TOOS, Israa'iil iyo Iran oo isweydaarsaday weerarro cusub ka dib markii la dilay Hoggaamiyaha Sare Khamenei

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa digniin ay soo saareen ka digay "weerar ba'an" oo jawaab celin ah, iyagoo sheegay inay weerari doonaan saldhigyada Mareykanka iyo Israa'iil.

Kooban

Tebin toos ah

Abdishukri Haybe

  1. War deg deg ah, Wax aan ognahay illaa iyo hadda dagaalka u dhexeeya Maraykanka‑Israa’iil iyo Iiraan ee galay maalintii saddexaad

    Dagaalka u dhexeeya Maraykanka-Israa’iil iyo Iiraan ayaa galay maalintii saddexaad iyadoo dhammaan dhinacyadu wadaan duqeymo cirka ah oo baaxad weyn.

    Halkan waxaa ku qoran wararkii ugu dambeeyay:

    • Donald Trump ayaa sheegay in “hawlgallada dagaal” ee Iiraan ay sii socon doonaan “illaa dhammaan yoolalkooda la gaaro” isagoo muuqaal video ku hadlay.
    • Wuxuu sheegay in “sida la filayo ay jiri doonaan dhaawacyo dheeraad ah” ka dib markii Taliska Dhexe ee Maraykanka uu xaqiijiyay in saddex askari oo Mareykan ah la dilay, shan kalena si daran loogu dhaawacay weerar ay Iiraan qaaday.
    • Saakay subaxnimadii Isniinta, Israa’iil waxay bilowday duqeymo ay ku beegsanayso waxa ay sheegtay inay yihiin bartilmaameedyo Xisbullah oo ku yaalla Lubnaan, kaddib markii kooxda dagaalyahannada ahi ay gantaallo ku rideen Israa’iil.
    • Mas’uuliyiin Iiraan ah ayaa sheegay in ugu yaraan 153 qof la dilay kaddib weerar lagu qaaday iskuul gabdho ay dhigtaan, iyadoo Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian uu dhacdada ku tilmaamay “fal xun oo naxdin leh”.
    • Gantaallada Iiraan ayaa ku garaacday magaalada Beit Shemesh ee Israel khasaare gaystay ayaa iyagoo dilay ugu yaraan sagaal qof, sida ay sheegtay waaxda adeegga ambalaasta Israa’iil, Magen David Adom. Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Israa’iil tan iyo bilowgii dagaalkan.
    • Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in saddex qof la dilay tan iyo Sabtida weerarrada aargoosiga ah ee Iiraan, halka qaraxyo sidoo kale laga soo sheegay Bahrain, magaalada Erbil ee Ciraaq iyo Urdun.
    • Qiimaha saliida adduunka ayaa kor u kacay markii suuqyadu furmeen Asia subaxnimadii Isniinta.
    • Ra’iisul Wasaaraha UK Sir Keir Starmer ayaa sheegay in UK ay u oggolaanayso Maraykanka inuu qaado tallaabooyin difaac ah isagoo ka howlgalaya saldhigyada milatariga Ingiriiska, balse “uusan hadda ku biiri doonin tallaabooyin weerar ah.”
    • Ciidamada Cirka Ingiriiska ayaa xaqiijiyay inay ka jawaabayaan weerar la tuhunsan yahay oo diyaarado aan duuliye lahayn oo Iiraan ku qaaday saldhig ku yaalla Qubrus.
  2. War deg deg ah, Dadka Bayruut oo ku toosay dhawaaqa qaraxyo

    Bayruut

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Bayruut

    Halkan caasimadda Lubnaan ee Bayruut, dadka ayaa hurdada lagaga toosiyay qaraxyo isdaba joog ah oo ka dhex dhacay magaalada, xilli milatariga Israa’iil ay bilaabeen duqeymo ay ku beegsanayaan bartilmaameedyo ay leedahay Xisbullah, kaddib markii kooxda ay taageerto Iiraan ay gantaallo ku garaacday waqooyiga Israa’iil.

    Bayaan ay soo saartay, Xisbullah waxay sheegtay inay tallaabadaas u qaaday aargoosi la xiriira dilka Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Ayatollah Cali Khamenei, iyada oo ku tilmaantay “fal sharci ah oo is-difaac ah”.

    Waxay sheegtay inay ridday “weerar isdaba joog ah oo gantaallo sax ah iyo tiro badan oo diyaarado aan duuliye lahayn ah” oo lagu beegsaday goob difaaca gantaallada oo ku taalla waqooyiga Israa’iil.

    Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay inay iyaguna bilaabeen duqeymo jawaab u ah arrintaas, iyaga oo sheegay inay tallaabo ka qaadayaan “go’aanka Xisbullah ee ku biirista ololaha dagaal” isla markaana aysan oggolaan doonin in kooxdu “khatar ku noqoto dawladda Israa’iil ama waxyeello u geysato rayidka waqooyiga Israa’iil”.

    Israa’iil iyo Lubnaan ayaa 2024 ku heshiiyay xabbad-joojin uu dhexdhexaadiyay Maraykanku, taas oo soo afjartay in ka badan hal sano oo dagaal ah oo ay la galeen Xisbullah, kaas oo ku dhammaaday duqeymo culus oo ay Israa’iil ku qaaday kooxda ay Iiraan taageerto. Tan iyo markaas, labada dhinacba waxay isku eedeeyeen inay jebiyeen heshiiska xabbad-joojinta.

    Inkasta oo heshiiskaasi uu yimid kaddib 13 bilood oo colaadeed, haddana Israa’iil waxay fulisay duqeymo ku dhowaad maalinle ah oo ka dhan ah Lubnaan, iyadoo sheegtay inay beegsanayso bartilmaameedyo la xiriira kooxda.

  3. War deg deg ah, Xisbullah oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay Israa’iil

    Xisbulaah

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Xisbulaah

    Wax yar ka hor, waxaan soo werinnay bayaan ka soo baxay milatariga Israa’iil oo sheegayay inay duqeynayaan bartilmaameedyo ku yaalla Lubnaan, taas oo jawaab u ah gantaallo ay Xisbullah soo riday.

    Xisbullah ayaa xaqiijisay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ka soo dirtay Lubnaan, kuwaas oo ku wajahnaa Israa’iil.

    Kooxdu waxay sheegtay in tani ay tahay aargoosi la xidhiidha dilka hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ugu sarreeya Iiraan, Cali Khamenei.

    Sida uu sheegay milatariga Israa’iil, gantaalladaasi waxay ku dhaceen dhul bannaan oo ku yaalla gudaha Israa’iil.

    Xisbullah waa koox Shiico Muslim ah oo leh dhinac siyaasadeed iyo mid milatari, waxayna taageero xooggan ka heshaa Iiraan, isla markaana ka soo horjeedda jiritaanka Israa’iil.

  4. War deg deg ah, Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan ayaa ka digay in gantaallo laga rido koonfurta Lubnaan

    Nawaf Salam

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Nawaf Salam

    Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam, ayaa hadda ku daabacay bayaan bartiisa X, isagoo ka digay in gantaallo laga rido koonfurta Lubnaan.

    “Cid kasta oo ka dambaysa ha ahaatee, ridista gantaallada laga soo ridayo koonfurta Lubnaan waa fal aan masuuliyad lahayn oo shaki leh, kaas oo khatar gelinaya amniga iyo badbaadada Lubnaan isla markaana siinaya Israa’iil marmarsiinyo ay ku sii waddo weerarradeeda,” ayuu yidhi.

  5. War deg deg ah, Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa ku eedeeyay Xisbullah weerada cusub ku metalayso Iiraan

    Lebanon

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inuu bilaabay duqeymo uu ku beegsanayo bartilmaameedyo ay leedahay Xisbullah oo ku yaalla Lubnaan, taas oo jawaab u ah gantaallo loo soo tuuray dhanka Israa’iil.

    Bayaan uu soo saaray, Ciidamada Difaaca Israa’iil waxay ku eedeeyeen Xisbullah inay u shaqaynayso danaha Iiraan isla markaana ay beegsanayso rayidka Israa’iil.

    Waxay sheegeen inay tallaabo ka qaadi doonaan “go’aanka ay ugu biireen ololaha dagaal” isla markaana aysan oggolaan doonin in Xisbullah khatar ku noqoto waqooyiga Israa’iil.

    IDF waxay intaa ku dartay in falalka Xisbullah ay halis u yihiin inay burbur dheeraad ah ku keenaan Lubnaan, ayna si adag uga jawaabi doonto weerarro sii socda. Milatariga Israa’iil ayaa hadda ku dhawaaqay inuu bilaabay duqeymo ka dhan ah bartilmaameedyo Xisbullah ku leedahay Lubnaan.

    Tallaabadan ayaa la sheegay inay jawaab u tahay “rasaasta gantaallada” ee Xisbullah ay u soo riday dhanka Israa’iil, sida lagu sheegay bayaanka.

  6. War deg deg ah, Xulafada Maraykanka ee Khaliijka ayaa wajahaya culayska ugu weyn ee weerarrada Iiraan

    Cirka ka sarreeya Abu Dhabi, khadad cad oo qiiq ah ayaa ka muuqda iyaga oo si dheer uga goynaya cirka, kana dul socda fiilooyinka guryaha midabka ciidda leh iyo jardiinooyinka sida loo qurxiyay

    Kuwani ma aha diyaaradaha Dreamliner ama Airbus ee keenaya dalxiisayaasha iyo shaqaalaha martida ah ee cusub. Waa gantaallo balaastig ah oo soo socda, kuwaas oo laga soo ganay deriska weyn ee Imaaraadka ee ku yaalla dhanka kale ee Gacanka waa Iiraan’e

    Ilaa galabnimadii Axadda, Wasaaradda Difaaca ee Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa sheegtay inay ilaa hadda “wax ka qabatay” 165 gantaal oo balaastig ah oo soo socday, laba gantaal oo cruise ah iyo 541 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) oo Iiraan laga soo diray.

    Muuqaalladani ma aha kuwo caadi ka ah gobolka, balse tan iyo markii uu khilaafkani billowday subaxnimadii Sabtida, Iiraan waxay u muuqataa inay ballaadhisay bartilmaameedyadeeda, kana gudubtay oo keliya weerarrada lagu beegsanayo bartilmaameedyada milatari.

    Khaliijka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  7. War deg deg ah, Trump oo dhegaha ka furaystay su’aalaha ku saabsan Iiraan markii uu ku soo laabtay Aqalka Cad

    Donald Trump ayaa iska dhego-tiray su’aalaha ku saabsan Iiraan oo ay weriyeyaashu ku qaylinayeen, xilli uu dib ugu soo laabanayay Aqalka Cad.

    Madaxweynaha Maraykanka, oo horey ugu sugnaa gurigiisa ku yaalla Florida ee Mar-a-Lago, ayaa halkii uu ka jawaabi lahaa su’aalahaas ka hadlay laba taallo oo cusub oo lagu rakibay Beerta Rose Garden.

  8. War deg deg ah, Qaraxyo laga maqlay Tehran iyadoo internet-ku weli xaddidan yahay

    Tehran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaan hadda la sheekaysanayay qof deggan Tehran, kaasoo sheegay inuu maqlayay qaraxyo meel fog ka dhacaya intii aan wada hadleynay. Ayay qortay wariyaha BBC-da ee qaybta Afka Beershiyaanka Ghoncheh Habibiazad

    Wuxuu sheegay in “cabsidiisa ugu weyn” ay tahay in Mareykanku heshiis la galo hoggaanka hadda jira ee Iiraan. “Dhimashada Khamenei kaliya kuma filna, dhammaantood [mas’uuliyiinta] waa inay baxaan,” ayuu yidhi.

    Sidoo kale wuxuu sheegay inuu arkay ciidamo amni oo ku sugan waddooyinka Tehran, balse waddooyinku inta badan ay ka madhan yihiin

    Sababo la xiriira xayiraadaha internet-ka ee hadda jira, aad bay u adag tahay in la helo sawir cad oo ku saabsan waxa ka socda gudaha dalka.

  9. Dalal Khaliijka oo digniin u diray Iiraan

    Khaliijka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xubnaha Gulf Cooperation Council (GCC) ayaa kulmay Axaddii si ay uga wada hadlaan burburka weyn ee ka dhashay weerarrada Iiraan ku qaaday dalalka xubnaha ka ah GCC, kuwaasoo ay kooxdu sheegtay inay ku jireen beegsiga xarumo rayid iyo goobo deegaan.

    Golahaan oo ka kooban Imaaraadka Carabta, Bahrain, Sacuudi Carabiya, Cumaan, Qadar iyo Kuweyt ayaa cambaareeyay weerarrada, kuna eedeeyay Iiraan inay ku xadgudubtay madaxbannaanidooda iyo sharciga caalamiga ah.

    War-saxaafadeedka, GCC waxuu ku booriyayIiraan inay joojiso weerarrada, waxayna adkaysay muhiimadda wadahadalka iyo diblomaasiyadda. Si kastaba ha ahaatee, kooxdu waxay sidoo kale ka digtay inay qaadi doonto “dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” si ay u difaacdo ammaankeeda.

  10. War deg deg ah, Qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay ka dib weerarrada Iiraan

    shidaalka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qiimaha caalamiga ah ee shidaalka ayaa kor u kacay ka dib markii Mareykanka iyo Israel ay weerarro ku qaadeen Iiraan dhammaadkii todobaadkii.

    Brent crude iyo Nymex light sweet oil labaduba waxay kor u kaceen in ka badan 10% markii suuqa tamarta uu furmay Isniinta subaxnimadii Aasiya, ka hor inta aanay dib u dhicin qayb ka mid ah korodhkaas.

    Waqtiga la qorayay warbixinta, Brent crude wuxuu ku jiray koror ku dhow 9% isagoo gaadhay $79.30 foostadii, halka Nymex uu kor u kacay ku dhawaad 8.5% isagoo gaaray $72.70.

  11. War deg deg ah, Dhacdooyinka Bariga Dhexe waa in 'aysan horseedin xiisad dheeraad ah', Wakiil sare oo Midowga Yurub ah

    Diblumaasiyadda sare Midowga Yurub, Kaja Kallas, ayaa sheegtay in dhacdooyinka Bariga Dhexe ay tahay “In aysan horseedin xiisad dheeraad ah oo khatar ku noqon karta gobolka, Yurub iyo meelaha ka baxsanba, iyada oo ay ka dhalan karaan cawaaqib aan la saadaalin karin.”

    Bayaankan oo ay ku daabacday X, isla markaana cambaareynaya weerarrada Iiraan oo ay ku tilmaantay kuwo “aan la aqbali karin,” ayay intaa ku dartay: “Waxaan qaadaynaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo hubiyo badbaadada muwaadiniinta Midowga Yurub ee gobolka.

    “Midowga Yurub wuxuu muujinayaa taageeradiisa xulafada la weeraray ama ay saameeyeen weerarradaas.

    “Waxaan sii wadi doonnaa ka qaybqaadashada dhammaan dadaallada diblomaasiyadeed si loo yareeyo xiisadda loona helo xal waara oo ka hortaga Iiraan inay hesho hub nukliyeer ah.”

    Sidoo kale, waxay soo bandhigtay bayaan ku saabsan Midowga Yurub oo sheegay in ururku uu “sii wadi doono ilaalinta ammaanka iyo danaha Midowga Yurub, oo ay ku jiraan tallaabooyin ganaax dheeri ah” oo lagu soo rogo Iiraan.

  12. Sawirro: Duqeymaha Iiraan ee Israel illaa iyo Imaaraadka iyo saamaynta ka dhalatay

    Beit Shemesh

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Beit Shemesh Israel, sagaal qof ayaa ku dhintay weerar Iiraan ah, sida uu sheegay afhayeen ka tirsan adeegga gurmadka degdega ah ee Magen David Adom.
    Baxrayn

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Caasimadda Bahrain, Manama, ayaa sidoo kale la beegsaday maanta, iyadoo mas’uuliyiinta dowladda ay u sheegeen warbaahinta maxalliga ah in “qaybo kooban oo burbur ah” ay ka dhaceen meelo dhowr ah.
    Jabal Ali

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dekedda Jebel Ali ee Dubai, Imaaraadka Carabta, ayaa la weeraray maalintii labaad ee weerarrada aargudasho ee Iiraan ku qaaday Mareykanka iyo Israel.
    Doha

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Subaxnimadii maanta, qaraxyo culus ayaa laga maqlay Doha, iyadoo qiiq uu ka muuqday magaalada.
  13. In ka badan 1,000 oo bartilmaameed Iiraan ah ayaa la weeraray 24-kii saac ee ugu horreeyay hawlgalka taliska Centcom

    Maraykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Warbixin uu sii daayay taliska United States Central Command (Centcom) ayaa sheegtay in in ka badan 1,000 oo bartilmaameed Iiraan ah la weeraray 24-kii saac ee ugu horreeyay ee Hawlgalka Cadhada Darran (Epic Fury) ee Maraykanku ka wado Iiraan.

    Waxaa lagu sheegay qalabka milatari ee Mareykanka ee hawlgalkaan lagu isticmaalay, kuwaasoo ka mid ahaa diyaaradaha birta ee wax duqeeya, diyaaradaha drone-ka, diyaaradaha dagaalka, iyo nidaamyada ka hortagga gantaallada.

    Sidoo kale waxaa la taxay bartilmaameedyada Iiraan, kuwaasoo ay ku jireen xarumaha amarka iyo maamulidda, goobaha gantaallada balistikada, iyo xarunta guud ee Wakaaladda Ilaalada Kacaanka Islaamiga ee Iiraan (IRGC).

    Arrintani waxay la mid tahay hadaladii Ciidanka Difaaca Israel (IDF), kuwaasoo hore u sheegay in maalintii ugu horreysay ee hawlgalka ay keentay “guulo aad u muhiim ah.”

  14. War deg deg ah, UK, Faransiiska iyo Jarmalka oo si wadajir ah war usoo saaray

    UK, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo cambaareynaya Iiraan weeraradeeda “gantaalaha aan kala sooca lahayn iyo kuwo xad-dhaaf ah” ee ay ku qaadayso deriskeeda.

    Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, iyo hogaamiyaha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa ku baaqay in Tehran ay joojiso weerarrada, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u difaacaan danahooda Bariga Dhexe.

    “Waxaan qaadi doonaa tallaabooyin lagu difaacayo danahayaga iyo kuwa xulafadeena ee gobolka, iyadoo suurtogal tahay in la oggolaado tallaabo difaac oo lagama maarmaan ah oo xad-dhaaf ah si loo burburiyo awoodda Iiraan ee gantaallada iyo diyaaradaha drone-ka ah ee ka soo baxaya,” ayay yiraahdeen.

  15. Trump oo shacabka Iiraan ku boorriyay inay “dib u soo ceshadaan dalkooda”

    Muuqaal cusub ooTrump sii daayay, wuxuu sheegay in weerarrada Mareykanka iyo Israel ee Iiraan ay “sax yihiin” isla markaana “lagama maarmaan u yihiin” in laga takhaluso “xukuumadda argagixiso ee dhiig-doon ah, oo ku hubaysan hub nukliyeer ah”.

    “Khatarta aan la aqbali karin mar dambe ma sii socon doonto,” ayuu Trump yidhi.

    Kadib wuxuu mar kale ku celiyey baaqiisa ku aaddan isbeddelka xukuumadda, isagoo si toos ah ugu yeeraya shacabka Iiraan.

    “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan waddaniyiinta Iiraan ee xiiseynaya xoriyadda inay fursadan ka faa’iideystaan, oo geesinimo muujiyaan,” ayuu Trump yidhi. “Geesi noqda, geesiimo muujiya, oo dib u soo ceshada dalkiina. Maraykanku waa idinla jiraa.”

  16. Dowladda Ingiriiska oo caddeysay qorshaheeda ku aadan dagaalka Iiraan maxuu yahay haddaba?, Dhammaanteen waan xusuusannahay khaladaadkii Ciraaq – Starmer

    Starmer

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaan hadda idiin soo gudbin karnaa qayb ka mid ah bayaan muuqaal ah oo uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer.

    “Ma ku biireyno weerarradan, laakiin waxaan sii wadi doonnaa tallaabooyinkeena difaaca ee gobolka,” ayuu yidhi.

    Wuxuu intaa ku daray: “Waxaan rabaa inaan si cad u sheego: dhammaanteen waan xusuusannahay khaladaadkii Ciraaq. Casharro ayaa laga bartay. Annagu kamaana qayb galin weerarradii hore ee Iiraan… mana ku biiri doonno fal weerar ah hadda.”

    Si kastaba ha noqotee, wuxuu sheegay in Iiraan ay wado “xeelad wax walba burburin ah,” sidaa darteed UK waxay “taageereysaa is-difaaca wadajirka ah ee xulafadeena iyo dadkeena gobolka.”

    Wuxuu ugu yeeray tan “habka ugu fiican ee looga takhalusi karo khatarta degdegga ah… isla markaana looga hortago in xaaladdu sii xumaato.”

  17. Trump oo ku goodiyay in Mareykanku uu “aari doono” ciidamadiisa dhintay

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa soo dhigay bayaan muuqaal ah oo ku saabsan oo ku daabacay barta Truth Social.

    Trump wuxuu sheegay in Mareykanku uu “aari doono” dhimashada ciidamada Mareykanka ah isla markaana uu “dharbaaxada ciqaabeed ee ugu culus gaadhsiin” doono xukuumadda Iiraan.

    Wuxuu sheegay in Mareykanku uu “wado hawlgallo ballaadhan, aan kaliya loogu talagelin amniga waqtigeenna iyo goobteena, balse sidoo kale carruurteena iyo carruurtooda”.

    Wuxuu intaa ku daray in tani ay tahay “waajibaadka iyo culayska dad xor ta ah”.

    “Falalkan waa sax, waana lagama maarmaan si loo hubiyo in Maraykanku uusan abid la kulmi doonin xukuumad argagixiso ah oo dhiig-doon ah, oo ku hubaysan hub nukliyeer ah,” ayuu yidhi.

  18. War deg deg ah, UK oo oggolanaysa in Mareykanka u saldhigyadeeda difaac ahaan u isticmaalo

    Starmer

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa dhawaan ku soo bandhigay bayaan muuqaal ah oo uu ku daabacay X.

    Wuxuu sheegay in UK ay oggolaan doonto Mareykanka in uu tallaabo difaac ka qaado saldhigyada milatari ee Britain.

    "Mareykanka ayaa codsaday oggolaansho uu ku isticmaalo saldhigyada Britain ujeedado difaacoo gaar ah oo xaddidan," ayuu ku yidhi muuqaal horay loo duubay.

    "Waxaan go’aansanay inaan aqbalo codsigan si looga hortago in Iiraan ay gantaallo ka tuurto gobolka oo ay ku dhaawacdo dad aan waxba galabsan, khatar geliso nolosha dadka British-ka ah, isla markaana ku duqeyso dalal aan ku lug lahayn."

  19. War deg deg ah, Saldhigga ciidamada Maraykanka ee ku yaala Baxrayn oo la duqeeyay

    Mas’uul sare oo Bahraini ah ayaa caawa ii sheegay in saldhigga 5-aad ee Ciidanka Badda Mareykanka ee Bahrain weerar lagu qaaday qiyaastii 19:30 GMT (22:30 saacada maxalliga ah) iyadoo ay weerartay diyaarad drone ah oo ka socotay Iiraan taasoo keentay dab weyn.

    Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ayaa ku dhacday meel u dhow xarunta ciidamada ee Boqortooyada Ingiriiska oo ku xigta aagga Mareykanka, laakiin ma jirin wax khasaare ah oo ka dhashay maadaama meesha laga daadgureeyay dadka dagaalka ka hor.

    Illaa hadda, ayuu sheegay, waxaa jira afar qof oo ku dhaawacmay weerarrada Iiraan ee Bahrain: hal Shiinays, labo Masaari iyo hal Bahrayni ah.

    Wasiirrada arrimaha dibadda ee Gacanka ayaa hadda kulan muuqaal ah ku leh, iyagoo ka wada hadlayo suuragalnimada in ay raacaan Imaaraadka Carabta ee xirista safaaradahooda Tehran.

  20. Sawirro dayaxgacmeed lagu qaaday ayaa muujinaya burburkii ka dhashay duqeymihii ka dhacay saldhigyada Iiraan

    Sawir

    Xigashada Sawirka, Vantor

    Sawirro dayax-gacmeed ah oo tayo sare leh oo ay falanqeeyeen BBC Verify ayaa muujinaya burburka ka dhashay duqeymihii lagu qaaday saldhigyada milatari ee Iiraan.

    Sawirrada maanta, 1-da Maarso, oo ay qaaday shirkadda Vantor, ayaa muujinaya burbur ka dhacay aagga badda ee saldhigga milatari ee Konarak, iyadoo muuqata markab ku quusay iyo burbur culus oo ku dhacay dekedda weyn.

    Burbur kale ayaa laga arkay xarumaha qayb ka mid ah saldhigga loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), oo ay ku jiraan waxa loo maleynayo inay yihiin bakhaarro keyd ah.

    Sawirradani waxay sidoo kale muujinayaan in nidaamyada raadaarka ee Saldhigga Cirka ee Zahedan la burburiyay.

    Shirkadda Planet ayaa sidoo kale baahisay sawirro cusub oo tayo sare leh oo muujinaya godad la burburiyay oo ku yaala gobolka Tabriz.