Donald Trump ayaa ballan qaaday inuu “boqolkiiba boqol”
fulin doono hanjabaaddiisa ah inuu canshuuro ku soo rogi doono dalalka Yurub ee
ka horyimaada dalabkiisa ku aaddan inuu la wareego gacan-ku-haynta Greenland.
Xulafada Yurub ayaa si buuxda ugu midoobay difaaca
madax-bannaanida Greenland. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Denmark ayaa carrabka
ku adkeeyay in madaxweynaha Maraykanku uusan hanjabaad ku gaari karin
lahaanshaha dhulka Denmark hoos yimaada ee iskiis u maamula.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, Yvette Cooper, ayaa mar
kale xaqiijisay mowqifka Boqortooyada Ingiriiska iyadoo sheegtay in mustaqbalka
Greenland ay go’aamin karaan “dadka Greenland iyo dadka Denmark oo keliya.”
Isniintii, Trump ma uusan meesha ka saarin isticmaalka awood
militari, wuxuuna ku adkaystay inuu sii wadi doono canshuuraha uu ku hanjabay
ee lagu soo rogi doono badeecadaha soo gala Maraykanka ee ka imanaya UK iyo
toddobo dal oo kale oo xulafada NATO ka tirsan.
Mar ay NBC News wax ka weydiisay in uu adeegsan doono awood
militari si uu u qabsado Greenland, Trump ayaa ku jawaabay: “Faallo kama
bixinayo.”
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu Boqortooyada
Ingiriiska ku soo rogi doono canshuur dhan 10% oo lagu qaadi doono dhammaan
badeecadaha loo soo diro Maraykanka laga bilaabo 1-da Febraayo, taas oo u
kici doonta 25% laga bilaabo 1-da Juun, ilaa heshiis laga gaadho in Washington
ay Greenland ka iibsato Denmark.
Trump ayaa sheegay in isla tallaabadaas lagu dabaqi doono
Denmark, Norway, Sweden, Faransiis, Jarmal, Netherlands iyo Finland dhammaantoodna waa xubno ka tirsan isbahaysiga
difaaca ee NATO oo la aasaasay sanadkii 1949.
Markii la weydiiyay in uu dhab ahaan fulin doono hanjabaadda
canshuuraha, Trump ayaa u sheegay NBC News: “Waan fulinayaa, boqolkiiba
boqol.”