Maxaa la ogolyahay maxaase mamnuuca ah marka loo dabaaldagayo gool dhashay?

Ciyaartooyda ayaa looga digay in funaanada ay iska bixiyaan marka ay dabaaldagayaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciyaartooyda ayaa looga digay in funaanada ay iska bixiyaan marka ay dabaaldagayaan

Tartanka koobka aduunka ayaa maraya meel xasaasi ah islamarkana in gool la dhaliyo waa heer iyo farxad aad u sareysa.

Waxa aad lugta ku dhigtay kubadda waxa aadna tuurtay darbo xooggan taasi oo gees ka martay gool hayaha islamarkana waxaad dhalisay gool.

Hadaba muxuu yahay waxa xiga ee aad sameynayso?

Qaar ka mid ah ciyaaryahanada ayaa marka ay gool dhaliyaan waxa ay sameeyaan dabaaldag, iyada oo qaarkood ay dhulka dhigtaan jilbaha.

Balse qaar ka mid ah ciyaartooyda ayaa waxaa ka bata farxadda waxa ayna sameeyaan dabaaldag soo jiita dareenka garsooraha ciyaarta iyo xitaa ururka kubadda cagta ee Fifa.

Waxaa dhacday in ciyaaryahanno u ciyaara Switzerland oo lagu kala magacaabo Granit Xhaka iyo Xherdan Shaqiri, lagu xukumay ganaax lacageed ka dib markii la saloogay qaabkii ay u dabaaldageen xilli ay la ciyaarayeen Serbia oo ay uga badiyeen 2-1.

Qoysaska labadani ciyaartooy ayaa asal ahaan ka soo jeeda Albania oo horey uga tirsanayd Yugoslavia.

Waxaa halkaasi ka dhacay howlgal ay sameeyeen Serbia kaasi oo ka dhan ahaa dadka Albania ee ku sugnaa Kosovo, waxaana arrintan lagu soo afjaray faragalin ay sameeyeen ciidamo ka socday Nato 1999.

Markii ay ciyaartooydan goolasha daliyeen , waxa ay muujiyeen astaanta calanka Albania oo sida geleyrka oo kale ah, taas oo dadka qaar ay ku tilmaameen in ay tahay arrin kicin laga dhex abuurayo Serbiyaanka iyo dadka Albania

Muxuu yahay xeerka marka ay timaado in loo dabaaldago goolasha kubadda cagta?

Maxay se tahay jawaabta ay bixinayaan hay'adaha ciyaaraha marka qofka gool dhashay u dabaaldagaya uu si qaldan uu u dabaaldago oo uu xadka ka baxo?

Iyada oo ay ciyaartooyda xor u yihiin in ay muujiyaan calanka dalkooda amaba calaamado kale - ayaa ciyaaryahanka Shaqiri waxa uu mar ku dabaaldagay calanka Switzerland waxa uu sidoo kale mar kale uu dabaaldagiisa ku muujiyya calanka Kosova.

Habada waxaa jira sharci ka yaalla wax walba oo keeni kara " in lagu gardareysto shacabka guud ".

Golaha anshaxa ayaa si cad u sheegay "in qof waliba oo ku kaca waxyaabo kicinaya shacabka waxaa laga mamnuucayaa in uu ka qaybqaato labo kulan ciyaareed iyo in lagu ganaaxo lacag dhan 5,000 oo ah lacagta Switzerland".

Golaha caalamiga ah ee dajiya shuruucda kubadda cagta ee loo soo gaabiyo (Ifab) ayaa iyaguna qeexay in ciyaartooyda la siiyo karka Jaalaha "haddii ay ku kacaan fal gardaro ah amaba ay u dhaqmaan qaab dadka kicinaya".

Labada ciyaartooy waxa ay asal ahaan ka soo jeedaan Albanian

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Labada ciyaartooy waxa ay asal ahaan ka soo jeedaan Albanian

Ciyaaryahanada Xhaka iyo Shaqiri aya ugu dambayntii lagu helay dambi ah in ay ku kaceen fal aan wanaagsanayn ".lagamana mamnuucin ciyaaraha ee waxaa lagu ganaaxay lacag dhan 10,000 oo ah lacagta Switzerland , halka kabtanka kooxda Stephan Lichtsteiner lagu riday ganaax lacageed.

Ciqaab siyaasadeed

Iyada oo aysan jirin ciyaaryahan wali looga mamnuucay koobka aduunka fal gardaro ah oo uu ku kacay ayaa waxa ay naadiyada qaybtooda ka qaateen dabaaldagyo ku salaysan siyaasadda.

Waxa ay arrintan horseeday in tallaabo dhanka anshaxa laga qaado ciyaartooyda.

Robbie Fowler ayaa la ganaaxay ka dib markii uu muujiyay calaamad siyaasadeed 1997

Xigashada Sawirka, Image copyright MICHAEL COOPER/ALLSPORT

Qoraalka sawirka, Robbie Fowler ayaa la ganaaxay ka dib markii uu muujiyay calaamad siyaasadeed 1997

Sanadkii 1997, weeraryahanka kooxda Liverpool Robbie Fowler ayaa waxa uu muujiyay taageerada uu u hayo shaqaalaha dekadaha oo shaqa joojin ku jiray markaasi oo uu dabaaldagay gool uu ka dhaliyay koox ka socotay Noorway.

Waxa uu iska bixiyya shaatigii uu xirnaa si uu u muujiyo funaanad ay ku qornayd "500 oo ah shaqaalaha dekadaha ee Liverpool ayaa shaqada laga ceyriyay tan iyo 1995"..

Ciyaaryahankan oo ka mid ahaa xidigaha Liverpool ugu wanaagsan ayaa lagu ganaaxay £900 ka dib dabaaldagaasi.

Sharciga ciyaarta ayaa dhigaya "in ciyaaryahanka uusan muujin hadal ama sawir ka turjumaya siyaasad ".

Dhawaan ayay ahayd markii weeraryahanka Faransiiska, Nicolas Anelka lagu ciqaabay ka dib markii uu u dabaaldagay gool uu dhaliyya taasi oo loo fasiray isir naceyb.

Nicolas Anelka

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Nicolas Anelka

Ciyaaryahankan ayaa laga mamnuucay in uu ka qaybgalo 5 kulan waxaana lagu ganaaxay lacag dhan £80,000 ka hor inta aan naadiga laga ceyrin.

Shuruucda iyo xeerarka.

Ugu dambeyntii waxaa laga yaabaa in ciyaaryahanka oo ku dabaaldaga calaamad muujinaysa siyaasad ay dhibaato u keento.

Balse koobka aduunka ee imika socda ayaa waxa jira qaab hal abuurnimo oo loo dabaaldago iyada oo la raacayo shuruucda Fifa.

Ururka kubadda cagta aduunka ee Fifa ayaa qeexaya "in ciyaaryahanka uu dabaaldagi karo marka uu gool dhaliyo balse waxa ay intaasi ku daree"."in aan la ogoleen dabaaldagyada xadgudubka ah islamarkana uusan dabaaldaga lumin waqti badan."

Iyada oo ay arrintan jirto ayaa waxaa haddana dhif iyo nadir ah in arrimahani lagu ciqaabo ciyaartooyda.