Netanyahu oo inta is hilmaamay ku fariistay kursigii Ra'isulwasaaraha, balse laga kiciyay

Caadooyinka qaar waa ay adagtahay in uu qofka ka tago si sahlan, gaar ahaan markii aad 12 sano ahayd Ra'isulwasaare aanan dhicin, goob kasta oo aad tagtidna aad ka fariisan jirtay goob la'isku wada ogyahay oo maamuus gaar ah leh.

Qofka aan ka hadlayno waa Ra'isulwasaarihii hore ee Israa'iil Benjamin Netanyahu, kaas oo markii uu shalay tagay aqalka baarlamaanka dalkaasi ee Kneset uu isaga oo is hilmaamsan ku fariistay kursigii Ra'isulwasaaraha ee uu ku fariisan jirey sida caadada ahayd.

Balse waxaa dhacday in la xusuusiyay in uusan ahayn Ra'isulwasaaraha dalkaasi, xilkaasi oo loo doortay Neftali Bannet oo heley codka aqlabiyadda.

Baarlamaanka Israa'iil marka uu ku dhawaaqay Ra'isal wasaaraha cusub ee Israa;iil inuu yahay Naftali Bennet Netanyahu wuxuu gacan qaaday una hambalyeeyey Ra'isal wasaaraha cusub.

Netanyahu markiiba kursigi waa uu ka kacay wuxuuna u wareegay kursigi kale ee looga talagalay, kaas oo ah kursiga Hoggaamiyaha Mucaaradka oo meel astaysan ka yaala Aqalka.

Israa'iil ayaa yeelatay Ra'isal wasaare cusub kaddib marki ay xisbiyada mucaaradka ay Ra'isal wasaare Bniyamin Netanyahu kaga adkaadeen inuu dowladda wadajirka ah uu hoggaamiyo.

Benjamin Netanyahu ayaa xilkiisii waayay 12 sano kaddib markii uu hayay awoodda Israa'iil. Baarlamaanka Israa'iil ayaa cod ay ku taageerayaan siiyay dowlad isbahaysi oo cusub .

Ra'isal wasaaraha cusub ee Israa'iil waxaa loo dhaariyey Naftali Bennet xilkina loo dhaariyey.

Naftali Bennett oo ah nin ka tirsan garabka midig islamarkaana ah nin ay waddaniyaddu madax-martay ayaa loo dhaariyay raii'sul wasaaraha cusub ee Israa'iil.

Naftali Bennett oo hadal u jeediyay golihiisa wasiirrada ayaa sheegay in shaqo culus ay hortaallo islmarkaana ay tahay in Israa'iil ay horey u socoto.

"Maalmo cusub ayaan bilaabaynaa, waana kuwo adag haddii aan niraahno kama aanan badbadin, dowlad midnimo ayaa inaga dambeysa, hadda dhammaan shacabka Israa'iil way na eegayaan waana in aan fulinaa wixii aan ballan qaadnay, annaga oo wada jirna ayaan tallaabo qaadaynaa, annaga oo kaashanayna islamarkaana qaadanayna mas'uuliyada in aan bogsiinno wixii na kala gaaray dalkana aan isu keenno oo aan dib u howlgalinno kaddib muddo dheer oo curyaamin iyo is qabqabsi uu jiray, hore ayaan u soconaynaa."

Netanyahu ayaa dhankiisa qaadacay isbahaysiga cusub ee ay xisbiyada mucaaradku dhisteen.

Sida ku cad heshiiska awood qeybsiga, Naftali Bennet- oo ah nin diinta iyo waddaniyaddu ay ku wayn tahay ayaa muddo labo sano ah xilka rai'sul wasaaraha hayn doona waxaana kaddib kala wareegi doona hoggaamiyaha xisbiga dhexe Yair Lapid .

Bennett, raii'sul wasaaraha cusub ee Israa'iil ayaa xilka hayn doona ilaa iyo bisha September 2023, sida uu dhigayo heshiiska isbahaysiga.

Netanyahu oo ah siyaasi ruug caddaa ah ayaa hoggaamin doona xisbigiisa garabka midig ee Likud waxaa uuna noqonaya hoggaamiyaha mucaaradka.

Benjamin Netanyahu ayaa xilka rai'sul wasaaraha soo hayay shan muddo-xileed, waxaana markii ugu horreysay uu xilka qabtay 1996 ilaa 1999, halka laga soo bilaabo 2009 ilaa 2021 uu xilka hayay.

Bishii April 2019 ayuu doorasho ku baaqay, balse waxaa uu ku guul dareystay in uu helo taageero ku filan oo uu ku soo dhiso dowlad cusub, waxaana taasi xiga labo doorasho oo ka dambeeysay.