Caro ka dhalatay nin la sheegay inuu aflagaadeeyay kooxda Senegal

Xigashada Sawirka, Lord Sugar
Lord Sugar ayaa lagu eedeeyay inuu yahay qof isla wayn oo aan danqasho lahayn, ka dib markii uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraallo uu xulka qaranka ee Senegal la barbardhigayo sida dadka ku ganacsada xeebta Marbella ee dalka Spain.
Lord Sugar oo 71 jir ah ayaa markii dambe raali gelin bixiyay, kana saaray qoraalka Twitter-ka, wuxuuna sheegay "isku dayga qoraallada aan ula kaca ahayn waa laga soo horjeestay".
Ninkan taajirka ah ee Britain u dhashay wuxuu BBC-da u sheegay in si xun loo turjumay qoraalkiisa, islamarkaasna uusan uga gol-lahayn inuu ku waxyeelleeyo sumacadda xulka qaranka ee Senegal.
Boqolaal ka mid ah dadka baraha bulshada isticmaala ayaa ku eedeeyay Lord Sugar inuu yahay qof cunsuri ah.
Horraantii bishan ayay ahayd markii maamulaha kooxda Tottenham uu bartiisa twitter-ka ku soo bandhigay qoraallo si khaldan loo qaatay.
Piara Powar oo ah madaxa fullinta ee kooxda ka hortagga cunsuriyadda ayaa sheegay in hadallada Lord Sugar ay yihiin kuwo waxyeelaynaya kooxda Senegal, islamarkaasna ah qaddarin la'aan ka dhan ah kooxdaasi.
Cayaaryahannada kooxda Senegal waxaa ka mid ah Sadio Mane oo Liverpool u dheela iyo Idrissa Gueye oo isna u cayaara kooxda Everton.
Senegal waxay 2-1 kaga badisay kooxdii ka socotay dalka Poland talaadadii.










