You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Doorashada Israa'iil: Muxuu Netanyahu ku diidayaa dowladda cusub ee isaga beddeli doonta?
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ka digay in dowladda ka kooban axsaabta isu tagay ee lagu wado in ay dowladdiisa beddesho ay "khatar ku tahay ammaanka" dalka.
Wuxuu ugu baaqay saaxiibbadiis garabka midig in aysan taageerin dowladdaas ka dib markii siyaasiga ay xulafada hore ahaayeen ee Naftali Bennett, uu shaaciyay inuu ku biiri doono dhinaca kale.
Siyaasiyiinta ka soo horjeeda Netanyahu ayaa heysta ilaa Arbacada si ay u soo dhisaan dowlad. Haddii ay ku guuleystaan, waxay taasi soo afjareysaa dowladda Ra'iisul wasaarihii ugu muddada dheeraa Israa'iil.
Netanyahu, oo loo heysto eedeymo culus oo musuqmaasuq ah, ayaa laga yaabaa inuu wajaho xabsi, isagoo codad ku filan ka waayay doorashadii bishii March.
Balse siyaaisyiinta ka soo horjeeda ayaa laga yaabaa in ay keliya u suurto gasho in ay soo dhisaan dowlad laga tiro badan yahay, iyagoo aan taageero ka heleynin xubnaha Carabta ah ee baarlamaanka ku jira.
"Ha soo dhisina dowlad garabka bidix ah - dowladdaas oo kale waxay halis ku tahay ammaanka iyo mustaqbalka Israa'iil," ayuu yiri, 71-sano jirkan muddada ku soo dhex jiray siyaasadda Israa'iil. Sharraxaad kama uusan bixin sababta.
Netanyahu ayaa ku eedeeyay Bennett inuu "marin habaabinayo shacabka". Hadalkaas wuxuu ula jeedaa ballan qaad uu hoggaamiyaha xisbiga Yamina hore u sameeyay, kaas oo uu ku sheegay in uusan ku biiri doonin wada hadalada Lapid.
Bennett, oo 49 jir ah, ayaa khudbad telefishinnada laga sii daayay ku shaaciyay in xisbigiisa uu ku biiri doono wada hadallada lagu soo dhisayo dowlad isbahaysi ah oo ka soo horjeeda Netanyahu.
"Netanyahu iskuma dayayo inuu soo dhiso dowlad garabka midig ah, sababtoo ah wuu ogyahay in aysan jirin dowlad noocaas ah. Wuxuu doonayaa inuu danihiisa shakhsiga ah u adeegsado," ayuu yiri Bennett.
"Waan sameynayaa wax walba oo dowlad isbahaysi aan kula soo dhisayo saaxiibkey Yair Lapid," ayuu hadalka ku sii daray.
Kahor inta uusan ku dhawaaqin, warbaahinta Israa'iil ayaa shaacisay in Bennett uu beddeli doono Netanyahu, muddo kaddibna uu xilka ku wareejin doono Yair Lapid, oo 57 sano jir ah. Weli se arrintan si rasmi ah looma xaqiijin.
Dowladda isbahaysiga ayaa isku keeni doonta xubno ka kala tirsan kooxaha midigta, bidix iyo kuwa dhexe ee siyaasadda Israa'iil. Inkastoo ay xisbiyadu wax yar uun wadaagaan, siyaasad ahaan, haddana waxay ka wada mideysan yihiin in la soo afjaro muddada dowladda Netanyahu.
Lapid, oo ah wasiirkii hore ee dhaqaalaha, ayaa heysta ilaa 2-da June si uu u soo dhiso dowlad isbahaysi ah, taas oo Netanyahu uu ku guul darreystay.
Xisbigiisa Yesh Atid ayaa doorashadii sannadkii la soo dhaafay, dhanka codadka ku soo xigay xisbiga garabka midig ee Netanyahu ee Likud.