'Darbi danbi ma galo': Fahmo Gabayre, gabadha gurigeeda dowladdu la wareegtay ee ku yaallay halkii uu ka dhacay weerarkii kolonyada madaxweynaha lagu qaaday

Xigashada Sawirka, Radio Risaala
Qoraal ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dib loola wareegay dhul ku yaala degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay sheegeen in loo adeegsaday fal liddi ku ah amniga qaranka.
Maamulka gobolka ayaa sheegay in la adeegsaday xeerar ay kamid yihiin xeerka ciqaabta iyo kan la dagaalanka argagixisada si muwaadinkii dhulkan lahaa looga qaado.
Qoraalka ayaa sidan u qornaa "Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho markuu arkay, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, markuu arkay qodobka 182 iyo 183 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Qodobka 681, 682, 683 iyo 684 ee xeerka madaniga Soomaaliyeed.
Markuu arkay, 34aad farqadiisa labaad ee sharciga nabad galyada guud ee dalka ee maamulka dhulka dhismaha ee gobolka Benaadir. Markuu arkay qodobka 32aad ee sharciga la dagaalanka argagaxisada. Markuu arkay warqad kasoo baxday taliska booliiska qaybta guud ee gobolka Benaadir 1-da bisha afraad ee 2025 ujeedadiisuna ahayd ka warbixin dhacdo iyo codsi la wareegid guri uuna saxiixay Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, taliyaha qaybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir.
Markuu arkay warqad ka soo baxday, wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya taariikhdu markay ahayd 12kii bisha 2024, kuna saxiixnaa Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag wasiirka wasaaradda amniga gudaha. Waxuu soo saaray xeerka qodobka 1aad, laga bilaabo maalinta xeerkaan la saxiixo. Waxay dan guud ula wareegtay dhul ay leedahay muwaadinka lagu magacaabo Fahmo Warsame Gabayre – isla markaana waxaa la baaba'iyey dhamaan warqadahii lahaanshaha ee muwaadinka lagu siiyay gurigaasi. Kadib markii ay gurigaasi ay u isticmaashay ujeeddo halis ah oo lid ku ah amniga qaranka walina ay taagan tahay khatarta gurigaasi".

Xigashada Sawirka, Reuters
Inkastoo afhayeenka gobolka uusan sheegin khatarta amni ee loo adeegsaday dhulkaas haddana waxaa jirtay in 18-kii Bishii Maarso in qarax halkaas ka dhacay uu khatar galiyay nolosha madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo halkaas ay ku dhinteen dad ku dhow toban qof kuna dhaawacmeen tiro intaas ka badan. Afhayeenka oo akhriyay xeerka guriga loo codsaday ma akhrin in arrinta guriga maxkamadi go'aamisay.
"Go'aanka dowladda ka soo baxay ee gurigayga lagula wareegay waa go'aan khalad ah" ayay tidhi Fahmo Warsame Gabayre oo ah mulkiilaha gurigan dowladdu la wareegtay iska leh. Fahmo waxay xustay in la wareegista guriga iyo waxa loo cuskaday waxay ku jawaabtay Fahmo oo mBBC u warrantay "Wax la ii sheegay iyo wax loo cuskaday guriga la wareegistiisaba ninkaan meesha ka hadlaya waxuu sheegayay baan maqlayay", ayadoo ula jeedda hadalka ka soo baxay gobolka Benaadir ee uu akhrinaayo afhayeenka maamulka gobolka.
Warsaxafeedka waxaa lagu sheegay in gurigaas ay u "isticmaashay ujeeddo halis ah" "Arrintaas waxba kama ogi, gurigana wiilal baa masuul ka ahaa anniguna Nairobi baan degganahay. Anigu gurigan waxyaabo qarxa si lagu galiyay ma ogeyn" ayey tiri.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Fahmo waxay xustay in qofka marka guri laga kiraynaayo la mariyo nidaamka maamulka gobolka Benaadir la qoro qofka damiinka ka noqonaya – waxayna sheegtay in la xidhxidhay dadkii arrintaas gurigeeda ku lug lahaa sida ay sheegtay in iyadana loo sheegay. Waxayna sheegtay in ay dowladdu tahay in ay la socoto cidii danbi geysanaysa.
"Haddii waxyabaahaas [qarxa] guri iyo xaafad la gelinayana dowladdaa la rabay in ay la socoto, annigu lama socon karo."
Waxay sidoo kale sheegtay in ay in darbi uusan danbi galin ayna tahay dowladdu in ay cidii danbigaas gashay ay tahay sharciga in la marsiiyo hantideedana aan sidaas lagu qaadan.
"Darbi danbi ma galo,Dowladda waxaan ka codsanayaa waxii danbigaas galay ay iyaga sharciga marsiiyaan gurigaygana aan la dhibaatayn." Ayay BBC-da u sheegtay Fahmo.
Waxay intaa ku daratay in qorshaheedu haddeer uu yahay in ay maxkamad aadi doonto oo ayna jirin hantideeda oo lagala wareegi doono. "Wax hanti layskala wareegaayana ma jiro. Waxaa ila gudboon oo aan samaynaayaa [aadayaa] maxkamadaha iyo adduunka sharci baa ka jira" ayay sheegtay iyada oo codkeedu ka muuqdo sida ay uga xuntahay go'aanka dowladda ee gurigeeda lagula wareegay.













