Liverpool "oo hal ama labo ciyaartoy u baahan si ay Horyaalka u qaaddo"

Liverpool

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kooxda Liverpool waxaa ka dhiman "hal ama labo ciyaartoy" si ay u noqoto koox awood u leh in ay ku guulaysato horyaalka Ingiriiska ee Premier League, sida uu sheegayo Charlie Adam oo horay difaac ugu soo noqday kooxdan Reds lagu naanayso.

Kooxdan uu layliyo Jurgen Klopp ayaa kaalinta afraad ka gashay Horyaalkii Ingiriiska ee xilli ciyaareedkii hore, waxayna isku kharash gareeyeen ku dhawaad 170 milyan xagaagan.

Virgil van Dijk oo difaaca ka dheela ayayna bishii Janaayo ka bixiyeen 75 milyan oo doolar, balse Adam ayaa qaba in ay kooxdu u baahan tahay difaac kale si ay ugu babac dhigto kooxda Manchester City oo Horyaalka Ingiriiska difaacanaysa.

"Illaa iyo hadda Liverpool wax wanaagsan ayay qabatay" ayuu ku yiri Adam oo la hadlaya Idaacadda BBC Radio 5 live.

Naby Keita oo reer Ghana ah ayaa Liverpool ku soo biiray isaga oo RB Leipzig laga soo siistay 50 milyan oo giniga istarliinka ah, Fabinho oo reer Brazil ah ayaa isna kaga soo biiray Monaco isaga oo laga soo bixiyay 40 milyan oo gini.

Alisson ayaa isna noqday gool hayaha ugu qaalisan adduunka ka dib markii Liverpool ay ka soo bixisay 66.8 milyan oo giniga istarliinka ah, ciyaartoygaas reer Brazil ayaana lagala soo wareegay kooxda Talyaaniga ka dhisan ee Roma.