfad soo jirtay muddo dheer, isla markaana soo martay marxalado kala duwan oo taariikhi ah.

Dadka ku shaqeeya xirfaddan ayaa sannado badan ku tiirsanaa aqoontooda iyo gacmahooda, iyaga oo soo saari jiray agab kala duwan oo baahi weyn u lahaa bulshada, kana mid ahaa wax-soo-saarka maxalliga ah ee lagu faani jiray.

Si kastaba ha ahaatee, maanta farsamadan waxa ku soo wajahan walaac isa soo taraya, kaas oo la xiriira halista ay ugu jirto inay gebi ahaanba baaba'do.

Dadka ku shaqeysta ayaa sheegaya in hoos uu dhac weyn ku yimid shaqooyinkii ay horay u qaban jireen, taas oo si toos ah u saamaysay noloshooda iyo isku filnaanshahooda dhaqaale.

Daahir Jaamac Maxamed oo ka mid ah farsamayaqaannada muddada dheer ku jiray hawshan, ayaa sheegay in shaqooyinkii ay ku tiirsanaan jireen ay hadda aad u yaraadeen. Wuxuu tilmaamay in xaaladdan ay keentay in bulshada ay si sii kordhaysa ugu tiirsanaato alaabo dibadda laga keeno, halkii ay horay u isticmaali jireen wax-soo-saarka gudaha. Sida uu sheegay, arrintani ma aha oo kaliya mid dhaqaale, balse waa mid saamaynaysa jiritaanka xirfadda lafteeda.

"Dad awal waxaynu ahayn isku filan, kabteena annagaa tolan jirnay, kuuyadeena annagaa tuman jirnay, dubbaheena annagaa samaysan jirnay. Dalka isku filnaansho meel dhow baanu joognay. Haddana waxaad mooddaa inaynu dad hoos tagayno" ayuu yiri Daahir Jaamac Maxamed.

Dhankiisa, Saxardiid Maxamed Guuleed oo isna ka mid ah dadka ku shaqeeya farsamadan ayaa sheegay in xaaladdu ay gaartay heer ay ku qasbanaadeen inay joojiyaan shaqooyinkii ay asal ahaan qaban jireen. Wuxuu sheegay in dadku ay doorbidayaan alaabaha dibadda laga keeno, taas oo keentay in farsamayaqaannadii maxalliga ahaa ay wajahaan shaqo la'aan.

Waxa uu intaa ku daray in hawsha kaliya ee hadda u hartay ay tahay inay dib u farsameeyaan ama dayactiraan alaabo dibadda laga keenay oo ciladoobay, halkii ay ka soo saari lahaayeen wax cusub oo ay iyagu leeyihiin.

"Wixii aan samayn jirnay oo dhan waxa la keenaa iyagoo carbi wada ah oo bakhaarada yaalla, dadkiina carbigaas bay gadanayaan, annagana shaqo la'aan baa nagu dhacday. Wax aan qabanayno hadda ma jiraan, waxa ay ayagu soo gataan oo ka soo hallaaba ayaan u sii samaynaa. Wixii aan samayn jirnay cid gadanaysa ma jirto" ayuu yiri Saxardiid Maxamed.

Arrinta kale ee sii xumaynaysa xaaladda ayaa ah in shaqadan ay maanta sii hayaan inta badan odayaal waayeel ah, halka dhallinyaradii baran lahayd xirfaddan oo mustaqbal u noqon lahayd ay gabi ahaanba ka jeesteen. Sababta aysan dhallinyaradu uga shaqayn, sida ay farsamayaqaannadu sheegayaan, waa marka ay arkeen in aanay jirin faa'iido muuqata ama dakhli ku filan oo ka soo baxa hawshan.

"Dhaqdhaqaaqii waan iska daynay anagaas baa hadda daba socona, dhallinyaradii baran lahayd, samayn lahayd, xirfadda lahayd oo howlkarka ahayd waa iska daayeen markay arkeen inaysan waxba ka faa'iidayn, waxaasna waxa noogu wacan dowladda iyo ganacsatada oo aan joojinayn" ayuu yiri Saxardiid Maxamed.

Cabdi Mowliid Saleebaan ayaa sheegay in haddii la heli lahaa taageero dhab ah, qalab casri ah iyo dhiirrigelin rasmi ah, ay suuragal noqon lahayd in wax-soo-saarka farsamadan la kordhiyo, lana abuuro shaqooyin cusub oo ay ka faa'iideystaan dhallinyarada. Wuxuu aaminsan yahay in xirfaddani ay weli leedahay awood ay kaga qayb qaadan karto horumarinta dhaqaalaha gudaha, haddii loo helo daryeel iyo qorshe lagu badbaadinayo.

"Haddii qalab ay heli lahaayeen dhallinyarada oo dhan baanka shaqayn lahaa", ayuu yiri Cabdi Mowliid Saleebaan.

Inkasta oo ragga ku shaqeeya farsamadan weli laga arki karo waddooyinka iyo suuqyada qaarkood, haddana waxa ay ka cabanayaan taageero la'aan dhinaca dowladda ah, iyo sidoo kale bulsho aan si buuxda u dhiirrigelin iibka iyo isticmaalka agabka ay soo saaraan. Taasi waxay sii xoojisay dareenka ah in farsamadan qadiimiga ah ay wajahayso mustaqbal mugdi ah.

Warbixintan awgeed, waxa aan isku daynay in aan arrintan wax ka waydiinno mas'uuliyiinta dowladda iyo ganacsatada ay quseyso, si aan u helno aragtidooda ku aaddan xaaladda farsamadan iyo qorshayaasha jira ee lagu taageerayo. Hase yeeshee, illaa iyo hadda, dhammaan dhinacyadii aan la xiriirnay way ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintan.

Dadka farsamadan ku shaqaysta ayaa lagu yaqaan inay sameeyaan agabka guryaha, kuwa ugaarsiga, kuwa loo isticmaalo beeraha, iyo farsamooyin kale oo dhamaantood ama intooda badan ay maanta beddeleen mishiinno iyo qalab dibadda laga keeno oo ku shaqeeya batari ama koronto.